Caddami

Agaasimaha Guud ee Hay’adda La-dagaalanka Musuq-maasuqa md Xasan Cumar Hoore oo khudbad ka jeediyay Kulan loo qabtay xubno ka mid ah shaqaalaha dawlada waxa uu sheegay in ay daba gal iyo baadhitaan ku samaynayaan wasaaradaha iyo Hay’addaha kale ee Dawlada.
Agasimuhu wuxuu hadalkiisa ku daray inay soo bandhigayaan masuuliyiinta caadaystay ama ku caan baxay musuq-maasuqa.
Runtii waa hadal aad u wanagsan oo lagu diirsado oo aan hore looga baran masuuliyiinta xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, Waa dhawaaq laga fili karo Masuul Dalkiisa iyo dadkiisa daacad u ah ama laga sugayay muwaadin garanaya xilka saaran, waa qof fahmi kara in musuq-maasuqa iyo maamul xumidu ka mid yihiin arrimaha la degey, ama la hadhay horumarka wadama badan oo Africa ah.
Laakiin waxaad moodaa Agaasimuhu inaanu fahmin ujeedada Madaxweynuhu u sameeyay Hay’adda la-dagaalanka musuq-maasuqa ma laha wuxuu ku khaldamay ujeedada magacu xanbaarsan yahay.
Si kastaba ha ahaatee guushii doorashada ee 2010 Madaxweynihii la doortay waxa la soo darsay culays weyn oo kaga imanayay taageerayaashii Xisbiga kulmiye oo isku soo habar wacday oo dhamaantood u xusul duuban in xil loo magacaabo iyo Beelo guclo ugu jira inay maamulka ka muuqdaan ama aan laga tagin sidaa daraadeed si uu culayska iskaga yareeyo wuxuu si masuuliyad darro ah u adeegsaday qodobka 90 aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland oo awood u siinaya inuu magacaabo masuuliyiinta sar sare ee xukumadiisa markaa wuxuu magacaabay wax loogu yeedho la-taliyayaal madaxweyne oo aad u tiro badan oo aan hadana waxba la waydiin iyo Hay’addo madax banaan oo u dhigma tirade wasaaradaha oo aan waxba u qaban qaranka haddana dulsaar ku ah misaaniyada yar ee dalka waxa ka sii layaab badan Hay’addahan qaarkood waxa ay ka miisaniyad badan yihiin wasarado muhiim ah sida kuwa wax soo saarka kaliya waxa loo abuuray in mansabyo loogu sameeyo ama rag lagu naas-nuujiyo .
Haddaba Agaasime la qabso, Hay’addaaduna kuwaas uun bay ka mid tahay.

Madaxweynaha ay ka go’antahay inuu musuq-maasuqa tirtiro ama uu yareeyo uma baahdo inuu Hay’ado magac u yaal ah sameeyo waxa ku filan inuu xoojiyo Hay’addihii markii horeba jiray ee u xilsarnaa ilaalinta hantida ummada aqoon ahaan iyo shuruuc ahan-ba kuwaasoo kala ah:

Hay’adda Qandaraasyada Qaranka, Hanti-dhowraha guud, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Xafiiska Xisaabiyaha guud , hase yeeshee marka ay madaxda ugu saraysaa musuq-maasuqa qayb ka tahay waxa la curyaamiyaa shaqada iyo hawlaha hay’addaha kor ku xusan waxaana bulshada iyo beesha caalamka lagu hoosaasiya magacaabista Hay’addo been been ah oo musuq-musaaq la-dagaalama waase dhuumasho dhabarku muuqdo.

Hadaba marnaba lagama yaabo in Madaxweyne Siilaanyo gacan idinku siiyo wax ka qabashada musuq-maasuqa mana ogolaan doono qod-qodka wasiiradiisa ceeb ka saliimka ah balse waxaan ka baqayaa oo suurto gal ah in idinka dhibaato idinka soo gaadho ama inaad shaqooyinkiina ku waydaan.
Dhinaca saamaynta iyo dhibaatada musuq-maasuqu kuma eeka dalka gudihiisa oo qudha balse waxa xumaada sumcada uu ku lahaa beesha caalamka waxa laga yareeyaa kaalmadii dibada laga heli jiray, shirkadaha Maalgashigu kuma soo dhiiradaan inay yimaadaan haddii ay yimaadaana marka ay arkaan kuma soo noqdaan.
Shirarka Caalamiga ah qalbi furan laguma soo dhaweeyo wakiilada ka socda wadamada musuq-maasaqu hadheeyay waana la xaqiraa, doodahooda si mug leh looma dhagaysto, soo jeedintooda lama tix geliyo ama waxba lagama soo qaado, waayo waxa loo arkaa inay yihiin rag dadkoodii khiyaamiyay iyo amaanadii loo dhiibay.
C/raxmaan Cadam

abdirahmanadami@yahoo.com