qoraal
By. Cabduqaadir Cabdiraxmaan Xasan (Rakuub)
Waxa lagama maarmaan ah in si mugle loo eego heshiiska sadexda Xisbi ee Somaliland wada gaadheen ee xukuumaddu gadhwadeenka ka ahayd, kaas oo lagu tilmaamay mid la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo muddo-kordhinta ee dhowaan golaha guurtida Somaliland soo saareen go’aan mudada loogu kordhiyay xukuumadda iyo golaha Wakiiladda. Kadib markii ay muuqatay, isla markaana cadaatay in aan mudadii sharciga ahayd ee xukuumadda iyo golaha wakiiladda aanay qabsoomayn doorashooyinka la filayay.

Haddaba Labada Xisbi mucaarad, ayaa arrinta muran iyo sawaxan aan loo baahnayn ka sameeyay, iyagoo daba socda muddo ay hore Gudida Doorashooyinka Qaranku sheegeen oo ahayd in ay sanad kadib doorashooyinka qaban karaan, iyagoo aan arrinta farsamo ahaan ka eegin, balse muddo u cayimay doorashada, taas oo ahayd mid aanay xaq u lahayn, waxa keliya ee looga baahnaana ay ahaayeen in ay qaabka farsamo ku miisaamaan mudada xukuumadda wixii intaa ka baxsana ay qoraal ugu gudbiyaan Madaxweynaha si uu Hay’addaha ay khusayso ugu gudbiyo kadibna muddo sharci ah loo helo, maadaama Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda labadaba mudada sharciyadoodu dhamaad ku dhowdahay, isla markaana Komishanku, iyagoo aan arrinta dhinaca sharciga ka eegin masraxa isla taagay muddo ay ku cayimaan doorasho aanay xukuumadda iyo golaha ay u qabanayaan muddo xileedkoodu gabaabsi yahay.
Golaha Guurtidu, iyadoo arrintaa sawaxankii ka dhashay ogsoon, waxay dhinacyada Axsaabta Qaranka iyo dhinacyada kale la sameeyeen wadahadal la xidhiidha sidii mudada xilka Xukuumadda iyo golaha Wakiiladda ee gabaabsiga ah loogu heli lahaa sharciyad, balse markii mawaaqif kala duwan ay kala istageen tallooyinkii laga siiyay arrinta, waxay Guurtidu gudatay waajibkeeda, iyadoo qiimaynay xaalada dalka iyo duruufaha siyaasadeed, ama kuwa deegaanka ee xiliga ku haboon in loo kordhiyo Xukuumadda iyo golaha Wakiiladda oo doorashooyinkooda laysku lifaaqay, walaw aan golaha wakiiladu weli samayn Xeerkii doorashada ee golaha Wakiiladda.
Guurtidu waxay qalinka ku duugtay muddo-kordhin sanad iyo Toban bilood ah, mana aha wax cusub in marka sidan oo kale dhacdo sabab kasta ha keentee ay muddo kordhin samayso golaha guurtida Somaliland, balse waxa muuqatay muddooyinkii doodaha iyo muranka arrimahani socdeen in wadamada daneeya doorashooyinka Somaliland wufuud ka socotay u yimaadeen Somaliland sidii ay arrimahaa uga qayb qaadan lahaayeen, taas oo ay sababtay qaylada Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Hoggaamiya Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo u muuqday mid go’aankiisu ku xidhanyahay meel ka baxsan Somaliland, isagoo marar baddan ku cel celiyay dhawaaqyo uu ku dalbanayo in Beesha Caalamku soo kala gaadho, waxayna noqon lahayd markii Labaad ee Taariikhda Somaliland intii ay jirtay oo ay soo martay marxalado kuwan ka addag ay gamco shisheeye soo dhex galeen, balse waxa markan la diiday in ay arrintaa Somaliland guddeheeda isu daayaan oo ay iyagu dmaysanayaan.

Waxase nasiibdaro ah in mudadii ay kordhiyeen Golaha Guurtida ee Dastuuriyan xaqa u leh marka ay timaado muddo kordhin, isla markaana ahaa golaha Somaliland in baddan lagu amaanayay ee ay dheertahay dunida kale xiligan u muuqday in weerar siyaasadeed iyo sidii loo burburin lahaa loo soo tafa xaytay, sababtoo ah waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa “Sacabka Haddaan Xeelad ku Jirin maxa Habeenkii loo Tumaa”, waxa wax lala yaabo ah in Axsaabta Mucaaradka oo ka qaylinaya muddada la kordhiyay oo weliba Guddoomiye Cirro kow ka yahay muddo kordhinta shan sanadood oo horena kursiga ku fadhiyay muddo kordhin golahani sameeyay maanta ugu tiilmaamay sharci-daro mudada kooban ee doorashooyinka awgood loo kordhiyay ee Axsaabta iyo Xukuumaddu usoo saareen heshiis lagu badhi-furayo go’aankii guurtida, iyadoo mudada ay doonayaan iyo mudada Guurtida aanay jirin faraq weyn oo xataa u dhexeeyaa, isla markaana waxa u dhexeeyaa yihiin Afar Bilood, miyaanay arrintani ahayn mid ujeedo siyaasadeed oo aan la fahmin wadata, isla markaana u muuqata qorshe siyaasadeed cusub oo la doonayo in golaha Guurtida Somaliland meesha looga saaro.

Geba gebadii Madaxweynaha iyo Axsaabta Qaranka waxaan usoo jeedinayaa Golaha Guurtida oo ah gole dastuuri ah waa gole shar iyo khayrba leh ee ha noqonina wadadii loo soo marayay burburka golahaa oo ah hay’ad Dastuuri ah oo Somaliland marar baddan kusoo caana maashay, Cabdiraxmaan Guddoomiyaha WADDANI, waxaan leeyahay Xusuuso Golahan waa kii shalay kuu kordhiyay Laba Jeer, Oct, 2005, ayaa la doortay golaha aad guddoomiyaha u tahay shan sanadood ayuu ahaa muddo xileedkiisu, maxaad ku joogtaaa shan sanadood, miyaanayse Odayaashiisa Guddoomiye Saleebaan iyo Xaaji Cabdi ahayn kuwii shalay markii golahaagu xilka kaa tuurayay, iyadoo arrin sharci ahayd soo dhexgalay ee yidhi,”yaan wax mooshin ah lagu soo qaadin inta mudada uga hadhay hayska fadhiyo” goormay go’aanada guurtidu noqdeen kuwo shisheeye loogu yeedhto oo Caalamka loogu qayshado, guddoomiye dib isu xisaabi Madaxweyne Siilaanyona waxaan leeyahay Ninkii tegayow Ceeb ha jicsiman oo burburka golaha guurtida sabab haw noqon, Odayaashu way tegayaan siday u tageen kuwii kele ee shalay, laakiin golahu waa Hay’ad Dastuuri ah oo Somaliland qiime weyn ugu fadhidan ee heshiiskiisa hoosta ku haysta mar haddii aanu ahayn mid waafaqsan muddada ay kordhiyeen ilayn idinmu muddo kordhin ma samaysaan Axsaabta iyo Xukuumadduye dalkana ka daaya muranka ma dhalayska ah oo hortiina eegga.
By. Cabduqaadir Cabdiraxmaan Xasan (Rakuub)