AbeershiyaWaxa Diyaariyey Cabdilahi Beershiya Qorayaal iyo siyaasiyiin tiro badan ayaad qoraaladooda amma hadaladooda ka dhadhasan kartaa iyaga oo duraya dadka wadaadada ah, una muujinaya niyad-xumo ka werwersan in wadaadadu ka qaybqaataan siyaasadda iyo hoggaaminta ummadda. Ma aha wax lala yaabo oo sheekooyinka qaddiimiga ah ee Soomaalida ayey ku jirtaa in farqi weyn u dhexeeyo dadka wadaadada ah iyo kuwa aan wadaadada ahayn magaca ay doonaan ha lahaadaane, waxaynu tusaale kooban u soo qaadan karnaa sheekada soo jireenka ah ee ka waramaysa gabadh la waydiiyey immisa wiil ayaad walaalo tihiin ee ku jawaabtay afar wiil iyo wadaad, oo minceheedu yahay wadaadku kuma tirsana ragga ee waa abuur u dhexeeya ragga iyo dumarka marka laga qiimeeyo ka qayb qaadashada arrimaha reerka ee hoggaaminta iyo talo bixintu ka mid yihiin. Sida la ogyahay dalalka reer galbeedka, ayaa ah meesha uu ka bilawday in wadaadka la takooro, arrintaasoo waqti aan dhawayn meel la isaga tiiriyey, isla markaana wadaad iyo wuxuu wato loo sameeyey dacaayado lagu bah-dilayo markii saamayntiisa siyaasadeed badatay, laakiin waqtigan aynu nool nahay qaar ka mid ah aqoonyahanka u dhashay dalalka Yurub iyo Maraykanka, ayaa walaac iyo canaan ka muujiyey kala qaybinta ba’an iyo faquuq aan geedna loogu gaban ee wadaadka diinta kiristanka hoggaaminayey lagaga dhex saaray ka qaybgalka arrimihii kala duwan ee bulshada, sida siyaasada, dhaqaalaha, garsoorka iyo horumarinta, oo ah qodobo aasaasi u ah xuquuqda qofka. Reer galbeedku waxay ooda u rogeen, meeshana ka saareen in ninka wadaadka ah la tirsado marka laga reebo xaalado gaar ah oo kinniisadu ka taliso, sida inuu maamulo guurka kiniisadaha gudohooda ka dhaca xataa shaqo kuma yeelan karo haddii guurku ka dhaco meelaha maxkamadaha ah ee ka baxsan kinniisadaha. Markii wadaadka Kiristanka ah lagu xakameeyey goobaha Kiniisadaha ah, lagana faquuqay bulshada inteeda kale, waxa wadaadada kiristaanka ah ku tallaabsadeen inay sameeyaan waxyaabo aannu dareenka caafimaadka qabaa isku quudhayn oo in badan warbaahintooda ayeynu ka maqalnaa wadaad Kiristan ah oo kufsaday wiil yar IWM. Sidoo kale reer galbeedku waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii dhaqankooda wadaad la-dirirka ah uga dhex muuqan lahaa mujtamacyada kale ee diimaha haysta sida bulshada muslimka ah, waxayna si cadaan ah ugu guulaysteen inay dadka muslimiinta ah laftoodu aaminaan in wadaadku yahay mid aan ku haboonayn hoggaaminta iyo ka dhex muuqashada bulshada, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, iyagoo ugu dhuumanaya in aannu waddaadku ku dhex milmin arrimaha siyaasadda, waayo, siyaasadda ayey u fahmeen inay tahay mid liidata oo khiyaamo, boob, musuqmaasuq iyo been keliya ku dhisan. Muuqaalka reer galbeedku faafinayaan waxaad moodaa inuu woxogaa shabaho aragtida dhaqanka Soomaaligu ka aaminsan yahay wadaadka iyo cidda diin ku shaqada leh, sababtoo ah in badan ayeynu sheekooyinka ku haynaa in wadaadka laga faquuqi jiray talada reerka iyo hoggaamintiisa marka laga reebo inuu u duceeyo ciidan duulaya ama weerar qaadaya, qaar dagaal ka soo noqday, reerka oo uu u nabaadiino xidho iyo inuu shallaadka ka akhriyo kullan-farxadeedyada la iskugu yimaad, iyagoo intaa iyo wax aan dhaamin Soomaalidu u haystaan ama ka aaminsan tahay wadaadka, waxa dalka yimmi, siina kordhiyey culayskii gumaysigii reer Yurub oo watay nidaamkii diin ka-cararka ahaa ee cilmaaniyada ku dhisnaa (Secularism). Waxa kaloo dabka u sii shiday oo wadaadka iyo cidda diin laga uriyo meel daran ka sii tuuray nidamkii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre oo wadaadada ka shaqeeya dugsiyada iyo goobaha waxbarasahda ee diinta lagu barto ka dhigay dad taag daran oo awoodooda aqooneed, caqliyeed iyo jidheedba liidato si looga saso iyaga iyo waxay sidaan. Natiijada arrintaasi waxay noqotay in la yidhaahdo “JINNAA WADAAD AH” markii la arkay dhibaatada baaxada leh ee ku gedaaman qofkii diinta sheeganayey, waxa wax lala sii yaabo ah in dadka Soomaalidu ay diinta bari jireen oo keliya dadka awoodooda jidheed hooseyso sida inuu curyaan yahay, IL la’ yahay amma iin kale uu qabo, iyagoo ka eegaya in aanu u caawin karin qoyska siday u caawinyaan dadka laxaadka qabaa, maadaama reer guuraa la ahaa. In wadaadku bulshada qayb muhiim ah ka galo, gaar ahaan siyaasadda waxa dhirbaaxo kale ku noqotay qayb ka mid ah wadaada oo ka soo horjeeda in nidaamka doorashooyinka xorta ah laga qaybqaato, kuwaasoo u arka wax aan bannaaneyn, taasina ay tahay mid taageero weyn siinaysa dadka madaxda ah ee iska yeeshay wadammada ay u taliyaan sida dawladaha Carabta ee Sucuudiga iyo Imaaraadku ka mid yihiin. Haddaba, dooda u dhexaysa wadaadada iyo dadka siyaasadda ku mabay ee ku saabsan in laga qaybqaato nidaamka siyaasadeed ee waddanka ka jiraa waa mid baaxad leh oo maanta hadhaysay adduunka islaamka oo dhan, waxaanu aakhrika sababi karaa isku dhacyo cid kale ka faa’iidaysato, una dan ahayn bulshooyinka sida ka socota dawladaha Carabta. Ugu dambayntii, haddii aynu diinteenna dib ugu noqoto weligeedba waxa ummada indho u ahaa dadka leh aqoonta diinta, kuwaasoo horkacayey dhinacyada maamulka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo aqoontaba, waana dadka aynu hadda u naqaan wadaadada ama culimada, sidaa darteed, ayey siyaasaddu u xumaatay markii laga dhex waayey cid leh akhlaaq iyo dhaqan diineed, waxa iyaduna arrimahaas barbar socota dhaqanka iyo edebta toosan ee qofka wadaadka ah laftiisu ku barbaaray, kaasoo haddii uu qaloocsamo aan ka turjmayn in wadaadadu wada qalloocaan. Marka si guud isha loo dulmariyo adduunka islaamka waxa maanta ka buuxa wadaado leh aqoon diineed oo ballaadhan iyo fahan siyaasadeed oo waafi ah, laakiin intooda badan waxa ka hiiliyey nidaamyada siyaasadeed iyo dhaqanka ka jira wadamadooda, dadka magaca wadaadka huwan ee maanta siyaasadda dalkiisa horumariyey waxa tusaale kooban inoogu filan madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan oo waddankiisa ka dhigay dalka 16aad dhinaca dhaqaalaha isaga oo hore u ahaa dalka 116aad muddo toban sanno ka yar. Sidaadarteed; ‘diin bilaa siyaasad ah maaha diin, siyaasad bilaa diin ahna maaha siyaasad.’ Mana fiicna, saxna maaha in la yidhaah culimada yaanay soo dhaafin masaajidada iyo inay faafiyaan waxyaabaha khuseeya axkaamka oo qudha, balse diinteenna islaamku waxay ku salaysan tahay cibaado, maamul, siyaasad, dhaqaale iyo horumar la gaadhi karo haddii dadka aqoonta u leh diintu talada dalka gacanta ku qabtaan.