Ali SamatarWashington (ANN|Reuters)Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka, ayaa diidday in la joojiyo kiiska dacwad ka dhan ah madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Cali Samatar Isniintii xalay, taasoo ay u gudbiyeen dad u dhashay Somaliland oo sheegay inuu ka dambeeyey xad-gudubyo iyo xasuuq loo geystay dad eheladooda ka mid ah intii ay jirtay dawladdii millateriga ahayd ee Siyaad Barre.
Sida lagu baahiyey wakaalada wararka caalamiga ah ee Reuters shalay, dacwadda ka dhanka ah Jeneraal Samatar waxay ku saabsan tahay jidh-dil iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda bani’aadamka oo uu masuul ka ahaa xilliyadii uu ahaa Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya 1980-kii iyo waqtigii uu ahaa ra’iisal-wasaaraaha Soomaaliya intii u dhexeysay sannadihii 1987 – 1990-kii.
Kiiskan ayaa markii ugu horreysay loo gudbiyay maxkamadda Virginia ee dalka Maraykanka sannadkii 2010-kii, iyagoo garsoorayaashu u oggolaaday Maxamed Cali Samatar in uu iska difaaco eedeymaha lagu oogay, laakiin waxa laga yaabaa in go’aan ay ka gaadho dacwaddiisa maxkamadda iyadoo loo eegayo sharciga guud ee Mareykanka, kaasoo aan wax xasaannad ah siinayn madaxweyne-ku-xigeenkii Soomaaliya.
Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo 77-jir ah ayaa haatan ku nool Virginia oo uu tan iyo markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya ku noolaayeen isaga iyo qoyskiisu, iyadoo dacwadiisuna ka socoto halkaas.
Dacwaddan waxa gudbiyey muwaaddiniin reer Somaliland ah oo doonaya in mag-dhaw laga siiyo jidh-dil xadgudubyo askarta dowladdii millateriga ahayd jirtay, kuwaasoo ku ashtakoonaya in Maxamed Cali Samatar uu bixiyay amarka lagu waxyeeleeyay dadkaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegtay in Jeneraal Samatar aan lagu eedeyn karin wax dambi ah, balse Maxkamadda Racfaanka ee Maraykanka ay sheegtay bishii November 2012 in la sii waddo dacwadda Jeneraal Samatar ka dhanka ah, waxayna dawladda Mareykanku si rasmi ah u aqoonsatay dawladda Soomaaliya sannadkii 2012 tan iyo markii xukunka laga tuuray taliskii Siyaad Barre sannadkii 1991-kii, kuwaasoo dhawr jeer hore isugu dayey inay xasaannad u raadiyaan Cali Samatar si uu uga baxsado dacwadda ku socota, balse maamulka Madaxweyne Obama ayaa hadda aqoonsaday in aanu wax xiisaanad ah lahayn Cali Samatar, isla markaana aanu jirin sharci qofna xasaanad kaga badbadinaya denbiyo laga galay aadame iyo gabood-falo ka dhan ah xuquuqda Aaddamaha.

Hasayeeshee, go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Maraykanka xalay, ayaa ganafka ku dhuftay in la hakiyo, wuxuuna go’aanka Maxkamadda sare ee Maraykanku noqday in la sii wado dacwada ka dhanka ah Cali Samatar oo hore loogu helay eedaha loo haysto, isla markaana lagu xukumay inuu bixiyo $21 million, waxaana waqtigan la filayaa in lagu qaado dambiyada uu ka galay shacabka reer Somaliland, arrintaasoo muujinaysa sida aanay dambiilayaashu ugu dhuuman karin meel kasta oo adduunka ah.
Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Maraykanka, ayaa dhabar-jab ku noqonaya Maamulka madaxweyne Barack Obama oo hore Maxkamadda ugu boorrisay in aanay dhageysan kiiska dacwadda loo haysto madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, waxaannu sidoo kale go’aankaasi u quusgooyey cidkasta oo ku hawlan inay la baxsato Cali Samatar iyo xubnaha kale ee loo haysto xasuuqii ka dhacay Somaliland iyo gabood-faladii loo geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo dhinaca kale uu dhawaaqa Maxkamadda sare farxad iyo guul u noqonayo dhibbanayaashii reer Somaliland.
Ugu dambeyn, dadka dacwaddan gudbiyey ayaa ku andacoonaya in Jen. Samatar aannu shaqsi ahaan geysan xad-gudubyadii lagula kacay eheladooda, balse uu ahaa mas’uulkii ku bixiyay amarka in dhibaatooyinkaas la geysto.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews