debedbaxWashington

 

 

 

 

 

Washington(ANN)Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Eric Holder, ayaa sheegay in baadhitaan lagu samaynayo dilka Wiil yar oo Madaw oo magaciisu ahaa Michael Brown, kaas oo loo haystay Darren Wilson oo ah Askari cadaan ah, balse kacdoono ka dhasheen markii alsii daayay Askarigaa oo ay Xeer-beegti sheegtay in aanu wax denbi ah gelin, taas oo ka cadhaysiiyay dadka Madawga oo si weyn uga gedooday, isla markaana sameeyay kacdoono khasaare dhlaiyay iyo rabshado.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Eric Holde, wuxuu isagoo ka jawaabaya cabashada iyo dareenka cadhada ah eek a dhashay sii deynta Askarigaa sheegay in inuu bilaabay qorshaha xuquuqda madaniga ah oo baadhitaan lagu samaynyo geerida, wuxuuna ballan qaaday in baadhitaanku noqon doono mid madax bannaan oo cadaalad ah.

Dhawaaqa Xeer Ilaliyaha Guud ayaa kusoo beegmay kadib markii Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo Ururada Bulshada rayid ka ah ay shaaciyeen in todobaadka soo socda la isugu soo baxo magaalada Washington, taas oo ay sheegeen in ay jawaab u tahay dulmiga ay Boolisku ku hayaan.

Xeerbeegtida magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa hore u sii daayay Askari Boolis ah oo Caajiyay Wiilka Yar oo ahaa Madaw, waxayna diideen Xeer Beegtidu in dacwado dambi ah lagu soo oogo askerigaa caddaanka ah oo dilay Wiilkaa yar oo aan hubaysnayn.

Askarta Magalada New Yorka, ayaa laga mamnuucay in ay qofka ceejiyaan marka ay qabanayaan ama ay doonayaan inay xidhaan. Kadib markii arrinta dilka Wiilkaa yar uu si weyn u gil-gilay magaalooyinka ay dadka Madaw u badan yihiin ee Cariga Maraykanka.

Benjamin Crump oo ah Garyaqaanka u doodaya Qoyska laga dilay wiilka, ayaa sheegay inay la yaabeen xeerbeegtida oo sheegay in ay dhaafeen cadeynta oo ahayd fiidiyow muujinayay Askariga oo ninkan ceejinaya, wuxuuna go’aankaa ku tilmaamay mid ka fog cadaaladda oo aanay sinaba u aqbalayn, isla markaana wuxuu xusay in ay u gudbinayaan Maxkamadda Federaalka ee sare, waxaana Muuqaalkaa laga dhex maqlayay isaga oo cabaadaya Wiilka Yar oo leh “ma neefsan karo”.

Duqa magaalada New York, Bill de Blasio oo kahadlayay mudaharaadyada lagu baaqay, ayaa sheegay inuu rajeynayo in shacabku ay dareenkooda ku cabiraan si nabadgalyo ah.

Todobaadkii hore Boqolaal Ciidamada Booliska ah ayay is waajaheen dadka cadhaysan, kuwaas oo ay fooda is dareen, waxaana la maqlayay rasaas ka dhacay meelaha rabshaduhu ka socdaan, taas oo ay Boolisku sheegeen in aanay iyagu ridin ee ay dadka mudaharaadayadaa ridayeen.

Madaxa Boolkiiska ee St Louis, Jon Belmar, ayaa waqtigaa sheegay in Ferguson ay ka dhaceen dibadbaxyadii ugu xumaa tan iyo markii wiilkaasi la dilay bishii August ee sanadkii hore, waxayna Boolisku xabsiga u taxaabeen ku dhowaad 30 qof.

Rabshadaha mudaharaadyada ayaa u gudbay Magaalooyinka kale ee Maraynka sida New York , Oakland iyo Chicago oo ah kuwa ay Madawgu ugu baddan yihiin, waxaana lag cabsi qabaa in mudaharaadyada waqtigan ay ku baaqeen dadka u Ololeeya Xuquuqda Aadamaha iyo Ururada Bulshada ay noqdaan kuwo intaa ka balaadhan.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com