Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, MudaneMuuse Biixi Cabdi, ayaa  sheegay fursaddaay Somaliland maanta haysato, marka la eego labada sannadood ee soo socda, balse waxa uu ka dayriyay haddii ay fursadaasi seegto aannu garanayn sidii looheli lahaa mar danbe.

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu hadalkaa ka sheegay mar uu saaka hadal ka jeediyay daah-furka bandhigga Carwadii Siddeedaad ee laga furo Somaliland oo ka dhacday Hargeysa, taas oo Madaxweynuhu xadhiga ka jaray.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland, wuxuu qiray dagaalka ka dhanka ah qadiyada Somaliland ee ay waddo dawladda Soomaaliya, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Fursadda ay maanta Somaliland haysato labada sanno ee soo socda, waa fursad haddii ay ina seegto si loo heli doono aynnaan garanaynin, iyada oo aan la ina ictiraafsanayn oo weliba qolo aynnu beri dawlad wada lahaan jirney inoo hanjabayso oo ay meel walba inagala dagaallamayso, haddana Ilaahay wuxuu qaddaray maanta in caalamku Somaliland usoo jeedo, cid kasta Bari iyo Galbeed wax Allah iyo wixii lacag lahaa maanta way inoo soo jeedaan, haddaynaan ganacsatadeedan, aqoonyahankeenna iyo dawladdeennu arrintaas ka faa’iidayn taariikhdu ina saamixi mayso ee ogaada inteenna maanta xilka haysaay, annaguna xaggayaga diyaar baannu ka nahay” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inisku-duubnida aqoonyahanka, dhaqaale-yahanka iyo hoggaanku tahay jidka kaliya eelagu hormari karo, isagoo yidhi, “Horumarka dalka saddex qodob baa tiirar u ah,mid waa dhaqaale, midna waa aqoon, midina waa hoggaamin. Haddii aynnusaddexdaas tiir isla helno oo ay isla jaanqaadaan faqriga iyo baryadaba weynu ka baxaynaa.”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Mar uu ka hadlayay doorka xukuumadda ee horrumarka dalka,waxa uu sheegay in xukuumad ahaan ay doorkooda ka qaadanayaan ka midho-dhalintahimilada horumarineed ee qaranku leeyahay, isagoo yidhi, “Farriintaydu waaqaybta dhaqaalaha xorta ah, aqoonyahanka iyo xukuumadda saddexdaba masuuliyadbaa ina saaran, annaga xukuumad ahaan taayada Ilaahay nooma xilqarin ooLabaatan jir Mudug jooga Alle uma xilqarin, diyaarna waannu nahay waayo-araggeedanawaannu nahay, labada qaybood ee kalena waxannu doonaynaa inay hawsha nala soogalaan oo aynnu ka wada shaqaynno.”ayuu yidhi, Madaxweynaha Somaliland.