Araweelo News Network.

#Somaliland: Gefka Cadaaladeed Ee Kiiska Cawo Yar

Maxkamadda Racfaanka iyo ta Gobalku Waxa ay Xukun Xabsi ah ku rideen Shan Wiil oo Dhallinyaro ah oo Lagu Eedeeyey Kufsi Wadareed, kaas oo ka dhacay Xarunta Agooomaha Hargeysa, Warbixinta Horizon

 

30 December 2020

 

6-dii December 2020, Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi-jeex, ee fadhigeedu yahay Hargeysa, Somaliland, waxa ay xukun saddex sanno iyo afar billood  oo xabsi ah ku riday shan wiil oo dhallinyaro ah. Wiilasha, oo ku noolaa Xarrunta Agoomaha ee Hargeysa, da’doodana lagu sheegay inta u dhaxaysa 15-16 sanno, waxa lagu helay danbiga ah in ay caawinayeen laba eedaysane oo kale si ay u gaystaan kufsi-wadareed ka dhan ahaa gabadh dhallinyar ah oo ku noolayd Xarrunta Agoomaha, Cawo Xariir Raage.

 

Illaa markii la ogaaday dhibaatada Cawo billawgii May 2020, Hay’adda Horizon waxa ay ka taageereen qoyskeeda sidii ay u heli lahaayeen caddaalad.

 

Cawo iyo qoyskeedu waxa ay u baahan yihiin una qalmaan caddaalad. Waa masuuliyadda CID-da, xeer-illaalinta, uu matalo Xeer-ilaaliyaha Guud iyo maxkamaduhu in ay geed dheer iyo mid gaabanba u koraan sidii danbiilayaashii runta ahaa loo aqoonsan lahaa, si sax ah loo xukumi lahaa maxkamadna loo hor keeni lahaa. Nasiib-darro, arrintani may dhicin. CID-du may samayn baadhis dhab ah oo ballaadhan, taas oo ay adkaatay in kuwii dhabta ahaa in la xukumo. Xeer-illaalinta ayaa u soo jeedisay eedaymo shantan eedaysane oo ayna caddayn u hayn.

 

Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi-jeex ayaa ku riday xukun xabsi iyada oo aan u hayn caddayn sugan oo taageeraysa xukunka. Cadhadii dadweynaha iyo dalabyadii xukunku waxa ka dhashay in si sharciga ku khaldan loo ciqaabo caruurtii nuglayd ee aan haysan cid difaacda.

 

Marka laga yimaado khaladka xukunka Maxkamadda Racfaanka, xeer-illaalintu waxa ay hadda raadinayaan in Maxkamadda Sare ku riddo xukun intaa ka sii dheer eedaysaneyaasha. Xorriyadda iyo mustaqbalkii shantaa wiil ee carruurta ah waa in aan loo sadqayn sawirka ah, in arrintii halkaa ku dhammaatay, maadaama Cawo ay caddaalad heshay. May helin caddaalad. Sidoo kale may helin caddaalad wiilashaa soo dhadhamiyey qadhaadhka Nolosha markii qoyskoodu ay waayeen fursad kale oo aan ka ahayn in ay geeyaan Xarrunta Agoomaha. Faqrigooda iyo awood la’aantooda waa in aan hadda loo adeegsan in ay noqdaan wankii lagu sadqaynayey fashilka hay’adihii shaqadoodu ay ahayd in ay illaaliyaan iyaga.

 

Qareenkii ay magacawday Hay’adda Horizon si uu u matalo shantaa wiil waxa uu sidoo kale racfaan ka qaatay go’aanka. Waxa uu codsanayaa in Maxkamadda Sare ay laasho go’aankii Maxkamadda Racfaanka iyo in ay amarto in si dhakhso ah loo sii daayo.

Si aad u akhridid bayaanka, guji halkan 

Hay’adda Horizon waa Urur Maxalli ah oo ka hawlgala Somaliland kana shaqeeya sidii loo horumarin lahaa sarreynta sharciga iyo xuquuqal insaanka. Warbixinaha iyo daraasadaha aanu soo saarnaa waxa ay daah-furaan arrimaha taaggan ee lagu ogaaday shaqada aanu qabano. Waxa ay bixiyaan xog iyo gorfeyn loogu tallo galay in ay cariso doodda ka dhaxaysa daneeyeyaasha, dadweynaha iyo deeq-bixiyaasha iyo in ay kor u qaado siyaasadaha xukuumadda iyada oo lagu salaynayo qadarinta xuquuqal insaanka, sarraynta sharciga iyo dhiirigelinta isku filaanshaha.

Si aad wax badan uga ogaatid hawsha aanu qabano, fadlan booqo degalka internet-ka aanu ku leenahay ee www.thehorizoninstitute.org nagala socda Twitter @Horizon_SL iyo Facebook @HorizonInstituteSomaliland.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee aad u baahan tahay, waxa aad nagala soo xidhiidhi kataa email-ka info@thehorizoninstitute.org.