hawenay Sucudiga Gadhi ku wada
Riyad(ANN)Laba haween ah oo u dhashay dalka Sucuudiga, ayaa la horgeeyay Maxkamad lagu qaado denbiyadda Dadka loo qabto kiisaska la xidhiidha Argagixisada, waxaana Labadaa Haweenka ah la qabtay bil ka hor iyagoo baabuur wata. Sida ay sheecisay shaacisay BBC-du khamiistii toddobaadkan.

Dalka Sucuudiga waxa mabnuuc ka ah in Haweenku Baabuurta kaxeeyaan, waxaana Loujain Al Hathloul oo 25 jir ah iyo Maysa Al Amoudi oo 33 jir ah xabsiga loo taxaabay bishii December, kadib markii ay si badheedh ah u kaxaysteen Baabuur, sawirrana ku daabaceen Baraha bulshadu ku kulanto ee Social Media, kuwaasoo muujinaaya iyagoo Baabuur wata iyo hal-ku-dhigyo ay kaga soo horjeedaan sharciyada haweenka lagaga mabnuucay darawalnimada Baabuurta.

Haweenayda Loujain ayaa ciidammada ilaalada xuduuduhu istaajiyeen, kadib markii ay isku dayday in ay xuduuda ka gudubto 30 bishii November, iyadoo wadata liisanka wadista Baabuurta Imaraadka carabta, halka Maysa oo ah suxufiyad Sucuudi ah lagu joojiyey waqti ay damacsanayd in ay maryo iyo cunto geyso xuduuda.]

Damibyada lagu haysto Labada Haweenka ah oo aan xaashidooda eeda lagu sheegin sida Wakaaladda wararka ee Associated Press shaacisay, balse kiiskooda waxa loo gudbiyey Maxkamada Argagixisada lagu xukumo oo la aasaasay sannadkii 2008, si ay u go’aamiso kiisaska argagixisada, dadka xuquuqal-insaanka u dooda iyo dadka khiyaamul waddanka lagu soo eedeeyo, ayaa la horgeeyaa maxkamaddaa.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com