1. Aragtida Falsafadeed
    ee Bulshada Qabiilka ku Dhisan
    By Mustafe Jambir

 

Hordhac
Bulshada Somaliland waxay ku dhisan tahay qabiil, taasoo ka dhigan in qabyaaladda ay tahay hage muhiim ah oo saameeya siyaasadda iyo nolosha bulshada. Si kastaba ha ahaatee, muwaadinimada ayaa ah fikrad ka soo horjeedda qabyaaladda, talada haboon ayaana ah in la dhiso bulsho ka madax bannaan qabiilka. Maqaalkani wuxu soo bandhigayaa aragtidayda ku aaddan saamaynta iyo sida qabiilka, qabyaaladda, iyo muwaadinimada ay isugu xidhan yihiin, iyo sida ay u saameeyaan dhismaha bulsho cadaalad ah.
Qabiilku, sida aan u arko, waa dhaxal bulsho oo ka turjumaya xidhiidhka qoyska iyo taageerada. Falsafad ahaan, qabiilka wuxuu keenaa dareenka ah in la isku xidhnaado bulsho ahaan hab dhiig dhalasho ahaan ah, laakiin wuxuu kaloo keenaa in ay xadidnaato fursadaha nololeed ee dadku. Qabyaaladda, oo ah istaraatiijiyad siyaasadeed oo keenta in dadka lagu qiimeeyo qabiilkooda halkii laga eegi lahaa kartidooda iyo aqoontooda. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ku cadeeyey maqaalkiisa in qabyaaladdu ay tahay “sun siyaasadeed” oo carqaladaynaysa horumarinta bulshadeena.
Dimuqraadiyadda Somaliland waxay leedahay horumar la taaban karo, laakiin waxaa jira caqabado la xidhiidha in xisbiyadu noqdeen “qabiilo la xisbiyeeyey” Aragtidani waxay muujineysaa in dimuqraadiyaddu ay tahay nidaam ka mid ah nadaamyada bulshooyinka, laakiin qabyaaladdu waxay suurogalisaa in dadku ay ku xidhnaadaan qabiilkooda. Arintani waxay ka fogtahay fikradda muwaadinimada, taasoo ah in qof walba uu leeyahay xuquuq iyo waajibaad ka sarreeya xidhiidhka qabiilka.
Muwaadinimadu waxay samaysaa aqoonsi bulsho oo ka madax bannaan qabiilka. Aqoonyahan Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu qiray in “guusha mustaqbalka Somaliland ay ku xidhnaan doonto awoodda muwaadinimada inay ka adkaato qabyaaladda.” Falsafad ahaan, muwaadinimadu waxay ka dhigan tahay in qof walba uu helo fursad cadaalad ku dhisan iyo sinaanta ka qaybgalka nolosha bulshadooda.
Muwaadinimadu waxay u adeegtaa bulshada si ay u xaqiijiso xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta, taasoo ka dhigaysa bulshada mid cadaalad nolosheeda ku salaysan tahay.

Sidoo kale, muwaadinimadu waxay dhiirrigelisaa ka qayb galka nadaamka dawladnimo ee dadka, taasoo ka caawineysa in la dhiso nidaam dimuqraadi ah. Isdhexgalka bulshada ayaa sidoo kale xoojinaya muwaadinimada, iyadoo yareyneysa khilaafaadka qabiil. Markasta oo muwaadinimadu xoogeysato, fursadaha dhaqaale iyo sinaanta ayaa kobocda taasoo gacan ka gaysata in la yareeyo faqriga.
Si kastaba ha ahaatee, muwaadinimada waxaa ka horyimaada caqabado dhowr ah. Qabyaaladda ayaa ah caqabadda ugu weyn ee ishortaagaysa muwaadinimada, iyadoo dadka badankood lagu qiimeeyo qabiilkooda halkii lagu tixgalin lahaa kartidooda. Xisbiyadu waxay inta badan ka tarjumayaan danaha qabiilka, taasoo hoos u dhigaysa ka qaybgalka xisbiyada dadka ka soo jeeda qabiilada yar. Kalsoonida qaran ee dadka oo liita ayaa sidoo kale caqabadda ku ah in la dhiso bulsho muwaadiniin ah, iyadoo qof walba u arko inuu ka tirsan yahay qabiil.
Dhaqaalaha ayaa ah mid kale oo saameyn ku leh muwaadinimada, maadaama faqrigoodu yareeyo ka qaybgalka muwaadiniinta. Xadgudubka xuquuqda aadanaha, sida cabudhinta xorriyadda hadalka, ayaa sidoo kale ka hor istaagaya muwaadinimada. Tayada waxbarashada iyo aqoonta bulshada ayaa saameyn ku leh muwaadinimada, iyadoo dad badan aanay haysan waxbarasho ku filan. Khilaafaadka siyaasadeed ee dhex mara xisbiyada iyo kooxaha kala duwan ayaa carqaladeynaya isdhexgalka bulshada, halka haweenka, oo ka mid ah qaybaha bulshada, ma helayaan fursado sinaan ah oo ku saabsan ka qaybgalka siyaasadda. Dhaqanada qabiilka iyo caadooyinka qaarkood ayaa sidoo kale hor istaaga horumarinta muwaadinimada.
Tusaalooyinka caalamiga ah waxay muujinayaan in bulshooyinka ay ka guuli karaan qabyaaladda. South Africa, tusaale ahaan, Nelson Mandela wuxuu ku guuleystay in uu dhiso midnimo qaran ka madax bannaan qabyaaladda, isagoo ka dhigay muwaadinimada saldhigga nidaamka siyaasadeed. India, iyadoo leh dastuur taageeraya xuquuqda muwaadiniinta, waxay muwaadinimada ka sarreysiiyeen qabyaaladda. Bosnia iyo Herzegovina waxay hirgeliyeen siyaasado dib-u-heshiisiin ah oo ka jawaabaya qabyaaladda, iyadoo diiradda la saaray midnimada bulshada.
Somaliland waxay leedahay casharro qoto dheer; waxay ku guuleysatay nabad dhisid iyadoo ka soo baxday dagaal sokeeye, waxay qabatay doorashooyin caan ay kaga noqdeen Geeska Afrika, waxayna leedahay bulsho firfircoon oo aqoon iyo dhaqaale ka hesha qurbo-joogta. Si Somaliland uga guulaysato qabyaalad, waxay u baahan tahay in ay qaadato tallaabooyin dhowr ah; muwaadinimada waa in lagu barbaarsho jiilka cusub si loo jebiyo xadhigga qabyaaladda, xisbiyada siyaasadeedna waa in lagu saleeyaa mabda’ iyo siyaasad cad.
Gunaanad, qabiilku waa dhaxal, qabyaaladdu waa cudur, dimuqraadiyaddu waa daawo, muwaadinimaduna waa bogsashada. Somaliland waxay haysataa fursad ay kaga guulaysan karto qabyaalada, una dhisto bulsho cadaalad iyo horumar leh. Muwaadinimadu waxay tahay dariiqa kaliya ee lagaga hortagi karo qabyaaladda, waxayna u baahan tahay in la xoojiyo si loo dhiso mustaqbalka wanaagsan.

Tixraacyada

 

Samatar, A. I. (2018). The Politics of Clan and State in Somaliland.
● Ahmed, M., Abdi, R., & Ali, S. (2020). The Impact of Clan Politics on Democracy in Somaliland. Horn of Africa Journal.

Afeef iyo iftiimin Maqaalkani wuxuu diiradda saaraya aragtidayda falsafadeed ee ku saabsan qabiilka, qabyaaladda, iyo muwaadinimada, isagoo muujinaya sida fikradahaas ay isugu xidhan yihiin iyo sida ay u saameeyaan dhismaha bulsho cadaalad ah. Laakiin  maaha mid dhiirigelin u ah qabyaaladda.

Author: Mustafe Jambir
Independent Researcher at Afrosoma Consulting.

The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.