Marxuum Cabdullaahi XasanHargeysa(ANN) Afhayeenkii Ciidanka Booliska Somaliland iyo xidhiidhka Hay’addaha Gashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax, ayaa ku geeriyooday Cusbitaalka Guud ee Hargeysa saaka waaberigii, kadib markii uu maalmihii u danbeeyay u jiifay xanuun uu muddooyinkan la daallaa dhacayay marxuumku. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ka hadlay geerida Afhayeenka Ciidanka oo ahaa saraakiisha sare ee Booliska Somaliland, dhanbaalka tacsida ee kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa lagu yidhi, “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), dhanbaal tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timi Afhayeenkii Ciidanka Booliska Marxuum Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax oo maanta 12/03/2015 lagu aasay Hargeysa, ka dib markii uu u geeriyooday marxuumku xanuun uu maalmahan u jiifay dhakhtarka guud ee Hargeysa. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Sidoo kale Taliyahaaska1a Qaybta Boliiska Sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) ayaa dhanbaal Tacsi oo Geerida Marxuum Gaashaanle Cabdillaahi Xasan Faarax, ku yidhi sidan:-
“Anigoo ku hadlaya Magaca Ciidanka Boliiska G/Sanaag iyo Magacayga waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Somaliland, Gaar ahaan Ciidammada Boliiska Somaliland, Eheledii, Qaraabadii iyo Qoyskii uu ka geeryoodey Marxuum Gaashaanle Cabdullaahi Xasan oo Afhayeenka Guud Ee Boliiska Somaliland oo 12 March 2015, ku geeryooday Magaalada Hargeysa, waxaan Marxuumka Eebbe uga baryayaa inuu jannadii farduusa ka waraabiyo innaga iyo qoyskii uu kabaxayna Samir iyo Iimaan Inaga siiyo”.

Dhinaca kale Marxuum Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Faarax, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, wuxuuna soo qabtay xilalka Takiyaha Qaybta Booliska Gebilay, Taliyaha Qaybta Booliska Hargeysa iyo Taliye xigeenka Qaybta Hargeysa, isagoo sidoo kale mar ahaa La taliyaha hoggaanka sharciga ee Booliska Somaliland. Marxuumka ayaa ka mid ahaa saraakiisha tirada yar ee  ku xeel-dheer aqoonta shuruucda Ciidanka Booliska. Bahda Shebekada Araweelo News Network, waxay iyadoo ka tiiraanyaysan geeridaa tacsi u diraysaa ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay, waxayna Alle uga baryayaan inuu inuu naxariistii janna-fardawsa ka waraabiyo, iyagana Samir iyo Iimaan saadiqa Alle ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews