haweenay xijaabanQuebec(ANN/CBC News)Haweenay Garsoore ka ah dalka Kanada ee waqooyiga Ameerika, ayaa diiday in ay dhegaysato dacwad ay damacsanayd in ay u gudbiso gabadh muslimad ah oo xidhan xijaab.

Gabadhan Garsooraha ka ah Maxkamad ku taal magaalada Montreal ee dalka Canada, ayaa ku amartay in ay haweenaydan iska bixiso niqaamka, inta ay xidhan tahayna aanay wax dacwad ah ka dhegaysanayn, kana qanayn.

Cod qarsoodi ah oo uu helay telefiishanka CBC News, ayaa laga maqlay Garsoore Elilana Marengo oo u sheegaysa haweenay la yidhaa Renia El Alloul in Maxkamaddu tahay meel aan diin laga ogolayn, dacwadeedana aan laga dhegaysan karin.

“Maxkamaddu waa meel aan laga ogolayn diinta, lagamana ogola in calaamad diin muujinaysa qofka lagu arko, gidaarka xataa lagama ogola in lagu arko, aniguna ma ogoli inuu I hor yimaado qof diin muqaalkiisa wata, xidhan xijaab, muraayad amma koofiyad,” ayaa ka mid ahaa codka garsooraha.

Sidoo kale, Gabadhan dacwadeeda la diiday, ayaa sheegtay markii dhalashada Kanada ay heshay ay xidhnayd xijaabka, cidna aanay u diidin, balse hadda ay dareensan tahay in aanay Kanadiyaan ahayn, waxaanay tidh; “Garsooruhu su’aashii ugu horraysay ee ay I waydiisay waxay ahayd; sababmaad u xidhan tahay xijaabkan, waxaanan u sheegay in aan Muslim ahay, waanan ooyey in badan markii ay dacwada iga diiday in ay iga aqbasho.”

Haweenaydan ayaa doonaysay in gaadhi ay lahayd oo Guddida Caymiska magaalada Quebec kala wareegeen, kadib markii boolisku joojiyeen wiil ay dhashay gabadhan oo sitay liisan (licence) laysan laga hakiyey.

Garsoore Marengo waxa ay ka gaabsaday in ay jawaab ka bixiso falkaas ay ku kacday, kadib markii CBC la xidhiidhay, waxaannu afhayeen magaciisu yahay Annie Claude Bergeron oo u hadlay Maxkamadda Quebec sheegay in garsooraha ay u taalo inuu aqbalo dacwada la hor keeno iyo in kale, balse ma jiro sharci dhigaaya dalka Kanada in qofka xidhan xijaab aan dacwadiisa la dhegaysan.

Qodob ay adeeggsatay garsooraha ee Xeerka Habka Maxkamadda Dhegaysa Kanada oo ahaa 13, kaasoo dhigaaya in qofka Maxkamadda imaanaya uu si fiican u soo labisto, maaha mid mabnuucaya in qofku xijaab xidho.

Arrintan waxa si adag u dhaleeceeyey sharciyayqaannada iyo ururrada Islaamka ah ee dalka Kanada, iyagoo sheegay in xuquuqda haweenaydaa u lahayd in ay dacwooto meel lagaga dhacay, laguna xad-gudbay shakhsiyadeeda.

Araweelo News Network

Somaliland Office

Email info@araweelonews.com

Jaamac132@gmail.com

Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews