maxabista guatnamo

Washington(ANN)Madaweynaha Dalka Maraykanka Obama, ayaa ku tilmaamay wax laga xumaaddo oo waxashnimo ah, isla markaana dhaawacaysa qayimka Maraykanka warbixin laga soo saaray qaabka Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-du ula dhaqmaan dadka Muslinka ah ee lala xidhiidhiyo Ururada xagjirka ee xulufada Maraykanku kula jiraan dagaalka ka dhanka ah Islaamiyiinta dagaalada ka wada dacalada dunida.

Warbixintaa oo ka koobay ku dhowaad 600 (Lix Boqol ) oo safxadood, waxa markii ay soo baxday la geeyay Aqalka Kongareeska Maraykanka. Kadib markii ay xubno ka mid ah Aqalkaa oo muslim ah ay gudbiyeen warbxintaa oo ah mid xanbaarsan murugo oo si weyn usoo jiidatay indhaha mujtamaca aduunka, isla markaana si cad u iftiimisay tacadiyo iyo gaboodfalo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay Sirdoonka Maraykanka ee CIA-du kula kacayaan dadka ay ka ugaadhsadaan dalalka Islaamka iyo dunida kale, kuwaas oo lala xidhiidhiyo inay xidhiidh la leeyihiin Ururada jihaadiga ah ee ka jira dunida.

Qaramada Midoobay iyo kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay Dawlada Maraykanka in cadaaladda la horkeeno saraakiisha Mareykanka ee amray habka foosha xun ee laga arkay warbixintaa oo muuqaalo foolxun xanbaarsan, waxayna ku baaqeen in ee su’aalo laga weydiiyo Madaxda Hay’adda CIA-da dadkii ay qabatay wixii ka danbeeyay weerarkii caanka ahaa ee 11kii September iyo wixii ka danbeeyay.

Sarkaal sare oo ka mid ah Baadhayaasha Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Mr. Ben Emmerso, ayaa sheegay in hababka lagu faah-faahiyey warbixinta cusub ee Senetka oo waxyaabaha layaabka leh ee lagu arkay ay ka mid yihiin in hurdada loo diido, isla markaana Afka iyo sanka laga xidho oo Biyo loo geliyo madaxda si loo ciqaabo dadka ay qabteen CIA-da Maraykanku, taas oo ka mid ah muuqaalada sida weyn looga argagaxay ee lagu arkay warbixintaa, iyadoo tacadiyada noocaa ah ay saraakiisha CIA-du ku kaceen xiligii Madaxweyne Bush ka taliyay dalka Maraykanka oo uu ku beegnaa weerarka 11 Sep, taas oo lagu tilmaamay mid si cad u muujisay xadgudubyada iyo tacadiyada ay hay’adda CIA-du samaysay xiligii Madaxweyne Bush oo ka dhan ah qaanuunka caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha.

Madaxa CIA-da Mr. John Brennan, ayaa difaacay fadeexada warbixintaa ee Hay’adda CIA-da, balse Hay’addaha Cadaaladda ee Maraykanka iyo Qaybta Kongareeska u qaabilsan caddaaladda iyo xuquuqda Aadamaha, ayaa ku dooday in sharciga hor geeyo dadka masuulka ka ah denbiyada ka dhanka ah xuquuqda Aadamaha ee warbixinta ku cad, iyagoo ku dooday in caddaymo ku fulin loo hayo shaqsiyaadka ku lug leh falalka ka dhanka ah xuquuqda Aadamaha ee ay ku kacday Haya’dda CIA-da Maraykanku.

Warbixintaa oo si weyn usoo jiidatay Mujtamaca aduunka, ayaa lagu beegay 10 December oo sanad walba aduunka laga xuso aasaaska maaminta xuquuqda aadamaha ee dunida.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com