Aqoonsiga Somaliland iyo Israel: Ma Heshiis Qarsoodi Ah Mise Go’aan Siyaasadeed oo Madax-bannaan?

Israel oo aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, su’aasha ugu badan ee wiigagan bulshada dhexdeeda ku meeraysanaysaa waa:

Maxaa la kala saxeexday?

Waa maxay heshiiska qarsoon ee la galay?

Maxay dawladda Somaliland qarsanaysaa ee ay u gayn wayday Golayaasha sharci dejinta?

Su’aalahan waxay ka timiday faham khaldan oo ku saabsan waxa aqoonsi dawladnimo yahay marka laga eego sharciga caalamiga ah.

Aqoonsigu Waa Go’aan Hal Dhinac ah

Haddii Israel ay aqoonsatay Somaliland, arrintaasi sharci ahaan waxay noqonaysaa:

Go’aan hal dhinac ah oo ay qaadatay Israel, Kuna salaysan qiimayn siyaasadeed oo ay danaheeda ka aragtay.

Aqoonsigu Ma aha heshiis laba dawlad wada saxeexaan.

Aqoonsigu ma aha qandaraas qarsoon, mana aha dukumeenti qodobo lagu kala qaatay oo dadku ka dalban karaan nuqul saxeexan.

Farqiga u Dhexeeya Aqoonsi iyo Heshiis

Haddii laba dal kala saxeexdaan heshiis iskaashi (tusaale: amni, ganacsi, tiknoolajiyad), taasi waa dukumeenti gaar ah oo la wada oggol yahay.

Laakiin aqoonsigu waa tallaabo ka horreysa taas.

Waa xaqiijin siyaasadeed oo lagu yidhaahdo:

Waxaan u aqoonsanaynaa dal madax-bannaan oo jiritaankiisu sharci yahay.

Haddii ay jiri lahaayeen heshiisyo kale, kuwaasi waxay noqon lahaayeen kuwo gooni ah oo si gaar ah loo wada saxeexay.

Maxay Dadku U Moodaan In Heshiis Qarsoon Jiro?

Marka laga hadlayo Somaliland iyo Israel, shakiyaasha badankoodu waxay ka yimaaddaan:

Xasaasiyadda siyaasadeed ee gobolka,

Taariikhda khilaafaadka Bariga Dhexe,

Iyo aragtida ah in aqoonsigu qasab ku iman karo beddel dan gaar ah.

Laakiin marka laga eego mabda’a sharciga caalamiga ah, aqoonsigu laftiisu ma abuuro waajibaad qarsoon oo labada dhinac ku khasban yihiin.

Maxaa Ka Dambayn Kara Aqoonsiga?

Israel oo aqoonsatay Somaliland, waxa la filayaa dhawaan inay suurtawdo :

Is-weydaarsi diblomaasiyadeed,

Furista xafiisyo ama safaarado,

Heshiisyo iskaashi oo mustaqbalka laga wada xaajoodo.

Laakiin dhammaan tallaabooyinkaas waa geeddi-socod kale oo gaar ah, mana aha wax si toos ah uga mid ah aqoonsiga laftiisa.

Gunaanad

Israel oo aqoonsatay Somaliland, taasi ma noqon doonto “heshiis qarsoon oo la kala saxeexday,” balse waxay noqon doontaa go’aan siyaasadeed oo hal dhinac ah oo muujinaya in dal kale uu u arko Somaliland dal madax-bannaan oo jira.

Fahamka arrintan waxay bulshada ka caawinaysaa inay kala saarto:

Aqoonsi,

Heshiis,

Iyo iskaashi istaraatiiji ah.

Mid kastaana waa hannaan sharci iyo siyaasadeed oo u gaar ah.

Ugu danbayn shacabka Somaliland waxaan kula talinayaa inay ogaadaan dawlad kasta oo ina aqoonsataa in aanay qasab iyo sharci toona aanay ahayn in aynu heshiis saxeexan ku galo isla aqoonsiga laftigiisa

Wa Bilaahi Tawfiiq
Mohamed Ali.

 

Afeef Tafatir
Xogta iyo ra’yiga maqaalkan ku xusani waa kuwa qoraaga oo keliya ah, mana aha mid ka tarjumaya aragtida Tafaftirayaasha, faallooyinka, ama siyaasadda Tafaftirka rasmiga ah ee Shabakadda Wararka Araweelo  News Network ama Shabakada Wararka Araweelo News Associated Online Wakaaladdaha.
Maqaalkani waxa loo daabacay sidii qayb ra’yi ah si loo dhiirigeliyo dooddaha iyo isdhaafsiga fikradaha. Shabakadda Araweelo News Network waxa ay weli ka go’an tahay in ay bixiso madal lagu soo bandhigo aragtiyo kala duwan iyadoo ilaalinaysa madax-bannaanideeda Tafaftirka.