human-Rights-watchNew York(ANN)Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa si adag uga hadashay gabood-faladii u danbeeyay ee Ciidamada AMISOM ku laayeen dadka Shacabka ah ee Magaalooyinka Marka iyo Hiiraan, waxayna warbixin lagu canbaareeyay dilalkaa ku sheegtay in ciidamada AMISOM ay si ula kac ah dad rayid ah ugu dileen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabbeelada hoose.

Warbixin dheer oo Hay’addu shaacisay waxay ku sheegtay in maalintii ugu dambeysay bishii lasoo dhaafay ee July gaadiid ay wateen ciidamada Uganda oo marayay xaafadda Ruusiya eemagaalada Marka ku taala in qarax lala eegtay markaa kaddib ay guri guri u galeen guriyaha xaafadda.

Hay’addu waxay sheegtay in dadka magaalada Marka ay u sheegeen in ciidamadu galeen guri ay deganaayeen qoyska reer Macalin Iidey oo magaaladaas caan ka ahaa, kuwaasoo dhiganayay xaflad aroos kadib waxay kala saareen Ciidamada AMISOM, raggii iyo dumarkii xaflada ka qeyb qaadanayay.

Lix ruux oo 5 isku qoys yihiin sida Aabe iyo 4 wiil oo dhalay iyo adeerkood ayay toogteen, 4 ka mid ah isla goobta ayay ku geeriyoodeen midna, isaga oo dhaawac ah waxa uu hoos galay Sariir, balse muddo kadib ku geeriyooday, halka Aabihii qoyskaas oo la odhan jiray Allaha u naxariistee Macalin Iidey uu habeenkii u geeriyooday dhiig bax kadib markii ciidamadu diideen in xarun caafimaad la geeyo” ayaa lagu yidhi warbixinta Human Rights Watch ay soo saartay.

Qof ka mid ah dadka xaafadda Ruusiya ayaa xubno ka tirsan Human Rights Watch u sheegay in ciidamada dadkaan rayidka ah dilay ay muddo u xidhnayd xaafadda gaar ahaan guriga reer macalin Iidey oo ay diideen Ciidamada AMISOM in meydkadka laga qaado halkaa.

Magacyada dadka ay ciidamada Uganda ee AMISOM qeybta ka ah ku dileen guriga ku yaala magaalada Marka waxaa ka mid ahaa Macalin Iidey Xayle, Cumar Macalin Iidey, Yuusuf Macalin Iidey oo Biikole looga yaqaanay magaalada Marka, Xuseen Macalin Iidey , Siid Cali Macalin Iidey iyo Aweys Xasan Xuseen oo ku magac dheeraa Xamarow.

Haweeyneyda Maria Burnett u hadashay hay’adda u dooda xaquuqda Aadanaha ayaa ku eedeysay ciidamada Uganda inay goob farxadeed u badaleen goob murugo oo dhiig qul qalayo.

Haweeneydaan waxaa ay sidoo kale sheegtay in dadka ku nool magaalada Marka ay kala firxadaan marka ay qarax maqlaan sababtoo ah naftooda ayay kala baqaan ciidamada AMISOM.

“Ururka midawga Africa waa uu inoo sameeyaa baadhitaan dhamaystiran oo lagu qanci karo si ay meesha uga baxdo mad madowga ay galiyeen dadka Marka lagu dilay” ayay tidhi Maria Burnett oo Human Rights Watch ka tirsan.

Dhinaca kale Taliska Ciidamada AMISOM ee Somalia oo war saxaafadeed la xidhiidha arrimaha tacadiga iyo dadka shacabka ah ee lagu eedeeyo inay laayaan ku sheegay horaantii bishan wax aan jirin, waxayna iskaga fogeeyeen in ciidamadoodu ay dad rayid ah Marka ku dileen, taas badalkeedana waxaa uu talisku eeda dusha ka saaray dagaalyahanka kasoo horjeeda ee Al-Shabab.

Tan iyo markii Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabbeelada hoose oo gacanta dawlada iyo AMISOM soo gashay sanadkii 2012 dhawr jeer ayay ciidamada AMISOM ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo si badheedh ah loo laayay.

Sidoo kale dhawaan ciidamada Ethiopia oo qayb ka ah AMISOM, ayaa tuulada Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku dilay dad rayid ah oo doonayay inay ka qeyb galaan aaska qofka ehelkooda ah oo tuuladaa ku geeriyooday.

Sidaa awgeed Haweenayda Maria Burnett, ee u hadashay Human Rights Watch waxay sheegtay inay aaminsan tahay in haddii aan wax laga qaban dhacdooyinka noocaa oo kale ah ee ay geysanayaan ciidamada AMISOM inay wax u dhimayso mustaqbalka ciidamada midawga Africa ee Soomaaliya jooga iyo rajadii laga qabay hawlaha nabada Somalia ee ay Ciidamada AMISOM u tageen halkaa.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.