Araweelo News Network | Associated Online
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dimuqraadiyadda casriga ahi waxa ay ku dhisan tahay hal mabda’ oo aasaasi ah, kaas oo ah: in muwaadiniintu awood u yeeshaan in ay si xor ah wax ugu kala doortaan aragtiyo kala duwan oo taabanaya noloshooda, kuna salaysan sida loo maamulayo dalkooda. Doorashadu sidaas darteed ma aha uun keliyaata hab lagu kala saaro musharraxiin, hoggaamiyeyaal iyo xisbiyo siyaasadeed; waa hannaan lagu kala doorto aydhiyoolajiyado, mabaadi’ iyo siyaasado lagu gaadhaayo rumeynta himilooyinka bulsho ama qaran leeyahay. Haddii aanay jirin kala duwanaansho aragtiyeed, doorashadu waxa ay luminaysaa qayb ka mid ah macneheedii siyaasadeed.
Sidaa darteed, jiritaanka xisbiyo badan oo keliya ma dammaanad qaadayo dimuqraadiyad tayo leh. Waxa ka muhiimsani waa in xisbiyadaasi matalaan ama u taagnaadaan aragtiyo siyaasadeed, kuwaas oo macno leh oo kala duwan, bulshadana ay u soo bandhigaan ikhtiyaarro ama xulashooyin dhab ah oo ay ku kala dooran karaan. Xisbiga siyaasadeed waxa uu dimuqraadiyadda u yahay biriij ama jid isku xidhaaya bulshada iyo dawladda; waxa uu ururiyaa danaha bulshada, waxa uu u beddelaa siyaasado iyo barnaamijyo fulineed, isaga oo ugu dambayn u tartama hirgelintooda. Haddii xisbiyadu isku mabda’, isku siyaasad iyo isku qaab maamul noqdaan, tartanku waxa uu isu beddelaa tartan shakhsiyaad, ama kooxo shaadhadh kala duwan uun xidhan, halkii uu ka ahaan lahaa tartan fikrado iyo siyaasado dhex yaalla.
Aragtidan waxa si weyn u taageeraya Robert Dahl oo ku doodaya in dimuqraadiyaddu ku tiirsan tahay tartan siyaasadeed oo dhab ah iyo ka-qaybgal muwaaddin oo macno leh.
Maqaalkani waxa aynu ku qeexaynaa waxa aqoon ahaan lagu tilmaamo xisbi siyaasadeed iyo xisbi qaran. Ka dib waxa aynu ku sharraxaynaa doorka iyo waajibaadka xisbiyada ee nidaamka dimuqraadiyadeed, innaga oo iftiiminayna sababta mabda’a siyaasadeed loogu tilmaamo ruuxda xisbiga iyo udub dhexaadkiisa. Ugu dambaynna waxa aynu falanqaynaynaa in saddexda xisbi qaran ee Somaliland ay dhab ahaan bulshada u soo bandhigaan aydhiyoolajiyado siyaasadeed oo kala duwan, iyo in ay u egyihiin hal xisbi oo saddex magac leh, innaga oo soo jeedinayna jihada iyo jidka dib-u-habayneed ee lagama maarmaanka u ah tayaynta nidaamka xisbiyadeenna qaranka.
Maxaa Xisbi Siyaasadeed Ka Dhiga Xisbi?
Edmund Burke waxa uu ku tilmaamay xisbi siyaasadeed in uu yahay koox dad ah oo ku midoobay mabda’ qaran oo ay u arkaan in uu danta guud u adeegayo. Maurice Duverger isaguna waxa uu caddeeyay in xisbigu aanu ahayn isu-tag ku-meel-gaadh ah oo doorasho kasta la sameeyo, balse uu yahay hay’ad joogto ah oo leh xubinnimo, qaab-dhismeed, hoggaan iyo hannaan lagu diyaariyo siyaasadaha.
Marka laga hadlayo xisbi qaran, qeexitaankiisu waa uu ka ballaadhan yahay adeegsiga magac keliya. Xisbi qaran waa xisbiga ka gudba u xidhnaanta arrimo la xidhiidha qabyaalad, dano deegaan qudhaata ama koox gaar ah, kana shaqeeya matalaadda danaha qaranka oo dhan. Waxa uu leeyahay mabda’ siyaasadeed ama aydhiyoolaji qeexan, barnaamijyo lagu xallinayo arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo maamulka, waxa uu bulshada siinayaa beddel iyo xulasho siyaasadeed soo jiidasho leh oo ka duwan khiyaarrada kuwa kale. Robert Dahl waxa uu ku dooday in dimuqraadiyaddu u baahan tahay ururro siyaasadeed oo madax-bannaan oo bulshada u soo bandhiga xulashooyin aragtiyeed oo xaqiiq ku dhisan; haddii xulashooyinkaasi iyo weedhaha xisbiyadu isku mid noqdaan, dimuqraadiyaddu waa ay daciifaysaa.
Xisbiga qaran sidaas darteed laguma garto tirada taageerayaashiisa oo keliya, balse waxa lagu gartaa tayada mabda’iisa, awooddiisa metalaadeed ee uu bulshada ugu matali karo dano kala duwan iyo sida uu ugu tartamo dhisidda xalal siyaasadeed oo xaqiiqooyin ku dhisan.
Haddii aynu soo dhaweyno in aynu fahmno waxa dhab ahaan xisbi ka dhigaaya xisbi qaran oo macno leh, waxa habboon in aynu eegno sooyaalka dalal ay xisbiyadu ku tartamaan aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan kuna kala adkaadaan aydhiyoolajiyadaha ay dadka u soo bandhigeen.
Singapore waa tusaale aynu ku koobsan karno halka aynu u soconno, kaas oo muujinaya in awoodda jiritaan ama maamul ee xisbigu aanu ku iman tirada xisbiyada jira, balse uu ku yimaaddo awoodda uu u leeyahay hirgelinta aragti siyaasadeed oo la taaban karo. Tan iyo 1959-kii waxa dalka hoggaaminayey Xisbiga Waxqabadka Shacabka “People’s Action Party (PAP)”, kaas oo dhisay mabda’ siyaasadeed isku dhafaya dhisidda dawlad karti hoggaamineed leh (Meritocracy), maamul wanaag leh, qorshayn dhaqaale oo fog leh iyo faragelin dawladeed oo xaddidan laakiin wax-ku-ool ah.
PAP ma uu u guulaysan sababta oo ah magaciisa ama hoggaamiyeyaashiisa oo keliya, balse waxa uu bulshada u soo bandhigay aragti cad oo lagu dhisay guryo dadweyne oo malaayiin qof degeen, nidaam waxbarasho oo tayadiisu sareyso, adeeg caafimaad oo hufan iyo koboc dhaqaale oo Singapore ka dhigay mid ka mid ah dalalka ugu hodansan Aasiya. Sidaa darteed, guushiisu waxa ay ku dhisnayd natiijooyin ka dhashay mabda’ siyaasadeed, iyo aydhiyoolajiyad waxqabad oo la dhisay lana hirgeliyey.
Dhanka kale, xisbiyada mucaaridka ah sida Xisbiga Shaqaalaha “Workers’ Party” waxa ay soo bandhigaan aragti ka duwan tan PAP. Waxa ay ku doodaan in loo baahan yahay xoojin dheeraad ah oo ku saabsan isla xisaabtanka xukuumadda, ballaadhinta doodaha baarlamaanka, iyo siyaasad bulsho oo sii yaraysa sinnaan la’aanta. Inkasta oo kala duwanaanshahoodu aanu ahayn mid aad u fog, haddana codbixiyuhu waxa uu si cad u garan karaa halka ay labada dhinac ku kala duwan yihiin.
Casharka Singapore laga baranayaa waa in tartanka dimuqraadiyadeed uu noqdo mid ku saabsan siyaasadaha iyo natiijooyinka, halkii uu ka noqon lahaa beddelidda magacyada ama shakhsiyaadka oo keliya.
Isku eekaanshiyaha Xisbiyadu waa bilawga dib-u-dhaca dimuqraadiyadda
Haddii, sida aynu kor kusoo aragnay dhismaha aydhiyoolaji macno lihi ay tahay jiritaanka xisbi qaran, waxa isweydiin mudan waxa dhacaya marka aydhiyoolaji la waayo. Maxaa ay dimuqraadiyaddu ka dhaxashaa haddii xisbiyo badan ay jiraan, balse aanay bulshada u soo bandhigi karin aragtiyo si cad uga duwan kuwa ay xisbiyada kale aaminsan yihiin, ama aragtiyo taabanaya jidadka loo maraayo xallinta baahiyo bulsheed oo masiiri ah? Su’aashani ma aha isweydiin falsafadeed oo keliya; waa weydiin muddo dheer ay ka doodayeen aqoonyahannada cilmiga siyaasadda.
Giovanni Sartori oo buuggiisii caanka noqday ee Parties and Party Systems, kaga hadlay mawduucan ayaa waxa uu ku dooday in tayada nidaamka xisbiyada aan lagu qiimayn karin tirada xisbiyada oo keliya. Waxa muhiimka ahi waa heerka tartanka siyaasadeed, kala duwanaanshaha aragtiyaha, iyo awoodda xisbiyadu u leeyihiin in ay matalaan danaha kala duwan ee bulshada. Sidaas darteed, waddan leh laba xisbi oo si cad ugu kala duwan mabda’ ahaan ayaa yeelan kara dimuqraadiyad ka tayo wanaagsan waddan leh toban xisbi oo dhammaantood isku siyaasad ah.
Aragtidan waxaa sii xoojiyay Samuel P. Huntington. Buuggiisa Political Order in Changing Societies, waxa uu ku doodayaa in xasilloonida siyaasadeed aanay ka iman tirada ururrada siyaasadeed, balse ay ka timaaddo dhismaha hay’ado adag. Isaga oo ku qeexaya waxa uu ugu yeedhay adkaynta hay’adaha “institutionalization”, waxa uu tilmaamay in hay’ad caafimaad qabtaa ay leedahay afar astaamood: la-qabsasho, kakanaanta qaab-dhismeedka, madax-bannaani iyo isku-duubni. Marka aragtidan lagu dabaqo xisbiyada siyaasadda, waxa ay ka dhigan tahay in xisbi xooggan aanu ahayn mid ku tiirsan hal hoggaamiye ama koox yar oo saamayn leh, balse uu yahay hay’ad leh mabda’, xeerar iyo dhaqan siyaasadeed oo sii jira xitaa marka hoggaanku is beddelo.
Tani waa halka ay ka bilaabanto dhibaatada nidaamyo badan oo dimuqraadi ah. Marka xisbigu noqdo gaadiid lagu gaadho xil, halkii uu ka ahaan lahaa hay’ad lagu hirgeliyo mabda’, siyaasaddu waxa ay si tartiib tartiib ah uga guurtaa tartankii fikradaha una wareegtaa tartan shakhsiyaad ama kooxo. Aragtida codbixiyuhuna sidaas ayay isu beddeshaa, oo isma waydiinayaan waxa uu xisbigu ka aaminsan yahay dhaqaalaha, waxbarashada ama maamulka; waxa ay is waydiinayaan uun cidda hoggaaminaysa odhaah-laxamaynta fagaareyaasha, cidda lacagta haysata, ugu ololaha cadcad, ama cidda leh taageerada ugu badan.
Seymour Martin Lipset waxa uu ku doodayaa in dimuqraadiyaddu u baahan tahay waxa uu ugu yeedhay aqbalaad siyaasadeed “legitimacy”— helidda kalsoonida bulshada ee nidaamka siyaasadeed. Kalsoonidaasi ma dhalato oo keliyaata marka doorashooyin la qabto; waxa ay dhalataa marka muwaadinku rumaysto in codkiisu dhab ahaan beddeli karo jihada siyaasadda dalka. Haddii uu dareemo in dhammaan xisbiyadu wada socdaan, isku mid yihiin, kuna wada dhawaaqayaan hadallo isku dhow, isla markaana aanay jirin kala doorasho siyaasadeed oo muuqata, waxa hoos u dhacaysa kalsoonidii uu ku qabay in codkiisu wax beddeli karo.
Dooddan ayaa si gaar ah uga dhex muuqata daraasadaha casriga ah ee ku saabsan dib-u-dhaca dimuqraadiyadda (democratic backsliding). Levitsky iyo Ziblatt, buuggooda How Democracies Die, waxa ay ku doodayaan in dimuqraadiyaduhu inta badan aanay ku burburin afgambi ama xoog ciidan keliyaata; mararka qaarkood waxa ay si joogto ah u daciifaan marka hay’adaha siyaasadeed lumiyaan awooddoodii, siyaasadduna ku ururto shakhsiyaad halkii ay ku dhisnaan lahayd xeerar iyo mabda’. Inkasta oo buuggoodu diiradda saarayo hay’adaha dimuqraadiga ah guud ahaan, dooddoodu waxa ay si toos ah u taabanaysaa xisbiyada siyaasadda iyo in hay’ad aan lahayn aqoonsi iyo mabda’ adagi ay u nugushahay in ay ku milanto rabitaanka shakhsiyaadka.
Aragti tan la mid ah waxaa soo bandhigay Peter Mair buuggiisa Ruling the Void. Mair waxa uu sheegay in dhibaato weyn oo maanta haysata dimuqraadiyadaha casriga ahi ay tahay kala fogaanshaha u dhexeeya xisbiyada iyo bulshada ay sheeganayaan in ay matalayaan. Marka xisbiyadu lumiyaan xidhiidhkii ay la lahaayeen bulshada, waxa ay si tartiib tartiib ah isugu beddelaan ururro ku mashquulsan tartanka awoodda, halkii ay bulshada uga noqon lahaayeen cod iyo matalaad. Codbixiyuhuna waxa uu dareemaa in xisbiyadu aanay metelin aragtiyo kala duwan, balse ay yihiin kooxo isku ujeeddo ah oo ku tartamaya cidda xukunka qabanaysa.
Fikraddan waxa kale oo taageeraya cilmi-baadhista Danica Fink-Hafner ee ku saabsan xidhiidhka u dhexeeya nidaamka xisbiyada iyo dimuqraadiyadda. Waxa uu ku dooday in sifooyinka xisbiyada iyo nidaamkoodu yihiin hal qayb oo keliya oo ka mid ah arrimaha saameeya dimuqraadiyadda, balse ay yihiin qayb lama huraan ah. Gaar ahaan, waxa ay tilmaamaysaa in adkaynta hay’adaha xisbiyada qaran (party institutionalization), iyo ka fogaanshaha siyaasadda shakhsi-ku-wareegga ahi (personalization) ay door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta tayada dimuqraadiyadda.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay sida oo kale xusuusinaysaa in tayada dimuqraadiyaddu ku xidhan tahay isdhexgalka xisbiyada, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha kale ee siyaasadeed, halkii lagu soo koobi lahaa xisbiyada oo keliya.
Haddaba, marka xisbiyadu isu ekaadaan, dhibaatadu ma aha oo keliya in codbixiyuhu ku wareero cidda uu dooranayo. Dhibaatadu waa ay ka qoto dheer tahay taas. Waxa yaraada awooddii dimuqraadiyaddu u lahayd in ay bulshada u soo bandhigto siyaabo kala duwan oo lagu gaadhi karo horumar. Tartankii fikraduhu waxa uu isu beddelaa tartan wajiyo; siyaasaddii guud waxa ay isu beddeshaa olole shakhsiyadeed; xisbiyadiina waxa ay lumiyaan sababtii loo aasaasay oo waxa ay noqdaan madalo gaar loo leeyahay oo aan bulsho meteli karin.
Taasi macnaheedu maaha in xisbiyadu ay ku kala fogaadaan qiyamka aasaasiga ah ee qaranka. Dimuqraadiyad kasta oo caafimaad qabtaa waxa ay leedahay qodobo lagu heshiiyey—dastuurka, nabadda, madaxbannaanida hay’adaha iyo xukunka sharciga. Laakiin heshiiskaas qaran ma baabi’inayo baahida loo qabo kala duwanaansho siyaasadeed. Waxa la isku hayaa ma aha jiritaanka qaranka ama sharciga, balse waa habka ugu wanaagsan ee himilooyinkaas lagu gaadhi karo. Halkaas ayay ka dhalataa doorashada dhabta ahi.
Haddii aragtiyahan aynu soo bandhignay lagu dabaqo xaaladda Somaliland, waxa soo baxaysa su’aal mudan in la isweydiiyo: saddexda xisbi qaran ee maanta jiraa ma metelaan saddex aragti siyaasadeed oo kala duwan, mise waxa ay u egyihiin hal dhaqan ama aragti siyaasadeed oo keliya oo saddex magac iyo saddex astaamood kala leh? Marka la dheehdo doodaha siyaasadeed, ololeyaasha doorashooyinka iyo barnaamijyada xisbiyada, way adag tahay in la arko kala duwanaansho aydhiyoolajiyadeed oo codbixiyaha u sahli kara in uu kala doorto laba ama saddex jid oo kala duwan oo lagu maamulayo dalka. Waxa badanaa xoogga la saaraa cidda hoggaaminaysa xisbiga ama cidda xukunka qabanaysa, halkii bulshada loo soo bandhigi lahaa siyaasadihii lagu xallin lahaa caqabadaha ugu waaweyn ee qaranka. Tusaale ahaan, si muuqata looma arko xisbi bulshada u soo bandhigaya aragti dhaqaale oo ka duwan kuwa kale oo lagu wajahayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, siyaasad biyo oo waarta oo lagaga baxayo biyo-yaraanta soo noqnoqota, ama qorshe caafimaad oo cad oo lagu yaraynayo culaysyada caafimaad ee bulshada iyo baahida sii kordhaysa ee adeegyada caafimaadka.
Sida oo kale, astaamaha lagu garto hay’ado xisbi oo adag ayaa u muuqda kuwo daciif ah marka loo eego dhaqanka siyaasadeed ee soo noqnoqda. Isku beddelashada ama isu-guurguurka siyaasiyiinta ee u dhexeeya xisbiyada, iyada oo aan bulshada loo sharxin isbeddel mabda’ ama aragti siyaasadeed oo horseeday go’aankaas, waxa ay sii xoojinaysaa dareenka ah in kala duwanaanshaha xisbiyadu uu inta badan ku kooban yahay magacyada, astaamaha iyo calamada. Halkii xisbigu ka ahaan lahaa hay’ad ilaalisa mabda’eeda oo qiimaysa in xubnaha cusub la jaanqaadayaan himiladeeda siyaasadeed, marar badan waxa la arkaa in siyaasiyiinta kasoo hayaama xisbiyada kale si weyn loo soo dhaweeyo, iyada oo aan la isweydiin waxa ay ku kala duwanaayeen mabda’ ahaan shalay iyo maanta. Natiijadu waxa ay tahay in codbixiyuhu dareemo in tartanku aanu u dhexayn aragtiyo siyaasadeed oo isdiiddan, balse uu u dhexeeyo isla siyaasiyiin isku fikir ah oo marba calan cusub hoos fadhiya. Marka dareenkaasi bulshada ku bato, waxa sii yaraanaya kalsoonidii lagu qabay in codku beddeli karo jihada siyaasadda dalka, in codku soo saari karo siyaasi mabda’ leh, xisbi aydhiyoolaji waxqabad leh, ama dhalin karo isbeddel wax-ku-ool ah oo bulshada taabanaya, taas oo ah calaamadaha ugu horreeya ee dib-u-dhaca tayada dimuqraadiyadda.
Xoojinta Dimuqraadiyadda Somaliland iyo Dib-u-habaynta Siyaasaddeeda
Doodda maqaalkani ma aha in Somaliland ay u baahan tahay xisbiyo badan oo tiro ahaan sii bata ama in la beddelo magacyada xisbiyada jira. Sida oo kale ma aha dood ka dhan ah nidaamka xisbiyada qaranka laftiisa, balse waa dood ku saabsan tayada xisbiyada iyo nooca tartanka siyaasadeed ee aynu rabno.
Dimuqraadiyaddu kuma badbaaddo tirada xisbiyada; waxa ay ku badbaaddaa tayada fikradaha ay xisbiyadu bulshada u tartansiinayaan. Haddii saddexda xisbi ay noqdaan kuwo hal aragti wada iibgeynaya, codbixiyuhu ma dooranayo mustaqbal kala duwanaanshiyo ku dhisan, ee waxa uu dooranayaa magacyo kala duwan oo hal siyaasad wada metelaya.
Haddii nidaamka furashada ururrada siyaasadeed mar kale la gaadho, muhiimaddu ma ahaan doonto in tobannaan urur oo cusub la diiwaangeliyo, balse waa in bulshada loo abuuro fursad ay ku soo baxaan ururro iyo xisbiyo ku dhisan mabda’, aydhiyoolaji iyo aragtiyo siyaasadeed oo si dhab ah uga jawaabaya baahiyaha qaranka. Kala doorashada ururro siyaasadeed tobankii sannoba mar, waa fursad dastuurku codbixiyaha siiyey si uu u qiimeeyo metelaaddii xisbi qaran ee uu hore u soo arkay, kuna dhalin lahaa isbeddel haddii loo baahdo. Sida aan qabo halka sartu ka xumaatay waa hab xulashada dadweynaha, iyo dhaga barjeynta siyaasiga ee bulshada oo la isku ladhay, kuwaas oo dhaliyey xisbiyo aan ugu yaraan inna soo hordhigi karin waxqabad la taaban karo, marka wakhtigoodii dhawaado, ama wakhtiyada doorashada ee ay codadka bulshada ka rabaan soona saaraya uun siyaasi aan lahayn aragti wax qabad, oo degsan oo xaqiiqo ku salaysan oo ka jawaabaysa baahiyaha bulshadeenna.
Sida oo kale, masuuliyadda dib-u-dhiska dimuqraadiyaddu kuma koobna xisbiyada oo keliya; waxa ay sida oo kale masuuliyadi saaran tahay codbixiyaha. Muwaadinku waa in uu ka gudbaa siyaasadda ku dhisan shakhsiyaadka, qabiilka iyo ololaha laab-lakaca iyo dareenka ku salaysan, una wareegaa qiimaynta mabda’a, barnaamijka iyo awoodda xisbiga uu u leeyahay xallinta dhibaatooyinka dalka, gaar ahaan kuwa isaga haysta, qoyskiisa haysta, deegaankiisa haysta, magaaladiisa iyo xaafaddiisa haysata. Codbixiye weydiinaya waxa xisbiga uga qorsheysan biyaha, caafimaadka, waxbarashada, shaqo-abuurka, koboca dhaqaalaha, siyaasadda arrimaha dibadda iyo dib-u-habaynta hay’adaha qaranka, weliba raacinaya soo bandhigista hababka degsen ee uu u gudanayo xaqiijinta waxa uu soo bandhigaayo ayaa abuuri kara, oo soo saari kara xisbiyo ku khasbanaada ama u tababarnaada in ay soo saaraan aragtiyo, iyo siyaasado tayo leh. Halka codbixiye ku qanacsan hal-ku-dhegyo iyo magacyo uu sii xoojinayo siyaasadda shakhsi-ku-wareegga ah. Tayada dimuqraadiyaddu waxa ay la jaanqaaddaa tayada su’aalaha ay bulshadu waydiiso siyaasiyiinteeda.
Ugu dambayn, himilada Somaliland ma aha in ay yeelato xisbiyo badan oo keliya, balse waa in ay yeelato xisbiyo dhisa hay’ado waara, hoggaamiyeyaal mabda’ leh iyo siyaasado muddo dheer lagu hago qaranka. Taariikhda dimuqraadiyadda guulaysatay waxa ay muujinaysaa in mararka qaarkood hal xisbi uu muddo dheer talada hayn karo (dominant party) isaga oo in badan ilaalinaya tayada dimuqraadiyadda, haddii uu ku sii nagaado kasbashada kalsoonida bulshadiisa isaga oo ku tartamaya waxqabad, hufnaan shaqo iyo aragti siyaasadeed oo cad, halkii uu ku tiirsanaan lahaa daciifnimada mucaaridka ama awoodda shakhsiyaadka. Sidaas oo kale, mucaarad tayo leh looma baahna si uu u diido wax kasta oo xukuumaddu qabato, balse waxa loo baahan yahay in uu yeesho si uu bulshada ugu soo bandhigo jid ka wanaagsan kan jira. Haddii Somaliland rabto dimuqraadiyad la jaanqaadi karta istaraatijiyaddeeda juqraafiyeed, himiladeeda aqoonsi raadinta iyo baahiyaha dhaqaale iyo bulsho ee sii kordhaya, waxa ay u baahan tahay xisbiyo ku tartama xalalka ay soo bandhigayaan, ee aan ku tartamin oo keliya cidda kursiga qabsanaysa. Marka xisbiyadu noqdaan madal lagu tartamo aragtiyo, siyaasigana xisbigu kusoo dhisayo aragti, isku guurguurka aan mabda’a ku dhisnaynna laga gudbo, codbixiyuhuna wax ku doorto mabda’, ayay dimuqraadiyaddu yeelanaysaa awood ay ku soo saarto hoggaan horseedi kara isbeddel waara.
maqaalka oo markii hore lagu soo dhejiyay Shabakadda Geeska kk ranu kazoo xigganay waxa uu u taagan yahay ra’yiga iyo ra’yiga qoraaga lamana matalo ra’yiga ama ra’yiga faallooyinka. Maqaalka ra’yi-yaqaanka qoraagu maaha inuu ka tarjumayo siyaasadda tifaftirka ee Shabakaddaha Wararka Araweelo News Network Associated Online Agencies.
Sakariye Khayre
Qoraa, Falanqeeye Siyaasadeed iyo Turjumaan


