Cali Xaraaro
Taariikhdu makay ahayd 1675 waxa dalka faransiiska qabsaday Ludwigii afar iyo tobnaad waxaana lagu tilmaamaa adoonsigii dadka faransiiska loo geystey kii uugu xumaa ee dunida soo mara inta la ogyahay adoonsigu waa dhawr nooc mida waa marka xoog lagugu qabsado waana laga xoroobi karaa adoonsiga uugu darani waa baahi laguu abuuro lagaagana faa iideysto ka dibna caloosha lagaa qabsado qaabka boqor tooyadii liwigu u dhisneyd ayaa ahayd dabaqado kala sareeya dabaqada koowaad ayaa ahayd boqorka iyo intuu dhalay inta la dhalatay inta la xidika ah iyo xasabahiisa tiradooduna waxay ahayd shan boqol oo qof dabaqada labaad ayaa u dhisneyd sidan wasiirada gudoomiye yaasha maxkamadaha taliya yaasha ciidamada badhisaabada gobolada maayarada magaalooyinka gudoomiye yaasha baananka agaasime yaasha maareeya yaasha dekedaha madaarada wakaaladaha iyo ganacsatada inta ay isku danta yihiin iyo kuwo markaa la sameeyey oo la mida xasharaadka ku nool dhiiga dadka tiradooduna waxay gaadheysey shan kun oo qof isla markaana boqolkii qofba waxay toos u hoos tegeyeen xubin ka tirsan dabaqada koowaad shuruuduna waxay ahayd in xubinta xilka loo dhiibayaa ahaato kuwa uugu liita ama garashadoodu hoosayso isla shantaa kun ayey xubin waliba sii samayneysaa boqol qof oo hoos yimaada waana dabaqadii sedexaad tiradooduna waxay noqoneysaa dhamaantood marka la isku wada geeyo shan milyan shan kun iyo shan boqol oo qof kana soo jeedey nidaamkii boqor tooyadii la odhan jirey liwigii afar iyo tobnaad isla markaana adoonsan jirtey kuna dul noolayd lix iyo labaatan milyan oo faransiis ah siyaasada dadka iyo dalkaba lagu maamuli jirey ayaa ahayd qaybi oo isku dir qofba qof ka hor gee bsaasid ay kala waramaan in la kala irdhoobo marka intaas laga yimaado dhulka oo dhan waxa iska lahaa dabaqada ugu saraysa qofku wuu beerayaa markuu dalagu soo go o wuxuu geynayaa meel loo tilmaamay ka dibna waxa la siinayaa wuxuu habeenkii cuno dadku waxay la mid noqdeen sidii xoolo buka neefku haduu buko ma daaqo oo dooga macuno wuxuu daawadaa neefka caafimaadka qaba ee dooga daaqaya siduu kaa u daawanayo ayuu dhacaa dabeeto dhinta qofkii loo arko inuu xumaan dareemi karo ama dadka wax dareen siin karo waa la xidhi jirey xabsigsa gudihiisa ayaa lagu khaatajin jirey dadka qaarkood suuqa ayaa lagu karbaashi jirey ugu dambayntii gadood dad weyne ayaa dhacay dhiiga ayaa wadooyinka qul qulay dadkii faransiiska ahaa ee xiligaa dhintey waxa lagu sheegaa sedeed mliyan oo qof boqrtooyadiina waa la jebiyey waana xiliga ay soo baxday dadka maxaa ku dhacay iyo roodhidii ayaa ku yaraatay iyo miyey keegaba cunaan waxaan uga socdaa kacaan beeleedka Axmed siilaanyo siduu dalka iyo dadkaba u maamulay waxaad moodaa inay soo akhriyeen buugaagtii laga qoray boqor tooyadii liwigii afar iyo tobnaad isla markaana aanay wada dhamayn oo ay ka tegeen intii dambe waayo haday dhamayn lahaayeen waxa hor iman lahaa halkay cidhibta kacaan kooxeedka Axmed siilaanyo iyo halkuu ku damyn lahaa

Qore: Mujaahid Cali Cismaan Libaax ( Mujaahid Cali Xaraaro