Bulshoyahay aduunyadan Boqorkii Iska lahaa Bashar buu ku aaminay.

Baadhista Shidaalka Somaliland

Mahad oo dhami Allah ayay u sugnaatay. Aduunka casriga ah ummad kastaa waxay awood iyo aqoon lahayd waxay gelisey sidii ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadkeeda dabiicga ah ee Allah ugu nimceeyey, iyadoo ujeeddada laga leeyahay tahay sidii loo gaadhi lahaa horumar dhaqaale.

Bulshadda Somaliland ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisuba waxay xaq u leeyihiin in ay wax ka ogaadaan qaabka xukuumadoodu u maamulayso, amma u maaraynayso khayraadka dabiiciga ah.

Hawlaha shidaalka ee wadanka ayaa hadda ah mid ku sugan marxaladda loo yaqaan Upstream oo ah baadhitaanka iyo soo saaridda shidaalka. Shuruucda baadhista iyo soo saarista shidaalka iyo shuruucda maaranynta dakhliga shidaalka ayaa ah lama huraan in la ansixiyo si ay u hagaan hawlaha shidaalka, isla markaana jiritaankoodu wuxuu muhiim u yahay kusoo dhiirashada shirkaddaha shidaalka ee dalka maalgashiga ku samaynaya. Hawlaha shidaalku waa hawlo ay ku baxdo dhaqaale badan, isla markaana ay la xidhiidho khatar badan oo khasaare dhaqaale oo ku iman kara shirkadaha shidaalka, sidaa darteed waa hawlo sharci ku nool ah oo u baahan in wax waliba sharci ku salaysnaadaan.

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo la kaashanaysa khubaro ku xeel-dheer curinta shuruucda hagidda iyo maamulida hawlaha shidaalka gaar ahaan khubaro sharcigaa ku salaysay qaab laga dheegtey dalka Norway oo ah wadamada ugu wanaagsani xagga maamul wanaaga hawlaha iyo dhaqaalaha shidaalka, waxay dejisey sharciga shidaalka iyo ka maarayta dakhliga shidaalka. Sharciyadan waxaa maalgalintooda lahayd shirkad ka mida shirkadaha hadda ku hawlan sahaminta shidaalka Somaliland ee Genel Energy, waxayna kala yihiin sidan:-

1. Sharciga shidaalka

2. Sharciga dakhliga shidaalka.
Sharciga shidaalka ee noocan oo kale ah ayaa waxay badanaa xambaarsan yihiin arimaha ay ka mid yihiin doorka dawladdu gaar ahaan wasaarada khusaysa (Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland) ee heshiisyada wadaagidda sahaminta iyo wax soo saar, wadaxaajoodka heshiisyadaas oo badanaaba ku cabiran in heshiiska ugu faa’iidada badan loo helo wadanka. iyadoo aan la qaadanayn mawqif dhinac keliya ah oo aan u suurto gelinayn shirkaduhu inay maalgashadaan wadanka iyagoo faa’iido ku helaya maalgashigoodii. Qaabka loo samaynayo dalabaadka heshiisyada wadaagidda sahaminta iyo wax soo saar iyo qaabka iyo waxyaalaha ay ka koobnaanayaan heshiisyadaas.

Sharciga ayaa wuxuu sidoo kale la xidhiidhaa waxyaalaha khuseeya deegaanada laga baadhayo shidaalka sida ilaalinta iyo qiimaynta deegaanka iyo shaacinta goobta loo qoondeeyey shidaal baadhista iyo nooca sahaminta haday ahaan lahayd mid hordhac ah iyo haddii ay tahay mid buuxda.

Waxaa kale oo sharciga noocan ahi xambaarsan yahay xuquuqaha iyo waajibaadyada wadanaka iyo shirkadaha ee la xidhiidha hawlaha sahaminta shidaalka, diyaarinta qodaalka, fulinta qodaalka, wax soo saarka, dhisida iyo isticmaalka dhuumaha shidaalka qaada iwm. Cashuuraha, ajuurooyinka, lacagaha kale ee saamiqaybsi, ilaalinta deegaanka, caafimaadka iyo xaalad-wanaagga ayaa iyana ku faahfaasan shiriyadan oo kale. Sharciga waxaa ka farcama xeer-nidaamiyayaal kale oo si faahfaasan u khuseeya mawduucyo gaar ah.
Sharicaga labaad ee dakhliga shidaalka ayaa la xidhiidha maaraynta, maalgashiga, ilaalinta iyo adeegsiga dakhliga shidaalka. Sharcigan oo ka kooban xeerar iyo xeer-nidaamiyayaal fara badan ayaa loogu talo galay in uu noqdo mid u sii diyaarsan shidaalka hadda sahankiisii socdo oo rajo aad u wayn laga qabo in lagu helo kayd wayn marka qodaalka la sameeyo sannadka fooda inagu soo haya ee 2019.
Waxaa laga wada dheregsan yahay in haddii aan dakhliga khayraadka gaar ahaana shaidaalka loo maamulin si wanaagsan uu iska daa faa’iido iyo horumar uu la yimaado e uu keeni karo mushkiladdo, musuqmaasuq iyo cadaalad darro. Si taas looga gaashaanto wuxuu sharcigani ka hadlayaa daahfurnaan iyo xisaabtan qeexan, samaynta koonto dakhli shdiaal oo xafidan, maamulidda koontada qaran ee dakhliga shidaalka, go’aaminta xaddiga lagu darayo miisaaniyada qaranka iyo xaddiga la dhitaynayo, maamulida koontada qaranka ee dakhliga shidaalka.

Wuxuu sidoo kale ka hadlayaa samaynta sanduuq qaran oo dakhli shidaal si loogu dhiteeyo lacagaha wixii aan loo adeegsan horumarin iyo maalgelin, sida loo adeegsanayo sanduuqaas iyo ilaalintiisa. Maalgashiga iyo dhitaynta dakhliga shidaalku aad ayay muhiim u yihiin maadaama shidaalku yahay il dhaqaale oo aan cusboonaan oo mudo ku kooban isla markaana aan qiimahiisu fadhiyin ee joogto isu bedbedolo, loona baahan yahay inaan la noqon waddan shidaal kaliya ku tiirsan ee horumariya ilahiisa kale ee dhaqaale. Sharicigu wuxuu soo jeedinayaa aasaasid guddi maalid dakhli shidaal oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlada.
Xaga ahmiyadda iyo mudnaanta gobolada iyo degmooyinka shidaalka laga soo saaro, sharcigu wuxuu soo bandhigayaa in xaddi cayiman oo horumarineed loo qoondeeyo gobalka iyo degmada laga soo saaro shidaalka iyagoo sidoo kale qayb ka ah saamgii guud ee wadanku helayo.

(a) Gobolada laga soo saaro shidaalka waa inay helaan [x] qayb/per cent dakhliga shidaalka.

(b) Degmada ka tirsan gobolka laga soo saaro shidaalka waa inay heshaa [x] qayb/per cent dakhliga shidaalka.

(1) Wasiirka ayaa ugudbinaya cadadka dakhliga si waafaqsan faqrada (1) ee sare Gobolada iyo Degmooyinka laga soo saari doono shidaalka.

(2) Wasiirka ayaa awood u leh siduu xeer nidaamiye iyo sharciyo dhamaystiran ugu diyaarin lahaa si ay u fulaan qodobada kor ku xusan.

Sharciga dakhliga shidaalku maaha mid ay awood u leedahay maamulideedu Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee waa mid ay awoodeeda leedahay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadu, wasiirka tuduca hore ka hadlayaana waa Wasiirka Horumarinta Maaliyadda. Xiliga la sameeyo koontada, amma Akoonka shidaalkana wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee hadda dhabarka u ridatey hawsha mugga leh ee sahamintu waxay ula mid ahaan doontaa dheeftiisa wasaaradaha kale waxayna wixii kharash ah ee lagu maaraynayo hawlaha shidaalka marti uga noqon doontaa Wasaaradda Horumarinta Maaliyada iyadoo kharashkaasi uu qayb ka noqon doono miisaaniyad sannadeedaka ay hadaba ka dalbato Wasaaradda Horumarinta Maaliyada.
Marxaladaha shuruucdaasi ay hadda marayaan ayaa ah qaar ka gudbay golaha wasiirada, in mudo ahna la geeyay golaha wakiilada si ay u daraaseeyaan una ansixiyaan, waxaana la rajaynayaa inay dhowaan ka gudbi doonaan shuruucdaasi goluha maadama ay muhim u yihiin dalka iyo shacabka si loo maareeyo shidaalka loogana midho dhaliyo dedaalkii loo galay curintooda.

Waxaa laga yaabaa in aad akhristoow is leedahay Sharciga dakhliga shidaalku wuxuu xiligan ka dhigan yahay “kaluun bad ku jira xawaash looma tunto” laakiin sharcigu waa hadhuubkii lagu lisi lahaa markay hashu dhasho Insha Allah.

Allah  Mahad Leh