AMISOMBrussels(ANN) Kooxda Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya (The Human Rights Working Group on Somalia (HRWG), oo ka kooban Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah sida Norway, Switzerland iyo Maraykana ayaa si wadajir ah uga jawaabay Warbixin ay Ururka Midowga Afrika dhowaan ka soo saareen Baadhitaan ay ku sameeyeen Kufsiga Askarta AMISOM u geysteen Haween iyo gabdho Soomaaliyeed oo ku nool magaalladda Muqdisho.

Kooxda Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya (HRWG) waxay Warkaasi ay ka soo saareen caasimadda dalka Belgium ee Brussels, iyagoo sheegay inay si dhow ula socdeen wixii ka soo kordhay warbixintii Human Rights Watch ee xadgudubyadda iyo faro-xumaynta ay sameeyeen Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Qoraalka oo lagu xusay in Kooxda ay dhiiri galisay jawaabtii Midowga Afrika, ayaa sidoo kale sheegay inay qiimeeyaan jawaabta wanaagsan ee ay Baadhayaasha Midowga Afrika isku dayeen si ay u baadhaan eedmaha xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ee lagu sheegay Warbixintii Hay’adda Human Rights Watch.

Sidoo kale, Kooxda Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya (HRWG), ayaa xusay in Kooxda ay dhiirigaliyeen Talo soo jeedinta warbixintii AU-da, iyadoo qoraalka lagu muuujiyay inay tallaabo muhiim tahay sida firfircoon ee ay Midowga Afrika uga daba tagaan fulintooda.

Tani waxay ka dhigan tahay in talaabadda ugu horaysa ay qaadaan Hawlgalka Taageerada Nabada ee Midowga Afrika AU Peace Support Operations (PSO) iyo la macaamilka wanaagsan.

Kooxda Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya (HRWG) waxay dhiirigelinayaan in Midowga Afrika ay si deg deg ah u bilaabaan waax madaxbanaan, hawlkar ah, isla markaana si fiican loo qalabeeyey oo dusha kala socota Tacadiyadda ay Askarta AMISOM geystaan.

Qoraalka Wadajirka ee Kooxda Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya (HRWG) waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in ay wadaagaan mas’uuliyadda AMISOM iyo dalalka ciidanku ka joogaan Somalia, si ay u qabtaan shakhsiyaadka lagu helo gabood-falka.

Waxaana loogu baaqay Talliska AMISOM iyo Dowladaha ay Ciiddanku ka joogaan Somalia inay hubiyaan mas’uuliyadda buuxda, isla markaana ay fududeeyaan helitaanka xubnaha si loo baro dhamaan kiisaska khuseeyaa shaqaalahooda iyo dhamaan eedohooda si dhex dhexaad ah lana hubiyo tallaabo sharci oo ku haboon in laga qaaday.

War Murtiyeedka Kooxda Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya (HRWG) waxa ay ugu baaqeen Ururka Midowga Afrika inay Muqdisho ka aasaasaan Habka Cabashooyinka oo Madaxbanaan, oo sahli kara in dhibanayaasha lagu xadgudbay ay cabashooyinka u gudbin karaan, iyadoo ay muhiim tahay in sirta dhibanayaasha si buuxda loo ilaaliyo, si aan loo ugaadhsan.

Qoraalka Kooxda Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya (HRWG), ayaa lagu xusay in aan loo dulqaadan doonin caga-juglaynta iyo sheegida dadka ka badbaaday gabood falada loo geystay iyo Hawlgelinta Maxkamadaha Militariga iyo Unuga Agaasinka Marshall, si waafaqsan soo jeedimaha waxay noqonaysaa talaabo muhiim ah.

Dhinaca kale Midowga Afrika, ayaa loogu baaqay inay hore u qaadaan tobabarada dheeraadka ah oo ku saabsan arrimaha xuquuqda aadamaha iyo jinsiga, kuwaas oo la siiyo hawl-wadeenada iyo shaqaalahaPSO (Iyada oo la raacayo Hab-raacyada Tababarada Jinsiga ee Hawgalada Midowga Afrika ee Taageera Nabada) iyo in sidoo kalena la hawlgaliyo Kormeerayaasha Xuquuqda Aadamaha ee Goobaha Colaada.

Kooxdu waxay hoosta ka xariiqayaan masuuliyada in la ilaaliyo Xeerka Caalamiga ah ee Bini-aadanimada iyo Xuquuqda Aadamaha ee Soomaaliya.

Dhamaan waxaa loo siman yahay hay’addaha amniga iyo ciidanka qalabka sida ee dalka ka shaqeeya.

Kooxda Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya (HRWG) waxay ugu baaqeen Dawladda Federaalka Soomaaliya inay bilowdo Qorshaha Hawlgalka Qaranka ee ka soo horjeeda xad-gudubyada jinsiga iyo damaanad qaadka isticmaalka nidaamka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dhibanayaasha iyo dadka khatarta ku sugan.

Warka Wadajirka ee Kooxda Xuquuqda Aadamaha Soomaaliya (HRWG) waxaa lagu xusay inay Beesha Calaamka sii wadayaan inay si dhow ugala shaqeeyaan AMISOM iyo Ciidanka Amaanka Soomaaliya amuurtani iyo in ciidanku ku dhex shaqeeyaan nidaamka xuquuqda Aadamaha.

Xigasho:- HRWG
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.