bukan sucudigaRiyadh-Saudi(ANN)Warbixin lag qoray Nin Bukaan ah oo ajenebi ku ah dalka Sucuudiga, ayaa soo jiidatay Rayal Caamka dunida. Kadib markii si ku meel gaadh ah loogu xidhay Ninkaa Ajaanibka ah cusbitaal gaar loo leeyahay, taas oo sabab looga dhigay markii ay dhakhaatiirtu ku soo dalacdeen lacag xad dhaaf ah oo gaadhay SR 100,000 Riyaalka Sucuudiga ah oo dhawr iyo labaatan kun oo dollar ah, taas oo ay ku macneeyeen inay ahayd daawadiisa iyo kharashka shay-baadhkiisa, isla markaana uu awoodi waayey inuu bixiyo.
Waaxda Arrimaha Caafimaadka Dawladda Sucuudiga, ayaa soo faragelisay arrintaa, isla markaana ka soo saartay ninka bukaanka ah oo lagu magcaabo Muddathir Ibraahim kadib markii bukaankaa dhakhtarka lagu xidhay, waxaana markaa ka dib la dhigay cusbitaal gaar loo leeyahay, isagoo aad u xannuunsaday, markii muddooyin dhawr cisho ah baadhitaankiisa ay dhakhaatiirtu badhayeen, xaaladiisa caafimaad waxay noqotay mid kasii dartay, taas oo sababtay in loo gudbiyo Waaxda Gargaarka Degdega ah (UCU) si cusbitaalka dawladda loo gaadhsiiyo.
Muddathir Ibraahim 22 maalmood markii uu ku jiray cusbitaalka oo ku dhowaad laba todobaad uu Waaxda Gargaarka degdega ah yaalay, ayaa xaaladiisu ladnaatay, waxaan la go’aansaday in laga saaro, balse dhkhaatiirtii daawaynaysay, ayaa ku xidhay in lacagta lagu soo dalacay muddadii uu ku jiray oo ah mid aad u baddan uu bixiyo sida wargeyska Arabic Daily uu daabacay.
Maamulka cusbitaalka, ayaa dalbaday in ninkan ay sii haysan doonaan inta lacagtiisa laga bixinayo, saaxiibadii oo isku dayday in ay lacag u ururiyaan waxay heleen saddex meelood meel ka mid ah lacagtaas, balse masuuliyiinta daawaynaysay kumay qancin, waxayna ku hanjabeen in ay ciidamada Booliska ugu yeedhi doonaan, kadibna waxay ku xidheen qolal xashiishka lagu ruruiyo si aan lacag kale loogu qorin oo aanu kharash kale ugu kordhin, maadaama aanay kii hore ee daawaynta iyo shaybaadhka ka helin.
Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in Bukaanka oo magaciisu yahay Muddathir Ibraahim wixii intaa ka dambeeyey daawadii laga joojiyey ilaa inta uu dokumantiga lacagta lagaga qadaayo saxeexaayo, markii uu akhriyey waraaqaha lacagta lagu soo dalacay, iyadoo waxyaabaha ku qorana aanay aanay ahayn daawo uu qaatay iyo waqti uu meesha ku jiray oo aanay midna ku caddayn.
Muddathir Ibraahim, wuxuu go’aansaday inuu dacwad u qorto Waaxda Arrimaha Caafimaadka magaalada Madinah, taasoo ka soo gaadhay dhibta lagu hayey, kadibna xalisay dhibaatadii iyo qiimihii mala awaalka ahaa ee loo haystay, waxaana loo gudbiyay Bukaankaa cusbitaalka dawladda.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com