amisomMarka(ANN)Magacyada sideed qof oo ka mid ahaa dadkii Ciidamada shisheeye ee AMISOM, ku xasuuqeen shalay magaalada Marka ee Koonfurta Somalia, ayaa la helay, waxaana ku jiray Afar Wii loo walaalo ahaa iyo Aabohood.
Sida lagu baahiyay barta internetka ee Somalimemo, waxa la helay magacyada 8 qof oo ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee Ciidamada AMISOM ku xasuuqeen Marka, kuwaas oo ay ku jireen Qoys Aroos ku ahaa halkaa, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dadka shacabka ah ee la laayay intaa ka badnaayeen, balse aan la helin magacyada dadkii kale.

Liiska Magacyada dadka lagu xasuuqay Marka.

1-Mucalim Iidey Gacameey oo ahaa Aabe 70 jir ah, isla markaana laxaadka gamcihiisa mid maqnayd.
2-Xuseen Mucalim Iidey.
3-Sayid Cali Mucalim Iidey.
4-Yuusuf Biikole Mucalim Iidey.
5-Cumar Mucalim Iidey.
6- Aweys Xamarow oo ahaa Aabe 50 jir ah oo ay deris ahaayeen Aabaha isaga iyo Afartiisa wiil la dilay.
7-Salaad Kawaanle.

8-Maslax Dalaal oo ahaa Nin xoogsato ah oo ka shaqaysta Suuqa Xoollaha magaalada Marka, waxaana sida la sheegay xilliga ay ciidamada AMISOM dilayeen uu Guriga dadka lagu laayay geeyay Neef Adhi, kaas oo Arooska loogu ducaynayay, balse Arooskii iyo Aroosadii ayaa iyagan lagu dilay goobtaa.

Wax ka yar laba todobaad ayaa laga joogaa markii ay ciidamada AMISOM sidan oo kale ugu xasuuqeen dad shacab ah oo gaadhaya 22 qof, balse waxay AMISOM beeniyeen in ay dad shacab ah ku laayeen magaalada Marka xiligaa, iyadoo aanay xukuumadda Somalia wax jawaab ah ka bixin dhacdooyinka soo noq-noqday ee Ciidamada AMISOM ku xasuuqeen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, kuwaas oo la rumaysan yahay inay kaga aargudanayaan weerarada ay Al-shabaab ku hayso Ciidamada AMISOM.

Qaranada Midoobay iyo Hay’addaha xuquuqda Aadamaha ayaa marar baddan Ciidamada AMISOM ku canbaareeyay falalka dadka shacabka ah lagu laynayo iyo dhibaatooyinka kale ee kufsiga oo deegaamada ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM ka noqday wax caadi ah, isla markaana aan inta baddan deegaamadaa warar sax ah laga helin, taas oo sababta in dhibaatooyinka ay dadka shacabka ah u geystaan aan wax baddan lagala socon, isla maraakana aanay dawlada Xasan Sheekh awood u lahayn inay ka hadasho dhacdooyinkaa foosha xun iyo gabood-falada ay kula kacayaan Ciidamada AMISOM dadka shacabka ah ee maatada u baddan.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.