X

Xukuumadda Dalka Iran Oo Xukun Del-delaad ah Ku Fulisay Dad Ku Eedaysnaa Argagixiso

Araweelo News Network

Muuqaalka dadka Iran del-deshay

Tehran(ANN)Xukuumadda Iran ayaa xukun del-delaad ah ku fulisay dad badan oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen koox argagixiso oo Sunni ah. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Iran waxaa uu sheegay in raggaasi lagu helay inay geysteen qaraxyo xidhiidh ahaa iyo weerarro lagu qaaday deegaanno dadka Kurdiyiinta ee galbeedka dalka Iran ku nool yihiin, kuwaas oo lagu dilay hoggaamiyeyaal Sunniyiin ah iyo sidoo kale dumar iyo carruur.

Kooxda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in ugu yaraan mid raggaas ka mid ah xukunka dilka lagu riday kaddib dhowr daqiiqo markii dacwaddoodu socotay.

Ragga dilka lagu fuliyay oo gaadhaya 20 qof, Qoysaska ay kasoo jeedaan waxaa looga yeedhay xabsiga halkaas oo maalintii Talaadadii lagu hayay booqashadii ugu dambaysay ee dadkooda ay arkaan, ayaa ahayd taas. Laakiin waxaa la sheegay inay heleen ehelada dadku telefoonno intii ay u sii socdeen oo loo sheegay inay xabaalaha aadaan, halkii ay aaskooda ka tegi lahaayeen.

Xukuumadda Iran waxay sheegtay in raggaasi ay qayb ka ahaayeen koox argagixiso ah oo Sunniyiin ah, kuwaas oo sida iran sheegtay loo yaqaan Tawxiid iyo Jihaad, kuwaas oo lagu eedeynayso inay weerarro badan ku qaaddeen galbeedka dalka Iran, waxaana denbiyada raggaa loo haystoay ku jirto dilkii lagu khaarijiyay laba hoggaamiye oo Sunniyiin ah.

Kooxda reer Iran ah oo xuquuqda aadanaha u doodda ayaa sheegtay in habka sharciga ee raggaas la marsiiyay uu aad u khaldanaa. Iran waxay xukun dil ah ku fulisay 250 qof sanadkan 2016, iyadoo Sanadkii hore tirada dadka xukunka dilka ah lagu fuliyay dalka Iran lagu qiyaasay kun qof.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post