qoraal
Dhamaanteen iyo umada caalamkuba iyadoo ogsoon in Maamul goboleedka Somaliya ee loo yaqaan Putland uu yahay maamul yar oo macmal ah islamarkaana isagu abaan duulaha Budhcad badeeda iyo howga alshabaab waa nasiim daro inuu Somaliland oo qaran jira dunida laga garanaayo inay 1960-kii qaadatay xornimadii dawladnimo uu maant maamul yar oo shalay la sameeyey ku eedeeyo Somaliland waxay beri ka tahay , Ninka Wasiirka isku sheega ah ee warbaahinta ka sheegay hadalada deel qaafka ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliand, anigu waxaan qabaa inay ka tahay fulaynimo iyo cabsidii haysay oo sii sal balaadhatay , ninkaasi wasiirka isku sheegayaa ee u hadlay maamulka majeerteeniya wuxuu sheegay in Somaliland xidhiidh la leedahay Al-shabaab lana saxeexatay Heshiisyo sidoo kale xeryo ciidan oo lagu taba baro ciidamada alshabaab ay ku yaaliin qaar kamida magaaloyinka Jamhuuriyada Somaliland isagoo aan soo bandhigin wax cadayna sidoo kalena ku haftay su,aalo ay waydiiyeen warbaahinta oo ahaa cadaynta ay u hayaan balse ka jawaabi kari waayey kuna fashilmay inuu keeno cadaymo.

Hadalkaa kaa kasoo yeedhay ninkaasi wuxuu yahay hadal layska yidhi waayo qofku markuu masuul yahay waliba uu sheeganayo siyaasi wasiir ah waxaa looga baahan yahay inuu hadalkiisu miisaanado oo lahaado tab iyo xaalad hasa ahaatee waxaa ninkaasi ka muuqatay in hadalku sida toga uga soco naayyey hadalku waliba bilaa macno ah, waxay ahayd mar haduu qaran iyo dal wax ka sheegayo inuu wax cad oo miisan leh ka sheego dunida caalamku waa od tahay Somaliland wadan geeska Africa laysku hubo nabad gelyadiisa inay tahay , Maamulka Majeerteniya dhaqaalahu wuxu kasoo gala budhcad badeeda oo ay la ogyahay inay Wasiiradooda iyo xukumadooduba kaalin ka qaataan lugna ku leeyihiin abaabulka falalka budhcad badeednimo ee aduunka ka qeyliyey ayna tahay isha koodbaad ee dhaqaalaha putland, waxaa la ogtahay inay Garoowe iyo boosaaso how u yihiin Ururka alshaab islamarkaana ay saldhig weyn ku leeyihiin Buuraha Galgala Ciimada tamarta yare e putland awood u waayeen ay ku muquuniyaan alshabaab markasta oo dagaal dhaco uu khasaaraha iyo dhimashada ugu badan uu soo gaadho putland

Putland iyaa ah Howga Argagixisada iyo Budhcad badeeda, duniduna way ka war haysaa in la doodhoobay sagaashanyadii uu Cabdilaahi yuusuf xiligaas ahaa ragii macmalay maamul qabiileedka , Somalidunja waxay ku maah maahdaa “ tiisaba daryeelaa tu kale ku dara” putland haday naf leedahay danteeda ayey ka shaqaysan lahayd ee qaran jira oo dadkiisii madax ilaa minjo wada ilaashanayaan maalin kasta hadal lamay daba taagnaateen Somaliland waxaa ka filan oo keliya ka saaristii laascaanood waa la ogyahay oo saacado nagumay qaadan maantana hadii aan weerar ku qaadno saacad nagu qaadan mayso, waayo waxaan hubnaa cudada iyo ciidamadaya, hadii aanay fulay ahayn oo maxay marka Madaxweynaha JSL tago Ganbada ama Laasoqoray ay uga qaxaan magaalooyinkooda.

Somaliland waa qaran talaabsaday oo tashaday, waxaana majaraha u haya ragg muquuniyey quwadii Africa oo ku caraabiyey qori caaradii, xornimada iyo nabada maanta aanu haysanana dhayal kumaanu keenin ee dhiigaya ayaanu usoo shubnay Somaliland odayga u weyn ilaa ka u yar daafacaada qarankooda waa u diyaar, waayo ma nihin sida dadka garoowe iyo boosaaso u iibsadaan dhulkooda anagu uma iibsano , waxaad waxaad ka mid ahaydeen kuwii rajiimkii siyaad bare la socday markuu na dhibaayey mar hadii saamaxaadii aanu idin saamaxnay halkaasi idinla marayso horta waa ayaan daro.
Cali Xasan Cawaale

Calixasan806@gmail.com