booliska1Hargeysa (ANN) Booliska, ayaa garaacay Carruur cuntada ka soontay, kuwaas ka mid ah kooxaha kubbadda cagta magaaladda Hargeysa, balse lagu daray ee loo soo qabqabtay olalaha ammaan sugida boolisku ka wadaan caasimada Somaliland muddooyiinkii u danbeeyay, iyadoo boqolaal dhalinyaro ah xabsiga loo taxaabay dhawrkii todobaad ee u danbeeyay.
Caruurta ka tirsanayd kooxaha Kubadda Cagta Hargeysa ee Boolisku garaaceen oo da’doodu u dhexayso 14 ilaa 15 jir, ayaa ciidammada bilayska saldhiga Iftiin ee degmada Axmed Dhegax ku garaaceen, kadib markii ay diideen cuntada, iyagoo tirsanaya cadaalad-daro iyo dulmi lagula kacay.
Kooxdaa dhalinyada ah, ayaa Maxkamaddu Sabtidii ilaa Isniintii ku soo riday xukunno shan bilood ah, kadib markii lagu eedeeyey in ay nabadgelyada caasimadda halis ku yihiin, waxayna sameeyeen cunto ka soomis hal waqti ah, kadib markii qol ay ku jireen looga saaray qaar kale oo markaas la soo xidhay, halka iyagana sida waalidkood sheegeen la geeyey qol hawadu ku yar tahay oo cidhiidh ah.
Taliyaha Saldhiga Iftiin ee Magaalada Hargeysa iyo qaar ka mid ah askartiisa ayaa kooxdaa dhalinyarada ah ee xukunnadu ku dhaceen oo sugaya xabsigii lagu xidhi lahaa la dhacay bakoorado, iyagoo qaar ka mid ah gaadhsiiyey nabaro kala duwan.
Waalidiinta dhalay oo bannaanka Saldhiga tubnaa, ayaa tilmaamay in ubadkooda oo aan qaangaadhin, xukunnana ku dhaceen, isla markaana ay sugayeen xabsigii loo qaadi lahaa ugu badnaana muddo laba maalmood iyo saddex habeen ah ay ku xidhnaayeen saldhiga Iftin, qaar kalena maanta oo xukuunnadu ku dhaceen, ciidammadu u gaysteen jugo, kadib markii ay cunto ka soomid sameeyeen.
Qaar ka mid ah waalidka dhalay caruurtaa, ayaa sheegay in saldhigga laga qaadi doono maanta, waxayna kooxdaa dhalinyada ah aqbaleen inay cuntada cunaan, kadib markii lagu soo celiyey qolkii ay hore ugu jireen ee ay ku xidhnaayeen.
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobka 24aad, faqradiisa 2aad waxay reebaysaa in qofka jidhkiisa la waxyeeleeyo, loona gaysto dhibaato, halka shuruucda caalamiga ah ee carruurtuna jidayso in meel gaar ah lagu xidho ilmaha, kana reeban tahayn in jidh dil loo gaysto, balse ciidanka Bilayska ayaa si arxandaran oo ka baxsan akhlaaqiyaadka ula dhaqma dadka, kuwaas oo tacadiyo iyo jidh-dil, ama jugo gaadhsiiya dadka marka ay kaxaynayaan iyo marka Saldhigyada loogu geeyo.
Labadii todobaad ee u danbeeyay Ciidammada booliska, ayaa hawlgalo lagu macneeyay sugitaanka ammaanka magalaooyinka dalka qaaday, hawlgalada oo inta baddan ka dhacay Caasimadda Hargeysa, ayaa lagu soo qabqabtay Kooxo dhallinyaro ah, kuwaas oo qaarkood ahaayeen carruurtii kubbadda ciyaaraysay, isla markaana Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadduhu sarajooga ku xukumeen, iyagoo aan kala saarin inta dambiilayaasha ah iyo inta kale, waxaana lagu riday xukun deg deg ah.
Sidoo kale waxa ku jira dadka la xukumay carruur aan qaangaadhin oo xeerku ka mabnuucaayo in xabsiyada lagu xukumo, isla markaana lagu dhex xidho dad waaweyn si aanay dhibaato uga soo gaadhin, balse dhamaan sharciyadaa, ayaa noqday kuwo aan waxba ka jirin oo ay meesha ka saareen hawlgalada Boolisku ka wadaan Hargeysa ee dhallinyarada lagu ururinayo iyo qaabka loo xumayo oo aan waafaqsanayn qaanuunka dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com