hubaal
Hargeysa (ANN) Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac Balal oo dhawaan Guddiga Caddaaladda Qaranku ka fadhiisisay shaqadii garsoorenimo kadib markii uu xayiraadda ka qaaday wargeyska Hubaal, ayaa sheegay in aan kiisaska xukuumaddu danaynayso ee kuwa saxaafaddu ku jiraan xukunkooda loo eegin caddaaladda.
Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac waxa uu sheegay in aannu haynin wax cad muujinaya sababaha shaqada looga fadhiisiyey, balse ay jiraan tuhunno la xidhiidha go’aankii uu xayiraadda kaga qaaday wargeyska Hubaal kadib markii dhinaca xukuumadda ee eedaynayey ka soo qaybgaliwaayeen dhegaysiga dacwadda muddo dheer, isla markaana ay jiraan kiisas kale oo siyaasadaysnaa oo xukunnadii uu ka soo saaray aanay ku farxin xukuumaddu.
“Runtu waxay tahay kiisaska saxaafadda iyo kuwa dawladdu danaynayso caddaalad looma eegayo sax u xukun ama ha u xukumin ee cidda danaynaysaa maxay doonaysaa weeye? Garsoorahana muhiimadiisu waxay tahay inuu fahmo waaqaca, shaqadiisana uu garto, isla markaana aannu ka tagin wixii danta guud ah ee qaranku wada leeyahay. Markaa waa siyaasad waxani ee maaha caddaalad, kiiska Hubaal waa siyaasad, kii Cabdillaahi Abokor (Wasiir-ku-xigeenkii hore amniga ee dhawaan Madaxweynuhu cafiyey) waa siyaasad, kuwo kale waa siyaasad,” ayuu yidhi Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha shalay.
Garsooraha oo la waydiiyey sababta ay uga fadhiisiyeen Guddiga Caddaaladdu, waxa uu ku yidhi, “Haddalada kudhi-tidhi ku tageenka ah iyo sida qaar Guddiga Caddaaladda ah oo la kulmayba igu leeyihiin waxay igu yidhaahdeen xubno ka mdi ahi adiga kumaanu moodaynay ninkaanu erinay, qaar waxay yidhaahdeen guddiga nabadgalyada qaranka ayaa amar na siisay, kuwo kale waxay yidhaahdeen madaxtooyada ayaa amar toos ah soo bixisay, markaa weli anigu qoraalkaa ma hayo laakiin dhawaan waan heli doonaa oo markaasi ayaan ka hadli.”
“Anigu waajibaadkaygii shaqo ee dastuurku i farayey ayuun baan fuliyey, garsooruhu wuxuu meesha u joogaa inuu go’aan gaadho, go’aankaagana sax iyo khalad midka uu doono ha noqdee waa laga racfaan qaadan karaa, markaa waxaan maqlayey inay leeyihiin oo uu Xeer-ilaaliyaha guud uu idaacadaha ka sheegay inay jiraan cabashooyin hore (go’aamo garsooruhu gaadhay) oo qolyo argagixiso ah iyo wasiir-ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdillaahi Abokor oo aanay jeclaysan xukunkiisa oo ay yidhaahdeen waa laga khafiifiyey oo culays badan lama saarin, aniguna caddaymihii la soo bandhigay ayaan sidoodii u raacay.
Markaa waa dawlad oo waxay doonto ayey ku odhanaysaa, laakiin anigu damiirkayga (kuma shaqayn) in la eryayo iyo waajibaadkayga shaqo ayaan gutay oo ay gun u tahay wargeyska Hubaal oo dacwaddiisa muddo dheer laga soo qaybgaliwaayey oo aan go’aankii qaadanay, caddaaladduna waxay u baahan tahay in lagu dhiirrado, Ilaahay baa qofka arsaaqadiisa qoray oo cid wax ku yeeli kartaa ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac.

Araweelo News Network
Somaliland Office
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com