qofsilsiladaysan

Ambassador Kaysar Cabdillaahi Maxamed

“Gaajadii darnayd ee haysay waxay ku kalliftay in uu waxar yar oo waddada maraysay uu ku soo boodo oo iyada oo nool uu dhawr wasladood oo hilib ah ka goosto”

Inbaa Dooxyada dhex jiifta,
Inbaa Derbiyada ku laaban,
Inbaa Daranyeysan Gaajo,
Dhaxanta Daranee dhacaysa,
Qabawgiyo Dayro-dhaafka,
Ma haysto Daryeel Cid siisa.
Xanuunbaa Dilay Jidhkiisa.
Rabbiga Dunidani Abuurey,
Rabbiga Qaar Derejo siiyay
Ogow wuxu uga danleeyay,
In kii Deeqaha la siiyey,
Midkii Taag daran uu Wax siiyo.
Daliilbaa ina horyaalla,
Allaa ina Daawanaaya
Abwaan Cabdiqaadir Qalinle.

Bilowgii Todobaadkan aynu ku Jirno ayay ahayd markii ayUmmadu la Argagaxday Dhacdo Murugo lahayd oo uu Bulshada uu usoo Tebiyay Wargeyska Saxansaxo ee ka soo baxa Caasimada Somaliland ee Hargeysa, taasoo ku saabsanayd Nin aan Miyirkiisu dhammayn oo Waxar yar oo Wadada maraysay intuu ku booday uu iyadii oo Nool uu dhawr Wasladood ka goostay isaga oo isticmaalayay Safeexad yar oo sida Midida u samaysnayd, waxaana Wargeysku tilmaamay in Ninkaas Xanuunsanayay uu Hilbkii la tegay goob oo ku Noolaa oo Qashin ka buuxay oo dhinaca Galbeed ka xigta Daarta Weyn ee Deero Mall oo ka mid ah dhismayaasha quruxda badan ee Hargeysa badhtankeeda ku yaalla halkaas oo badiyaa ay ka Dukaamaystaan Dadka Ladan ee Dhaqaalahoodu fiican yahay. Waa Murugo iyo Ayaan darro aan laga seexan karin in dhawr Talaabo oo kaliya ay isu jireen Ninkaas Maskaxda ka Xanuunsanaya ee ay Gaajadu dubatay iyo Dadkan Ladan ee Dukaamada ku ag dhaw ka adeeganayay ee aan Indhahoodu Qaban Ninkan Xanuunsanaya ee Agtooda ku Gaajoonayay ee ay Duruuftu ku qasabtay inuu Waxar Nool Nolosha ku diirto, waa arrin Ceeb iyo Cuqubo ku noqonaysa Mujatamaceena Miyirka Qaba in ay dadkii uu Allah Miyirkooda ka Qaaday ay hareeraraheena ka Muuqdaan iyaga oo Dhaxan, Gaajo iyo Xanuun la Il daran,waana Damiir Xumo weyn oo Allaha Awwoodda badani uu inoogu cadhoon doono haddii aynaan degdeg fadhiga uga kicin.
Dhacdo xannuun badan oo aan Magaalada Hargeysa kula kulmay!
Gaajada qadhaadh ee ninkan buka Haysatay ma aha mid keligii ku kooban ee waa duruuf ay ku jiraan inta badan dadka miyiriku ka tagay ee magaalooyinkeenna dhex daadsan, bal ila wadaaga qisadan murugada badan ee aan indhahayga ku arkay xilli aan Hargeysa ku sugnaa.
Waxay ahayd qiyaas ahaan kowdii iyo badhkii duhurnimo, waxaana cadceedu ay ahayd mid aad iyo aad u kulul, waxaan la socday gaadhi uu waday saaxiibkay Cabdifataax Ibraahim Sheekh oo ka tirsan Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyadoo aanu hormarayno goolada ku hortaal Saldhigga Dhexe ee Booliska Hargeysa ayaa mar qudha waxay indhahaygu qabteen nin qaawan oo mudh iyo gacan ah, wax dhar ahna aan xidhnayn oo kabo la’aan waddada dhinaceeda socda. Waa murux xataa nigis ma xidhna! Waxaan markiiba la hadlay Cabdifataax oo aan ka codsaday inuu gaadhiga joojiyo si aan ninkan arrinkiisa wax uga qabano, markiiba waxaan ku cararay oo aan orod ku galay Saldhiga Booliska si aan uga codsado inay askar igu daraan ninkan ila qabata si aanu Dhakhtarka Dhimirka u geyno, markiiba waxaa isna saldhigii isaga ordaya iga soo daba galay askari ka tirsan millatariga Somaliland ee Ciidanka Madaxtooyada oo arkay anigoo saldhigga ku ordaya, waxaana uu mooday in dhibaato ay iga dhacday, dood yar oo askartii Booliska na dhexmartay kadib waxay markiiba igu soo dareen laba askari, waxaa kale oo na soo raacay Askarigii Madaxtooyada ka tirsanaa, waxaana ninkii aanu ku soo gaadhnay isaga oo Khayriyada agteeda maraya!
Miis lagu dul iibinayay dharka duug ah ee huudheydhka loo yaqaan ayaan markiiba dhar uga iibinay oo aanu u gelinay, waxaana kaboole meesha agteeda fadhiyayna aanu uga qaadnay kabo uu isla markiiba xidhay, wax dhib ahna ama diidmo ahna kamaanu arag inuu lebisto, dharka iyo kabahana xidho. Hudheel Khayriyada dhinaca bari kaga qabsanaa ayaanu haddana keenay oo cunto uga dalabnay, waxa markiiba uu si yaab leh u cunay raashinkii isaga oo gaajo aad u daran ay ka muuqatay, sida uu hamuunta ugu qabay cuntada iyo degdega uu wax walba afka u gelinayay ayaa ka marag kacayay in muddo ay gaajo xumi haysay oo xataa laga yaabo inaanuu dhawr maalmood waxba cunin, sida xaqiiqdu tahay kolba gees ayaan u dhaqaaqayay inta ninakan bukay uu raashinka cunayey, hoos ayaanan u foorarsanayay si aanay askartii iyo dadkii meesha joogay u arag ilmo indhahayga ka soo burqanaysay oo aan kolba si hoose isaga tirtirayay!
Waxaa aad ii murugo geliyay oo maskaxdayda ka daadegi waayay waxa ninkan sidan ah ay bulshadii arkaysay ay ugu damqan weyday, waxa laga yaabaa in ilaa waddada shacabka uu qaawani ku soo lugaynayay, waxaa intaas ag socday dad iyo baabuur tiro badan, mana arag qof ka damqanayay oo gacan u fidiyay ninkaas miyirka la’aa, ee isaga oo murux ah oo qaawan oo gaajonayay waddada dhinaceeda lugaynayay.
Allaha awoodda leh waxba kuma aha in dammaanteen aynu waalano oo aynu maryaha dhigano, waxbana kuma aha Ilaahay (SWT) inuu hantida aynu haysano inaga qaado oo uu foqoro inaga dhigo. Allaah waxba kuma aha inuu Caafimadka aynu haysano uu xannuun inoogu beddelo. Allaah waa inagu eegayaa dadkan ku gaajoonaya agteenna, dadkan buka ee Allaah uu miyirkii ka qaaday ee shalay inaga inala midka ahaa.
Maxaa Xal ah? Sidee ugu degdeg badan ee dadkan loo xannaanayn karaa? Xagee ayaa hawsha laga blaabi karaa?

Qorshaha muddada dhow ee dadkan wax loogu qaban karo:
Marka koowaad waxaa loo baahan yahay in xoogga la saaro dadka waallan ee magaalooyinka dhex daadsan, waa dadka gidaarrda fadhiya, waddooyinkana lugayna habeen iyo maalinba ee dhaxanta meel ay ka galaan aan haysan ee ay waliba carruurtu shiido mar kasta.
Tusaale Magaalada Hargeysa: Dadka waalan ee magaalada dhex socda ee bilaa hoyga ah ee aadka u rafaadsan ee gidaarrada seexda tiradoodu kama badana ilaa boqol qof.
Waxaa kale oo Magaalada Hargeysa ku yaal Cusbitaalka guud ee Dhimirka iyo ugu yaaraan ilaa afartan cilaaj oo ah goobaha gaarka loo leeyahay ee lagu hayo dadka buka oo dadka dhaqaalahoodu fiican yahay ay dadkooda xannuunasada geeyaan si loogu hayo, iyaga oo bishii waxoogay lacag ah bixiya.
Haddaba, waxaa loo baahan yahay in ltalaabooyinkan lagu dhaqaaqo.
Cilaaj kasta ama qof kasta oo leh meel cilaaj ah oo gaar ah oo dadka buka lagu hayo waxaa haboon inuu qaato, si bilaash ah oo Ilaahay dartiis ah ugu tabaruco in uu dhabarka u rito xannaanada iyo haynta hal qof oo ka mid ah dadka buka ee suuqa dhex jooga si bilaash ah.
Haddii xarun kasta oo cilaaj ah ay tallaabadaas ku dhaqaaqo oo ay hal qof dhabarka u ridato xannaaneyntiisa iyo hoygiisa, cuntadiisa iyo daaweyntiisa, waxaa suurtogal in dadkii bukay badankoodu ay xaroodaan.
Dadka soo hadha ee buka laftigooda waxaa si lacag ah loo dhigi karaa goobaha gaarka loo leeyahay iyada oo dhaqaalaha ku baxaya ay bulshadu ay iska uruurinayso oo lagu bixinayo dadkaas hayntooda, cuntadooda iyo dabiibkooda. Waxaana loo baahanay in dalka gudihiisa iyo debadiisaba laga bilaabo dhaqaale dadkaas masaakiinta ah ee uu Allaah miyirka ka qaaday lagu xannaanaynayo.
Ugu dambayn, Wasaarada Caafimaadka oo qaranka masuul uga ah Ilaalinta caafimaadka iyo xannaaneynta muwaaddiniinta ayaa looga fadhiyaa inay la timaado xal muddada dheer ah oo dadkan wax loogu qabanayo.
Codsi: Haddii aad dalka hooyo ku sugan tahay oo Allaah uu caafimaad iyo dhaqaale ku siiyay fadlan isku day in ugu yaraan aad maanta ka farxiso qof xannuunsanaya oo Allaah uu miyirkii ka qaaday, ogow in aanay jirin cid aan adiga ahayn oo uu sugayaa, fadlan istaag oo dhar iyo cunto u gee, haddii aad awoodana cilaaj gee oo dhabarka u rido inaad bixiso kharashka ku baxaya. Hubaal wax ah inaad if iyo aakhiraba ku liibaani doontid.
Ambassador Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@diplomats.com