Araweelo News Network

New York(ANN)Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dagaallada iyo tacadiyada ka socda dalal ka mid ah adduunka oo ay ka mid yihiin Suuriya iyo Afganistan ay si wayn kor ugu qaadeen xaddiga qaxoontiga iyo barokacayaasha gudaha ee adduunka oo hadda tiradoodu marayso 65.3 milyan.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga ee loo yaqaan UNHCR, ayaa warbixin ay soo saartay maalinta loo aqoonsanyahay Qaxoontiga ee 20-ka June, waxay ku sheegtay in qulqulka dadka ka yaacaya colaadaha ka socda dalalkooda ee gaadhay waddamada Turkey iyo qaaradda Yurub sannadkii hore ay ka dhigtay tirada qaxoontiga heerkii ugu sarreeyey tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee dunida oo tiradu ahayd 60 milyan qof. Waxaana xaddiga dhibaatadan lagu tilmaamay in qiyaastii 24 qof ay barakacaan daqiiqad kasta sannadkii hore 2014, halka tiro 34,000 qof ay qaxayeen maalin kasta.
Qiyaastii kala badh tiradan Qaxoontiga ayaa warbixinta UNHCR tilmaantay inay ka soo jeedaan saddexda dal ee Suuriya, Afganistan iyo Soomaaliya, halka waddamada u horreeya ee martigaliyeyna ay kala yihiin Turkey oo ugu sarreeya oo ay joogaan 2.5 milyan qof, Pakistan oo ay ku sugan yihiin 1.6 milyan iyo Lubnaan oo hoy u ah 1.1 milyan badankoodu ka qaxay dalka jaarka la ah ee Suuriya.
Madaxa sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxoontiga Mr. Filippo Grandi, ayaa sheegay in tirada xad-dhaafka ah ee barakacayaashu ay tilmaan u tahay colaadaha socda, waxaannu yidhi, “Waxaan rajaynayaa in farriinta ay dirayaan dadka lagu khasbay inay barakacaan ay gaadhay hoggaamiyayaasha, farriintaasi oo ah ‘haddii aad xallinwaydaan dhibaatooyinka waxay soo gaadhi doonaan idinka’. Waxaynu u baahannahay tallaabo, ficil siyaasadeed oo ah in la joojiyo colaadaha.”
Waxa kaloo sarkaalkani ugu baaqay dalalka qaadhaan-bixiyayaasha, gaar ahaan kuwa reer Yurub inay wax ka beddelaan siyaasadaha ka dhanka ah dadka soo galootiga ah ee dalalkooda ku jihaysan, si aanay tusaale xun ugu noqon adduunyada.