Yuusuf GoogaarBy Abdirisaq Itaqile
Sanca (ANN) -Qoys ka kooban afar qof oo u dhashay Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in lagu sumeeyay magaalada caasimada u ah wadanka Yemen, suntaas oo sababtay inay laba kamid ah qoyskaasi geeriyoodaan halka labadii kalena cisbitaal ku yaala magaalada Sanca lagu Dawaynayo.

Axmed Cabdi Aadan oo ah suxufi Somali ah o madax banan islamarkaana ku sugan magaalada Sanca ee wadanka Yemen ayaa u xaqiijiyay shabakada wararka Englishka ah ee Somaliland Monitor iyo BBC da qaybteeda af somaliga in halkaa ku geeriyoodeen 2 kamid ah qoyskaasi oo kala ahaa aabaha qoyska oo lagu magacaabi jiray Yusuf Diiriye Xasan kuna magic dheeraa Googaar iyo xaaskiisii, halka ay ku dhaawacmeen suntaasi laba hablood oo uu dhashay Yuusuf Googaar islamarkaana lagu dawaynayo cisbitaal ku yaala Sanca.

wariye Axmed Cabdi oo ka waramaya siday wax u dhaceen ayaa sheegay in suabaxnimadii Salaasada (August 8) ahayd ee lasoo dhaafay laga war helay dhibaatada ku habsatay qoyskaas, halkaas oo gurigooda ku yaala xaafada Cadamiya ee magaalada Sanca laga helay Yuusuf Diiriye Xasan Googaar iyo xaaskiisii oo mayd ah iyo dhaawaca laba halood oo uu dhalay marxuum Yuusuf Googaar.

labada gabdhood oo lagu kala magacaabo Samasam Yuusuf Diiriye oo dadeedu tahay 19 jir iyo Amal Yuusuf Diiriye oo da’deedu tahay 18 jir ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka Mustashfa Dowli Al xadiis oo ku yaala magaalada Sanca.

Waxa kale oo wariye Axmed Cabdi oo u warayay Shabakad Somaliland Monitor sheegay inay marxuumka geeriyooday ee Yuusuf Googaar uu ahaa mid caan ka ah wadanka Yemen islamarkaana wax badan u qabtay somalida ku nool wadankaasi, isla markaana la soo shaqayn jiray Hay’addo caalami ah oo ka shaqeeya samafalka baniaadamka sida Hay’adda qaxoontiga aduunka ee loo yaqaano UNHCR.

Axmed waxa kale oo uu sheegay inaan wali war rasmi ahi ka soo bixin baadhitaanka lagu hayo sababta keentay in la sumeeyo qoyskaa, laakiin ay jiraan tuhuno lala xidhiidhinayo inay falkaasi ka dambeeyeen, Hay’adda lagu magacaabo IDF, taas oo marxuumka is khilaafsanaayeen, isla markaana ay is dacwaynayeen, laba nin oo aan la aqoonsan ayaa u dhacan guriga marxuumka, kuwaas oo qaatay laptop marxuumku lahaa.

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.