W/q. Mohamed Sharmaake

“Halkii aad mid Qurmis ah (Isaaq ah) ilma uga dhali lahayd, waxa ka fiican inaad anniga ii dhasho garac dawladda taageersan”, ayay odhan jireen kolka ay soo galaan guriyaha si ay u baadhaan, balse xaqiiqadu waxay ahayd inay doonayaan inay kufsadaan dumarka quruxda badan. (Human Rights Watch, A government at war with its own people, bogga 124)

Ragga kasoo jeeda qabiilka Isaaqa ah, mar walba waxa lagu odhan jiray: “Orda oo soo kaxaysta dhillooyinkiinii”, iyada oo loola jeedo hooyooyinkood iyo hablaha ay walaalaha yihiin.

Dhacdooyinkaas qadhaadhi waxay ahaayeen kuwii aan noo reebin dhibic yarna ha noqotee wax sharaf ah, dadkana u rogay kuwo sida ay u dhan yihiin dawladda ka soo hor jeeda, ayuu yidhi Maxamed Abiib Muuse oo HRW ku waraysatay Djibouti, 6 Ogos, 1989-kii.

Siraad (ma aha magaceega runta ah) oo ay HRW, Djibouti, ku waraysatay Ogos 3, 1989-kii waxay tidhi: “Ragga ayay dibadda uga saari jireen guriyaha iyaga oo ciiddanka qaar ka ilaalin jiray inay gudaha soo galaan, halka ay dumarkana gudaha ku kufsan jireen, keliya si ay u bahdilaan ragga, xiitaa ma ay dhaafi jiray dumarka waaweyn. Mararka qaar, gabadha waxa wada kufsan jiray koox ciiddan ah oo taliskii Maxamed Siyaad Barre ah.

Dad badan oo bakhaaro lahaa, Dukaamo lahaa, ganacsadayaal ahaa, ama Shaah iibin jiray oo Maqaaxiyo haystay, ayaa iska xidhay oo si toos ah ugu biiray SNM, maadaama oo inta ay halkaa iska fadhiistaan aannay daawan karayn waxa ku dhacaya xaasaskooga, hablaha ay dhaleen, hablaha ay walaalaha yihiin, qaraabadooda, asaxaabtooda iyo jaarkoodaba”.

Amaal Jaamac ayaa sheegtay gadoodka uu keenay awood la’aantii shacbigu:

“Wax kastaaba ha ku dhacaan qofka dhibbanaha ah ee, uma ay sheegi karayn qoyskeeda iyo dadkeega maadama oo aannay waxba u qaban karayn. Waxa qudha ee lagula talin jiray waxay ahayd in aannay dibadda u bixin inantu, oo ay ahaato maxbuus guriga ku dhex xidhan”.

Reer Miyiga ayaan iyaguna ka nabadgelin kufsigaas bahalnimada ahaa. Wuxuu ku bilaabmay in hablaha meelahaa bannaanada xoolaha ku eegaya ay kufsadaan. Dabcan kolka miyiga la joogo, inanta kaligeed ayaa loo diraa Adhiga, lo’da iwm, cidladaas ayay aad uga faa’iidaysteen inay hablahaas ku kufsadaan (ibid, bogga 93aad)

Ciidankii dawladda Afweyne ee Taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxay ag- fadhiisan jireen goobbaha ay dadka reer miyiga ahi ku kaydsadaan Biyaha, sida barkadaha. Laba sababood ayaa keenaysay inay ag degganaadaan: inay kufsadaan wixii dumar ah ee loo soo diro ee doonaya inay halkaas ka soo dhaamiyaan Biyo iyo inay dadka ka xayiraan cabitaanka biyahaas si ay harraad ugu dilaan.

Halkaas kuma ay ekaan, iyada oo ragga reer miyiga ah loogu soo gabbanayo inay SNM, taageersan yihiin qabiilkooda awgeed, toogasho joogto ah ayaa lagu bartilmaameedsan jiray, halka ay dumarkana guriyahooda dhexdooda ku kufsan jireen, iyaga oo Hooyo inanteeda isku meel, isku mar ku kufsanaya oo ku samayana fawaaxishnimadaa.

Hay’adda GAO, bogga 2aad ee warbixinteeda waxay ku sheegtay in kufsigu gaadhay heer uu maalinle noqdo, gabadh walibana ay si joogto ah bartilmaameed u noqoto.

Kufsiga reer miyiga waxa cirka ku sii shareeray qoxootigii Ogaadeenka ee la hubeeyay. Qoxoontigaas hubayntiisa waxa barbar-socotay in hub-ka-dhigis lagu sameeyay reer miyigii ahaa qabiilka Isaaqa, taasi oo ka dhigtay qaar fara-madhan oo aan waxba iska waabin karayn. (Mawduucan qoxoontiga Ogaadeenka waxaan kaga hadli doonaa qaybaha dambe).

Arrintu, waxay gaadhay in gabadha Isaaqa ah, isku si loogu kufsado bannaanka iyo dhexdooda, oo aanay meelna ku nabadgelin, waxayna ahayd gabood-falladii ugu xumaa ee ka dhacay geyiga dhulka Somaliland xilligaa.

Bah-dilaadda iyo dullaysiga heerkaas gaadhsiisnayd, kuwa ku sheegaya inay dawlad wanaagsan ahayd ama Soomaalilnimo ahayd, waa laba midkood : mid ku raaxaysanaya in Hooyadii iyo walaashii lagu ag kufsado, ama mid doonayay inuu sameeyo wax la mid ah wixii ay kuwaasi samayn jireen.

Nin kasta oo ka dagaallamay fool-xumaayinkani, wuxuu sameeyay wax kasta oo uu samayn lahaa nin ay tani ku dhacday, xiitaa gaalada ayaa sidaas samayn lahayd, qof islaam ah oo dumarkiisii xurmaysnaa sidaas loo galay iskaba dhaafe.

Tixraac:

Human Rights Watch, a government at war with its own people. Bogga (124 – 125).

GAO, Nothern conflicts and resulting conditions

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com