BBCandVOA“waa dad caqli badan oo ku guulaystay inay hantiyaan dhegaha Soomaalida, ka faa’iidaystaan hantidii Maraykan iyo Ingiriis, isla markaana ku gaadhaan yoolkooda siyaasiga ah” Nuxurka Daraasad igu qaadatay sagaal bilood.

Scandal of the Century, The Intelligent group that uses the resources of the biggest powers of the world, (VOA and BBC) between Misleading the Institution’s Agenda and fulfilling their own political agenda.

Xasuustaada dib u celi si aad iila fahanto nuxurka ay xambaarsan tahay daraasaddani, sannadku waa bilawgii sagaashanaadka (1990-1994) goobtuna waa magaalada Muqdisho, waxaa ka socda dagaalladii sokeeye, magaalada waxaa dhexyaalla qadkii cagaarnaa, si taas la mid ah waxaa magaalada Muqdisho ka hawlgala idaacadihii reeraha ama ku hadli jiray afka qabiillada, haddaba xilligaas waxaa idaacadahaas u warami jiray weriyayaal haatan ka hawlgala idaacadaha BBC iyo VOA.

Waxaad soo gaartaa xilligii la aasaasay Idaacaddii Horn Afrik, waxaa sixni wax ku wada cunaya Falastiin Axmed Iimaan oo ninkeedu mulkiilayaasha idaacadda ka mid ahaa, Cabdicasiis Xuseen, Farxaan Jimcaale, Cabdiraxmaan Koronto, sidoo kale waxaan ka fogayn Maxamed Colaad Xasan.

Tol waa tolane ayaa Soomaali ku maahmaahdaa, markii uu dhamaaday wakhtigii isbaarooyinka, waxay asxaabtani fursad ka heleen Yuusuf Garaad oo ahaa madaxii laanta afka Soomaaliga ee BBC, Yuusuf Garaad wuxuu ahaa nin aragti dheer oo ku xidhan tolkiisa, waxaad ka xasuusataa sida uu ugu dhex milmay siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan taageeradii aan geedna loogu soo gabban ee Maxaakiimta Islaamiga ah iyo weliba tii dagaallada eek a socday Muqdisho. Sidoo kale waxaad dib u xasuusataan sidii BBC ama VOA u shidnaayeen markii Cabdullaahi Yuusuf dalka xukumi jiray oo ay dhaliilaha ugu kala dheerayn jireen.

Yuusuf Garaad oo talo ka helaya guddida hagista Hawiye Action Group wuxuu fursad siiyey dhammaan asxaabtii joogtay Horn Afrik isaga oo London iyo meelo kale geeyey, dadkii uu fursadda siiyey waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Yabarow, Cabdicasiis Xuseen iyo Cabdiraxmaan Caynte.

Labadan Shakhsi (Yabarow iyo Caynte) laftoodu waa guddida fulisa talooyinka tolka, Yabarow wuxuu madax ka noqday VOA isaga oo fursadda dahabiga ah ku helay maadaama uu yahay Muwaadin Maraykan ah.

Haddaba xilligan BBC waxaa taladeeda u dambaysa xagga Soomaalida leh Cabdiraxmaan Koronto, ninka uu iska hoosaysiiyeyna waa Farxaan jimcaale labaduna waa Hawiye Action Group. VOA lafteeda, waxaa madax ka ah Yabarow oo ay ilma adeer dhow yihiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, wuxuu isku xeeray dhammaan inta reerkiisa ah, sida Colaad oo u qaabilsan dhinaca warbixinada, Cabdicasiisna wuxuu ka dhigtay Tifatiraha iyo kusimihiisa marka uu maqan yahay, Ibraahin Xasan Daanduray isna wuxuu ka dhigtay la taliyiisa gaarka ah isaga oo gaaladana ugu sheega inuu yahay khabiirka ugu halisaysan ee xafiiskiisa jooga, wuxuu ka cararayaa in Haarun Macruuf oo ah nin aqoon leh wax la weydiiyo.

Intaas oo dhammi xumaan ma aha, in cuqdad laga qaado maaha haddii ay fursad heleen, laakiin waxaa Ayaan darro noqotay iyaga oo si foolxun uga faa’iidaysta, Tusaale ahaan Cabdicasiis iyo Farxaan Jimcaale waxay si joogto ah uga wada shiraan wararka iyo warbixinada la sii daynayo ee meelaha gaarka ah lagu weerarayo sida Puntland ama dadka ay aragti ahaan iska soo horjeedaan ama ay necen yihiin Sida maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland ama Axmed Madoobe oo ay Jubaland u naceen maadaama aanay dani ugu jirin reerkooda.

Caddaalad darradaasi sahan badan ayay I gelisay, xogta aan ogaaday waa mid aanan halkan ku soo qori Karin, waayo shaqaalaha BBC ayay dhaawacay haddii aan wax badan soo bandhigo, hadal waayeel waase guud mar ee qof walbow macluumaadkaan kuu sheegayo intaad akhrido hubi oo qodob qodob u eeg.
1. Fadeexadaha Waaweyn ee ii soo baxay waxaa ka mida heerka uu gaadhsiisan yahay mashruuca kooxda Muqdisho, waxay dawlad walba ku darsadaan cid ay doonayaan, Tusaale ahaan Daud Aways iyo Caynte iyaga oo VOA u shaqeeya ayaa la soo Wasteeyey oo Wasiir iyo Afhayeen laga dhigay, ka sokow taas Cabdiraxmaan Caynte waa ninka xagga siyaasadda u qaabilsan Kooxda muqdisho, marka madaxda idaacadaba BBC ama VOA cabashooyin soo gaadhaan isagaa madaxda la soo hadla oo ku qanciya in maamulada dalku ay badan yihiin dawlada soomaaliyana ay u hanweyntahay idaacadohooda, waxaa taas ka sii daran oo aad markhaati ka tahay Heritage. Heritage maaha machadka keliya ee dalka ka furan haddana ogsoonow in dood kasta oo BBC ama VOA ka baxda lagu daro, wax kale maaha ee danaha tolka ayuu faafinayaa hab cilmi ah. Bal waxaad dib u eegtaan saddexdii sano ee ugu dambaysay inta jeer ee Heritage ay ka baxday BBC ama gaar ahaan VOA oo ahayd halkii laga aasaasay? Marka aad tiradaas heshaan waxaad isweydiisaan maxaa loo siiyey fursaddaas gaarka ah? Jawab aanad jeclaysan ayaa kuu soo baxaysa, miyaanay ahayn in la tixgeliyo Equal Opportunity Act ay dawaladda maraykan ama Britian leedahay, haddii cashuurtaada lagu bixiyo idaacadahan miyaanay ahayn inaad weydiiso keliya inay dib u baadhaan barnaamijyadii ka baxay idaacadooda, ka dibna ay hubiyaan in warkaagani sax yahay.
2. Waxaad si dhow u eegtaa fadeexaddii ka dhacday Cadaado, runtii Degmada Cadaado waxaa laga samaynayey maamul goboleed caasimaddiisu tahay Dhuusamareeb, waxaa taas ka sii daran shirka waxaa diiddan Ahlu Sunna oo awood ciidan leh isla markaana inta badan dhulka maamulkan loo samaynayo ka Talisa, markii shirka cadaado bilawday ayaa shir kale laga dhinac furay oo uu ka bilaabmay magaalada Dhuusamareeb, Xerta Muqdisho ee hoggaamisa labada idaacadood waxay go’aansadeen inaan wax platform ah la siin Ahlu sunna iyo shirkooda, halka shirka Cadaado uu VOA iyo BBC haystay hal sano, gaar ahaan VOA dood kasta oo la qabto, barnaamijyo taxane ah, warbixino kala duwan ayaa muddo lix bilood ah si joogto ah uga baxaysay. Maalintii lagu dhawaaqay shirka cadaado labada idaacadood waxay baahiyeen shirka cadaado, weliba VOA waxay boggeeda ku baahisay in doorashadaasi ay tahay tii ugu dimoqraadiyadaysnayd ee ka dhacda maamulada ka hoos dhisan dawladda Federaalka ah, tolow Puntland may illaaween, tolow Koonfur Galbeed ma guri hoostii ayaa la isku doortay, kaaga sii darane waxay ugu yeedheen madaxweynihii Dhuusamareeb oo VOA waraysatay magaca Guddoomiyaha Ahlu Sunna. Simply jawaabuhu waa cad yihiin oo lama doonayo wax madaxweyne Xasan iyo dawladaha tolka ka horyimaadda, waana arrin baadhis u baahan. Miyaanay ahayn in la weydiiyo dawladaha Britian iyo Maraykanka inay dib u dhegaystaan idaacadihii baxay sagaalkii bilood ee ugu dambeeyey isla markaana ay eegaan inta jeer ee lagu buunbuuniyey Cadaado, ama sida VOA ama BBC u baahiyeen maamuladii kale iyo wakhtiga la siiyey markay dhismayeen? Haddad Cashuur bixiye tahay suaashaasaa kuu furan.
3. Fadeexadaha ugu daran ee taariikhda saxaafadda soo maray waxaa ka mid ah, Falastiin Axmed Iimaan waxay qaraabo dhow yihiin Cabdiraxamaan Yabarow, waxaa musharax ka ahaa Cadaado odaygeeda Axmed Cabdisalaan, sidoo kale Sahra Cabdi Axmed waxaa Iyana musharax ka ahaa odaygeeda oo u tartamayey Madaxtinimada Cadaado, Fadeexadaha dhacay waxaa ka mid ahaa labadan weriye waxay 9-kaas bilood ee aan daraasadda wadnay ay waraysanayeen oo warbixino raggooda u hiilinaya ka diyaarinayeen shirka Cadaado, arrimaha aan la yaabay waxaa ka mid ahaa, marka la doonayo in mishin loo dhigo Puntland waxaa loo dirayey Falastiin Axmed Iimaan oo waraysanaysay oo weydiinaysay suaalaha odayaashoodu doonayaan inay ka maqlaan Puntland, xataa inta ay dad soo ururiso ayay madaxweynaha Puntland odhanaysay waraysta. Puntland waxay u arkayeen inay tahay Weriye laakiin maaha ee waxaa gabadh mar u shaqaysa tolkeeda marna u shaqaynaysa ninkeeda marna dawladda Federaalka ah. Side ayaa qof dan lihi uga warami karaa meel uu dan ka leeyahay. Arrintani maanay mudnayn in la gaadhsiiyo maamulka sare ee VOA waayo sharciga maraykanku ma ogola ayaa laygu yiri in qof dan kaleh meel uu haddana isagu ka waramo, miyaanay ahayn in dawladda maraykanka arrintaas la weydiiyo, gaar ahaan side ayaa gabadh weriye ah oo ninkeedii Safiir yahay ama ninkeedii Murashax yahay ay dagaal ugu qaadi kartaa dadkii ninkeedu necbaa sida dawladda Puntland oo kale, iyada oo adeegsanaysa magaca VOA? Qolada maamulka Somaliland ayaa awel ka caban jiray.
4. Halkaas hawshu ma taagna ee maamulka cadaado waxaa loo samaynayaa weriyayaal uga shaqeeya idaacadda tolka, isla markaana ka soo horjeeda cadawga tolka, weriyahaas waxaa fadhi looga dhigi doonaa magaalada Gaalkacayo, waxaana shaqadiisu noqon wixii Puntland ka xanaaqdo Cadaadona ku Faraxdo, laakiin maalmaha hore waa isqarin doonaa si aan loo fahmin.
5. Waxaa cunaqabtayn la saaray oo wararkooda la yareeyey Weriyayaasha ka hawlgala Puntland, gaar ahaan Faadumo iyo Birjeeb, sidoo kale BBC waxay shaqada ka joojisay Axmed Kismaayo, wax kale maaha ee waa in laga saaro saaxadda, arrintan faallo badan kama gelayo ee waxaa marqaati idiinku filan inaad waraysataan Birjeeb ama Faadumo ama Axmed Kismaayo haddii aad si gaar ah isu garanaysaan, waxaad weydiisaan wararka laga Jecelyahay Washington ama London inay soo diraan iyo wararka laga neceb yahay.
6. Meelaha kale ee Qorshaha ugu jira waxaa ka mida in weriyayaal laga qoro Laascaanood ama Awdal, iyada oo looga danleeyahay in lagu qalqal geliyo maamulka Somaliland, waayo qolada reer Muqdisho ma jecla waxa ka socda Hargeisa waxay rabaan in dabku dadka wada taabto, hirgelinta qorshahaas waxaa loo xilsaaray saddex qof oo kala ah Maxamed Colaad Xasan, Cabdicasiis Xuseen iyo Farxaan Jimcaale inay si dhow uga wada shaqeeyaan, Farxaan Jimcaale isagu shaqadiisa mar hore ayuu bilawday oo waxaad dib u xasuusataa 18 May markii gobollada woqooyi ay u dabbaal degayeen goonni isu taagoodii warkii uu Farxaan Jimcaale ka sii daayay BBC, warkaasi wuxuu daaha ka rogayey colaadda shakhsiyadeed ee uu gobolladaas nabadda ah u hayo, sidoo kale waxaa xog baadhistayda aan ku ogaaday in shaqaalaha u shaqeeya BBC ama VOA eek u sugan maamulka Somaliland inaan loo ogolayn inay wararka qaar soo tebiyaan, laakiin laga jecel yahay Washington ama London marka laba islaamood is tuurtuuraan ama hal qof rasaasi ku dhacdo. Sagaal bilood oo aan dusha kala socday idaacadahaas waxaan ogaaday in marka laga hadlayo arrin khusaysa midnimada ama go’itaanka gobollada woqooyi in la badiyo dadka ka soo horjeeda, waxaan xasuustaa dood ay qabatay VOA markii wadahadaladu socdeen oo uu dhex dhexaadinayey Maxamed Colaad Xasan oo VOA ka tirsan 90% waxaa lagu maagayey gobollada woqooyi, sidoo kale dood ay qabatay Falastiin Axmed Iimaan oo lagaga hadlayey markii gobollada Woqooyi ay xornimada ka qaateen gumaystihii ingiriiska waxay doodda ku casuntay saddex nin oo Hawiye ah oo ka soo horjeeda gobollada Woqooyi.
Haddaan wado ma dhamayn karayo xogaha aan quruxda badnayn ee iiga soo baxay daraasaddaas, waxaanse hadalkayga ku soo afmeerayaa, labada idaacadood waxaa gacanta ku haya koox gaar ah oo awood badan oo shaqada ka joojisa ama erida cidda ay u arkaan inay fikirkooda ka soo horjeedaan, waxaad ogaataan in shaqaalaha jooga Washington ama London inaanay lahayn hal cod ama wax ixtiraam iyo qadarin ah oo laga dhegeysto fikradohooda, waxaad ogaataan in shaqada laga eryo dadka dhiigga kulul sida BBC uga dhacday sida VOA uga dhacday.
VOA waxaan ogaaday in dadka ugu badan eek a tegey ay laba meelood ka soo jeedaan ama waa Puntland sida Cali Xaraare, Nuunow, Cabdisalaan Salwe iwm. Oo aad waraysan kartaan ama dadka ka tegey waxay ka soo jeedaan maamulka Somaliland sida Hereri, Cawke, Farxiya Cabsiiye, iwm.

Dhammaan dadkani wax kale ugama tegin ee meesha Ayaan laga doonayn, waxay arkeen inaan lagu qadarinayn oo xaaraan looga dhigayo inay maamulkooda iyo dhulkooda ka hadlaan, sidoo kale wax walba oo wanaagsan oo ay sameeyaan aan loo gudbinayn maamulka sare taas bedelkeeda wanaag kasta oo kooxda reer Muqdisho ay sameeyaan waxaa la gaadhsiiyaa illaa ninka ugu sarreeya, sidaas awgeed ninka ugu sarreeya idaacadda VOA wuxuu ogyahay oo keliya hawl qabadka inta reer Muqdisho, kuwaas ayaa la dallacsiiyaa sida Colaad iyo Cabdicasiis oo kale.
Haddaba bal magac u bixi kudladdan qabsatay idaacadaha BBC iyo VOA sida Cabdiraxmaan Yabarow, Cabdicasiis Xuseen, Maxamed Colaad Xasan, Falastiin Axmed Iimaan, Farxaan Jimcaale iyo Cabdiraxmaan Koronto, waa Koox shaqada ka soo wada bilawday min Isbaaradii, Dagaalkii Caydiid iyo Cali Mahdi, illaa aasaaskii Idaacadda Horn Afrik, illaa gacan ku haynta BBC iyo VOA.

Jamaal Yaasiin,
PHD/MPhil Candidate
University of Birmingham