xasan suudiShirkii jabuuti ay somaliland iyo Somalia ay u fidisay waa guul wax ku ool ah
Waxaanu si wayn u qadarinaynaa tabaabushaha shirka loo qabtay Somalia iyo Somaliland oo ay lahayd xukuumada iyo shacbiga reer jabuuti, oo uu wanaageeda leeyahay madaxweynaha jabuti mudane ismaciil cumar geele, oo markasta iyo meelkasta oo ay ku jirto danta inta ku hadasha afka somaliga uu heegan u yahay wax la qabashadeeda.
Sida taariikhdu sheegayso ismaciil cumar geele oo wax wayn oo hurumara ka sameeyey dalkiisa, wuxuu gacan walaaltinimo siiyey shacbiga Somaliland sida, u sahlida iyo u ogolaashaha ganacsatada jabuuti inay wax kasta oo loo baahnaa ay keeneen Somaliland wakhti aad u adag oo dalku ku jiray dhaqaale la,aan .
Sidaas oo kale shacbiga jabuuti waxay kaalin wayn ka qaateen siinta somaliland kaabayaasha dhaqaalaha sida , khadka telifoonka , matoorada nalka, ka qayb galka ganacsatada ay maalgalisay samaynta iyo soo daabicida lacagta Somaliland oo ah tiirka ugu mihiimsan ee taaba galinta geedi socodka Somaliland.
Waxaa intaas dheer jiritaanka Somalia oo ku sigatay inay kabaxdo oo laga waayo maxaafisha aduunka, markii ay ku sugnayd 10sano ku dhawaad dawlad la,aan, waxaa gurmad badbaadina u galay shacbiga, xukuumada iyo madaxweynaha jabuuti mudane ismaciil cumar geele, iyadoo dhaqaalaha jabuuti uu hoos u dhac ku jiray, oo aanay shaqaalaha dawladu qaadan mushahar 8 bilood, ayuu madaxwaynuhu sameeyey gurmad walaaltinimo oo hiil iyo hoba leh ilaa maanta uu la daba taagan yahay oo ay gobolka hiiraan ka joogaan ciidanka hiil walaal, taas oo maanta suurta galisay in la hello xukuumad federal ah oo aan ku meel gaadh ahayn, oo ay wada hadli karaan Somaliland oo mudo dheer sugaysay in la hello xukuumad lagala hadlo arimaha dhex yaala Somaliland iyo Somalia .
Waxaan aad u bogaadinayaa kulanka ay ku yeesheen labada wafti ee ay kala hogaaminayaan madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Somalia iyo dhexdhexaadinta madaxweyne ismaciil cumar geele taas oo ah talaabo hore loo qaaday oo aan lahayn meel ay ka duraan mucaaridku.
Gobol nabadeedka Awdal
Gobolka awdal waa asaaska iyo taaba galka Somaliland, waa gobolkii midnimada iyo xaqiijinta suurta galka caga isku taaga Somaliland iyo geedi socodka Somaliland, gobolka awdal dadkiisu waxay Somaliland ku leeyihiin qadarin iyo ixtiraam iyo xaashi cad,iyagaana ku filan xalinta wixii khalad jira gudahooda, iyagoo gacan ka helaaya xukuumadooda, markaa uma baahna in laga dhex kalluumaysto oo uu isku dayo nin kursi doondoonayaa inuu ku faaiidaysto ( Gudomiye keen Hurdo kale ) xisbiga wadani waxaa ku haboon in arimaha qaranka Somaliland inuu iska ilaaliyo inuu ka faaidaysto khalaafadka yar yare e ay keenayso noloshu.
Xisbiga Kulmiye waxa looga baahan yahay
Xisbiga kulmiye waxaan xasuusinaynaa in lagu jiro bilawgii sanadkii 2015kii oo la galaayo doorashada madaxtooyada oo uu musharax ka yahay madaxweynaha hada xilka haya mudane Ahmed mahamuud silanyo o ah musharaxa 5ta sano ee soo socota waxaana loo baahan yahay tallo ahaan qodobadan hoos ku qoran.
1. In xisbiga laga ilaaliyo khilaafaadka gudihiisa ah oo la xaqdhawro heshiiskii lagu kala reebay musharaxnimad xisbiga oo loo daayey madaxweynaha 5ta sano ee soo socota.
2. Inuu mudane muuse biixi yahay gudoomiyaha xisbiga xaakinka ah ee hogaaminaaya doorashada madaxtooyada ee xisbiga kulmiye, oo tiirka ugu mihiimsan ee guulaysiga madaxweynaha.
3. Xisbigu wuxuu u baahan yahay kudar ee uma baahna ka jar wuxuu u baahan yahay midnimo uma baahna kala tag iyo khilaaf,
4. Sidaas awgeed waxaan ugu yeedhaynaa in xukuumadu gaar ahaan wasiiiradu inay u hogaansamaan hogaanka xisbiga, cidii kursi doonaysa 5sano kadib hala gaadho ee maanta hala shaqeeyaan xisbiga, ninka taageerayaa silanyo waa inuu taageeraa xisbiga hadii kale waxkalaa jira.
Xisbiga Wadani
Xisbiga wadani waxaa horyaala sidii uu u kala saari lahaa rabitaanka kursiga ee gudoomiyahooda iyo sidii loo dhawri lahaa jiritaanka, nabada , wada nolashaha , iyo tartan siyaasadeed oo ku salaysan xuquuqda siyaasadeed ee tartanka siyaasada iyo xaqdhawrida shacbiga laga doonaayo codka, oo ka fog wax kasta oo wax yeelaya wad jirka shacbiga , sida ka fogaasha muusanaw qabiil iyo wufuud iskuwad hayb ah, taas oo halis ku ah xisbiga.
Shacbigu waxay 52% ay codkooda siyeen xisbiga kulmiye iyo madaxweyne silaanyo, markaa xaqiiqda waxa laga helidoonaa marka shacbigu codkooda bixiyaan, waxba ma keenayso xaflad yari oo ah waalaga soo baxay waa lagu biiray, taasi waa kicinta (Agitation) ee maaha abaabul mana aha cod bixin ee tartan xalaal ah halla wada galo.
Xassan sudi xisri ……………………………. Siyaasi madaxbanaan