hubaal

Hargeysa(ANN)Qareenka wargeyska xidhan ee HUBAAL garyaqaan Sacad Maxamed, ayaa meesha ka saaray eedaymo uu u soo jeediyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranku Xasan Axmed Aadan u jeediyey sifihii lagu fasaxay wargeyska toddobaadkii hore, kadib markii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ka soo saartay go’aan ka dhan ah dacwaddii loo haystay, balse maalin keliya uun kadib haddana dib loo xayiray.
Garyaqaan Sacad oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa shalay, waxa uu sheegay inay sharci-darro tahay xayiraadda labaad ee la saaray Hubaal, isagoo faahfaahin ka bixiyey heerarka ay soo martay garnaqa dacwaddani iyo sababaha keenay in maxkamaddu ka qaado xayiraadda dib loogu celiyey wargeyska.
Qareen Sacad waxa uu tilmaamay in wargeyska Hubaal u xayirnaa ciidanka Booliska, isla markaana waaxda dambi-baadhista ee CID-da ay ku guuldarraysatay inay soo dhammaystirto baadhista eedda, “Markii wargeysku xidhnaa muddo sannad iyo hal ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Maroodi-jeex ka qaaday xayiraadda, sababta uu uga qaadayna waxay ahayd; laba jeer ayuu u qoray Xeer-ilaalinta gobolka iyo Taliyaha CID-da oo uu kaga dalbanayo inay soo dhammaystiraan gebagebada dacwadda ee wargeyska Hubaal. Xeer-ilaaliyaha Gobolku waxa uu Taliyaha CID-da ku amray oo uu waraaq ugu qoray inuu keeno gun-gaadhka baadhitaanka eedda. Hase ahaatee, boolisku waxba way keeni waayeen iyagoo loo qoray waraaqahaas.”
“Kiiska ugu adag ee ciqaabta ah ayaa la baadhaa sagaashan maalmood, waa kiiska ugu adag ee dilka ah ee aan la hayn ciddii dambiga gaysatay ayaa baadhistiisa saddex bilood lagu soo gabogabeeyaa, balse nasiib-darro dacwadda wargeyska Hubaal gabogabadeedii waxay ka darnaaday dilka aan lahayn ciddii wax dishay,” ayuu yidhi Garyaqaanku.
Waxa kaloo uu xusay in xukuumadda iyo hay’adaha ammaankuba ku guuldarraysteen inay wax ka qabtaan weerarkii hore loogu gaystay xarunta wargeyska Hubaal oo raggii fuliyey oo ka tirsanaa booliska aan wax tallaabo ah laga qaadin, balse eedaysanihii loo hayey la sii daayey, kii kalena la soo qabanwaayey.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com