Marxalado kala duwan iyo dedaalo is xigay oo muddo dheer soo socday, kuwaas oo ugu danbayntii sannadkii 1972-kii ay dawladii Soomaaliyeed shaacisay hadal aad loogu farxay oo ahaa in guud ahaan qoomiyadda Soomaaliyeed ay yeelan doonaan Afkooda Hooyo ee ay ku hadlaan oo qoran.

Qoraalka Far-soomaaliga oo leh Tixraac xuruufeed, isla markaana fududaynaya waxbarashadda, sidoo kalena xoojinaya aqoonta iyo Akhriska Af-soomaaliga, maadaama xilligaa wixii ka horreeyay ay Soomaalidu ahayd bulsho Afkooda ay ku hadlaan aannu ahayn mid Qoraal ah.

Dawladii kacaanka, ayaa dedaal Badan ku bixisay horumarinta Af-Soomaaliga, iyagoo isku dayay in uu la mid noqdo Afafka kale ee dunida Waxaana ay dad badani xusuusan Yihiin ololihii qorista iyo akhrinta Af- Soomaaliga.


Hase yeeshee burburkii soo gaadhay Qarankii iyo dawladii soomaaliyeed, wuxuu dhibaato dhinacyo baddan ah u horseeday Bulshadda Soomaalida, waxaana Afka soomaaligu noqday dhibanayaasha ay dhibaatadaasi saamaysay.

Laakiin khuburo ka mida Aqoonyahanada ku xeeldheer Culuumta luuqadaha ee Soomalida ah, ayaa sheegay in marxalad aad u hoosaysa uu marayo Af-soomaaligu, waxayna muujiyeen walaac iyo werwer Laga qabo jiritaankiisa mustaqbalka.

Dedaalo badan iyo daraasado door ah oo ay sameeyeen, ayaa lagu gorfeeyay  dejinta naxwaha Afka soomaaliga sida  Magac, fal, Fal-kaab, Magac u yaal, Sifo, hadana  Sidaasi oo ay tahay wali naxwaha iyo Erayaduba waa qabyo.

Qarnigan (21 – aad ) oo isdhexgalka Dunida iyo bulshooyinku ay meel sare  marayso maadaama tiknoolajiyada Iyo aaladaha casriga ah ee caalamka kusoo kordhay ay fududeeyeen in dadyoowga caalamka oo dhan ay hal meel ku wada xidhiidhi karaan, ama iska arki karaan, amase ay ka wada Hadli karaan.
Loolanka wejiyada baddan  iyo tartanka ka dhaxeeya dalalka dunida waxa kamid ah fidinta iyo balaadhinta luuqadahooda inkasta oo cilmiga iyo aqoontu ay qofkasta muhiim u tahay  hadana waxa xusid mudan in la kala saaro oo aan la isku qaldin macnayaasha aqoonta iyo afka ama luuqada.

Sida aynu ognahay aqoontu waa mid guud oo ka dhaxaysa umadaha aduunyada ku nool mana jirto cid gaar u sheegata lahaanshaheeda balse luuqada ama afka hooyo waa astaan iyo calaamad ka turjumaysa jiritaanka qoomiyadeed ee qayb kamida bulshooyinka dunida wadan kastaana wuxuu gaar u leeyahay luuqad u gaar ah.

Taariikhda iyo sooyaalka nololeed ee umadaha waxa lagu qeexaa ama ay qiimo ku leeyihiin luuqadooda,

Luuqadu waa jiritaanka asliga ah iyo sawraca tilmaameed ee qoomiyadaha dunida.

Markasta oo bulshadu yaraso adeegsiga afkaartooda ama ka qayb qaadashada harumarinta iyo kobcinta waa Astaamaha lagu garto burburka luuqada iyo calaamadaha  ugu danbayn sababa in luuqadaasi ay ka baxdo khariirada luuqadaha dunida.

Hadaba aqoonyahano badan ayaa ka walaacsan sii jiritaanka luuqadeena maadaama oo xukumadaha,ganacsatada iyo dhalinyarada dambe ayna xooga saarin ama dedaal badan ku bixinin luuqada af soomaaliga.

Ugu dambayn Ka qayb qaado horumarinta iyo hiilka hantidaada iyo hantida qoomiyadaada oo ah afkaaga hooyo jiritaankiisa.

W/Q. Khaalid Cabdi Muxumed ( Bulshaawi)
khaalid.bulshaawi@gmail.com