New York (ANN)Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa diiday qaraar Falastiiniyiintu ku doonayeen in qarannimo loogu aqoonsado, laguna doonayey in lagu soo afjaro sannadka 2017 degaamaynta Israa’iil ka wado dhulka Falastiin.
Qaraarkan ayaa fashilmay, kadib markii uu heli waayey codka kalsoonida oo ah 9 ogolaansho ah amma “Haa” ah oo looga baahnaa in goluhu ku meel mariyo si loo ansixiyo, waxaanna mooshinkaas codka taageerada siiyey siddeed cod, kuwaas oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Ruushka, halka Maraykanka iyo Australia diideen, waxaanna ka aamusay shan dal oo kale, iyadoo natiijadaasina noqotay in aannu qarraarku noqon mid ansax ah, balse tallaabada Falastiin ee qaraarkaa ayaa ah inkasta oo aanay guulaysan isku day iyo tijaabo fiican oo dad reer Falastiin iyo mujtamaca aduunka intooda baddan indhaha ku hayeen.
Safiirka Falastiin u jooga Qarammada Midoobay ambassador Riyad Mansour, ayaa ku dhaleeceeyey Golaha Ammaanka sida ay ugu fashilmeen ansixinta qaraarkaas, waxaannu yidhi; “Golaha Ammaanka waxa uu mar labaad ku guul darraystay inuu Axdigiisa ku hawlgalo amma waajibaadkiisa guto, dhaleecayntani waxay muhiimad u tahay qaraarkii ugu dambeeyey ee la ansixin waayey.”
Waxa kaloo uu dawladda Israa’iil ku eedeeyey inay shacabka Falastiin ku wado tacadiyo ay ka mid yihiin guumaysi iyo xatooyo dhul, burburinta hantida danyarta, millateri si joogta ah u weerara iyo xadhig sharci-darro ah oo haweenka, carruurta iyo dadka birma gaydada ah lagula kaco.
Safiirka Maraykanka u fadhiya Qarammada Midoobay, ayaa tilmaamay in qaraarkan guul darraystay, isla markaana waayey kalsoonida waddamada qaar, kaasoo lagu sheegay inuu xambaarsanaa qodobo xasilooni-darro dheeraad ah ka abuuraya bariga dhexe.
Qaraarka fashilmay oo uu gudbiyey waddanka Jordan oo waqtigan ah waddanka kaliya ee Carabta kaga jira Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay, ayaa xambaarsanaa in bariga magaalada Qudus ka dhigayey Caasimadda Falastiin, soona jeedinaya in degaamaynta Yuhuuddu joojiyaan, siina daayaan maxaabiista ay haysato Israa’iil ee ka soo jeeda Falastiin.
Qaraarkan waxa kale oo uu ku baaqayaa wada-xaajood nabadeed oo ku salaysan heshiiskii nabadeed ay kala saxeexdeen wadammada Carabta iyo Israa’iil sannadkii 1967-kii.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com