cidan kenyan ahcidan kenyan ahcidan kenyan ahcidan kenyan ahNew York(ANN) Hay’adda u ololaysa xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, ayaa si kulul u canbaaraysay ciidamada Kenya oo ay sheegtay inay tacadi iyo gaboodfalo ku hayaan dadka shacabka, gaar ahaan dadka Soomaalida aha.
Human Rights Watch waxay sidaa ku sheegtay warbixin ay ku canbaaraysay tallaabooyiinka ciidamada amniga ee Kneya, iyadoo sheegtay in weerarada Al-shabaab ay sare u qaadeen xiisadda ka aloosan dalka Kenya.

Warbixintaa oo maanta lasoo saaray, waxa lagu sheegay sida ay xustay Hay’adda Human Rights Watch in ciidamada amniga ee Kenya ay ku guuldareysteen inay difaacaan dadka rayid ka ah, intuu weerarkaasi socday ama ay baadhitaan sax ah ku sameeyaan arrinta.
warbixin maanta la soo saaray, ayaa ku soo beegantay sanad kaddib weerarkii Mpeketoni, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof.
Sidoo kale waxay warbixintu kusoo beegnatay, iyadoo deegaankaa ay ka dhaceen weeraro kale saacadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo ay Al-shabaab ka fuliyeen xeebta Lamu iyo dhinaca gobolka Wajeer ee Woqooyiga Kenya.

Human Rights Watch waxay sheegtay jawaabta ay Ciidanka Kenya ka bixiyeen weerarada inay xayiraad kusoo rogeen Muslimiinta iyo Soomaalida kale ee ku dhaqan deegaankaa, waxayna arrintaa ku tilmaantay mid xaaladda sii xumeysay, isla markaana dhiiri gelisa weerarada Al-shabaab ee aan waxba ka bedelin xaalada.
Hay’adda Human Rights Watch, waxay warbixino kala duwan marar hore uga soo saartay xaalada dadka Soomaalida ah ee ku sugan Kenya iyo sidoo kale deegaamada gudaha Somalia ee ay joogaan Ciidamada Kenya iyo kale ee AMISOM, kuwaas oo tacadiyo isugu jira Kufsi iyo dhibaatooyin kale oo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha u geysta dadka shacabka ah.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.