Hibo Ciise Maxamed

Hadal xumadu waa wax la liiday oo la diiday, ayna fogeysay diinta islaamku, carrabka waxa lagu tilmaamay seef meesha ay seeftaasi goysana aannu dhakhtarku xiitaa dhayi karin, dadkuna way ku kala dhintaan hadal xumada iyo erayada gefka iyo gurracu ka muuqdo.

Baribaa waxa la yidhi gabadh baa nin ay jaar ahaayeen ceebaysay oo cid walba ku tidhi hebel waa tuug, markii dambe ayey boolisku xidheen markii uu muddo jeelkii ku jiray ayay caddaatay inaan wax danbi ah oo arrintaa la xidhiidha lagu hayn deedna la iska soo daayey.

 

Dabadeed gabadhii ayaa maxkamaddii looga yeedhay si danbigaa been-abuurka ah loogu qaado, waxa ay ku andacootay in aanay waxba u gaysan ninka, kaliya ay wax ka sheegtay.

Ninkii qaadiga ahaa oo runtii caqli u saaxiib ahaa ayaa ku yidhi orod oo gurigaagii tag dabadeed warqado soo qaad wax kasta oo aad ninkaa ka sheegtayna ku qor dabadeed jar jar oo kidif, waxaanad ku tuurtaa laamiyada, sidii ayey yeeshay xilligii ballantu ahaydna way soo noqtay si ay ugu sheegto inay fulisay wixii uu faray, qaadigii wuxuu ku yidhi haddaba berri waraaqihii soo ururi oo ii keen, gabadhii inta ay yaabtay ayey ku tidhi qaadigii oo sideen u keeni karaa dabayshaa midba meel gaysee xaataa lagama yaabo inaan xabad kaliya soo helo.

 

Waxa uu ugu jawaabay haddaba hadalkaagiina waa sidaasi oo kale meel walba wuu ka dhacey, cidkastana way maqashay, ninkaana sumcadiisii iyo sharaftiisi waadigaa meel kaga dhacay oo soo noqosho ma leh, halkii ayaa gabadhii lagaga qaaday tallaabo sharciga waafaqsan.

 

U jeedadu waxay tahay waayadan danbe waxaynu aragnaa ama maqalnaa dhallinyar badan oo siyaasaddii amaba waxa loo yaqaano (Politics) qalad u fahantahay oo moodaya in qofka aad taageersantahay ka ay tartamayaan la af lagaadeeyo, ceebihiisana iyo gafafka ka dhaca la baadi-goobo, laguna raad joogo. Qofkasta waxa uu xaq u leeyahay inuu codka doorashada waddanka uu ka dhashay, amaba uu sharciga ka haysto dhiibto, cidda uu taageerayo iyo sida uu u taageerayana xor ayuu u yahay, waxaase aan wanaagsanayn dhaleecaynta, canbaareynta iyo ku-tiri-ku-teenka aan sal & raad toona lahayn ee la isla daba socdo.

 

Haddii aynu nahay umad haysata diinta Suuban ee Islaamkana waynu ka sii xag jirnaa dadyawga diimaha kale haysta oo qur’aan iyo axaadiisba waynu ku haynaa in aan qofka sharaftiisa iyo karaamadiisa meel lagaga dhicin, ceebaha iyo goldaloolada dadka la ilaaliyo oo aan ummadda loo bandhigin.

 

Waxaynu dadka kale sii dheer nahay laablakaca aan arag-fogaanta lahayn ee ina haysta iyo habka badankeenu ku taageeraan dadka ay doonayaan in ay maamulka u dhiibtaan sida madaxweyne, ku-xigeen IWM, taasi oo ah hab qabyaaladeed amaba midkale oo qalooc iyo qudhun sal ku leh, laakiinse aan ahayn mabaadii’da xisbiga iyo barnaamijyada ay isku iib-geynayaan murrashaxiintu, taasi oo keenta cawaaqib xumada aynu imminkaba la daalaa dhaceyno.

 

Wax xal ah oo lagu gaadho haba yaraatee ma jirto in qof la caayo ama la aflagaadeeyo oo aan ka ahayn in intaa beddelkeedu adna cid kale kaaga timaado, wakhtina kaaga lumo aakhirona aad ku cadaab mudan karto.

 

Waxan ku soo gabogabeynayaa in laga fiirsado wararka aan la hubin ee lagu baahinayo baraha bulshada, madaxda iyo shakhsiyaadka la ceebaynayo iyo khaladaadka dadka oo la buunbuuninayona laga dheeraado. Ogow berri baad halkaas oo kale iman doontaa sidii aad dadka ka yeelaysay uunbaa lagaa yeeli, qof aan khaldamina ma jiro adduunka, Ilaahay baa (SW) xumaan ka nasahane Aadame waa gafaa, kaad jeceshahay iyo kaad necebtahayba taas waa inaad garwaaqsataa.

 

Dhallinyarada dalkeyga waxaan leeyahay wakhtiga ka faa’iideysta oo isku daya inaad saxdaan wixii ay Aabayaashiin iyo Awowyaashiin sixi kari waayeen dunidii way socotee yaan la innaga tagin intaynu waa la yidhi baa la yidhi bay yidhaahdeen ku foogan nahay.

Waxa qortay Hibo Ciise Maxamed