Riyadh(ANN)-Koox Sucuudi ah oo lagu magacaabo “Allied for Good Governance” oo sheegay in ay u midoobeen badbaadada Dalka Sucuudiga,  ayaa Axaddii todobaadkan ku baaqay in Prince Ahmed Bin Cabdulcasiis al-Saud awood loo siiyo sidii uu Sacuudi Carabiya mudo ku-meel-gaadh ah oo sannad ah u badbaadin lahaa, illaa dadka Sucuudiga ay go’aansadaan qaddiyadooda.

Kooxda oo bayaankooda ku jiheeyay qoyska Boqortooyada Sucuudiga, kaas oo lagu daabacay bogga intarnetka ee Khaleej Online,  ayaa ku booriyay Qoyska Boqortooyada inuu u ogolaado walaalkii Boqorka Sacuudiga, Axmed bin Cabdulcasiis al-Saud, in laga dhigo dhaxal sugaha sii haynaya xilka dhaxalka muddo hal sano ah, illaa ay dadku go’aansan karaan mustaqbalkooda, isla markaana ay soo noqonay midnimadii Bulshadda iyo qoyska Boqortooyadda.

Waxa ay sheegeen in Prince Ahmad ay tahay in uu la warreego hoggaamiyaha dhaxalka, maadaama Crown Prince Mohammed bin Salman uu lumiyay kalsoonidii Bulshadda iyo Boqortooyada, isla markaana dalka geliyay cadaawad siyaasadeed iyo xad-gudubyo mudadii uu ahaa dhaxal-sugaha, tan iyo markii Aabihii Boqor Salman xukunka la wareegay, sidaa awgeed waxay sheegeen in  doonayo inuu badbaadiyo dawladnimada iyo dalka.

 

 

Sidoo kale Kooxda oo mararka qaar isku magacawday “The Bloc of Alliance for Good Governance” ayaa Bayaankooda ku naqdiyay dhaxal-sugaha Amiir Maxamed Bin Salmaan, iyagoo ku calaamadeynaya wiilka  dhallinyarada ah ee awoodda leh inuu sameeyay xukun aan haboonayn iyo siyaasado u horseeday boqortooyadii dhibaatooyin taariikheed.

Dalabkooda ay soo gudbiyaan, waxay si gaar ah ugu taxeen siyaasadda guul-darada ah ee Amiirka, iyagoo tusaale usoo qaatay xabsiga dib-u-habeynta ee lagu xidh-xidhay dadka baddan, dagaalkii lagu burburiyay dalka Yaman, cunaqabataynta Qatar iyo soo dhaweynta iyo xidhiidhka uu la yeeshay Israel.

 

Kooxda, ayaa sheegtay in ay yihiin qayb ballaadhan oo ka mid ah Bulshadda Sacuudiga oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidamadda Millateriga iyo ciidamadda ammaanka.

 

Prince Ahmad oo ay wallaalo yihiin Boqor Salmaan,  ayaa bishii horre kasoo laabtay London, isagoo cadaadis uu saaray Prince Mohammed bin Salman, sababay in uu ka deggo Riyadh, kadib dilkii wariye Jamaal Khashoggi oo lala xidhiidhiyay wiilka uu adeerka u yahay ee Prince Mohammed, iyadoo Hay’addaha ammaanka ee Maraykanka iyo UK, ay balanqaadeen dammaanada ammaankiisa marka uu ku laabto Riyadh.

 

Prince Ahmad, ayaa lagu soo bandhigay warbaahinta ka hor intii aanu dalka kusoo laaban muuqaal fiidiyoow ah oo uu mudaaharaadayaal muujinayay dareenkooda ay ku diidan yihiin dagaalka in dhammaan qoyska boqortooyada Sacuudiga aanay masuul ka ahayn dagaalka Yemen ee masuuliyada dagaallada ba’an ee Yemen, ay tahay mid ku kooban oo kaliya King. Salman iyo Amiirka Maxamed Bin Salmaan.

Prince Ahmed Bin Cabdulcasiis al-Saud, waxa lagu tilmaamaa in aanu saamayn baddan ku dhex –lahayn gudaha qoyska Boqortooyada, balse wuxuu saamayn ku leeyahay bulshadda, wuxuuna ka mid ahaa kuwa loogu magac daray “Sudairi Seven”, oo ahaa koox ka mid ah walaalaha marwalba saamileyda xukunka dalka Sucuudiga ku lahaa, kuwaas oo ahaa Todobada wiil oo uu dhalay King Abdulaziz, oo ahaa aasaasihii gobolka Sucuudiga ee saddexaad.