Berbera Corridor Wadadii  Afarta-haad Ahayd Oo Kusoo Ururtay Laba-haad Iyo Lix Shirkadood Oo Ka Baxay shaqada

Mashruuca Wadadii rajada ee Berbera Corridor ee la dhagax dhigay kal hore28/02/2019, ayaa mudadii ay socotay oo hadda dhan 22bilood, waxa lagu dhameeyey wax ka yar 40-Km oo keliya.

Waxayna u muuqata in aannay marna ku dhamaanayn waqtigii loo mudeeyey in ay wadadaasi ku dhamaato oo ku beegan September2021. Waxaa nasiib daro ah in shirkad keliya lagu soo koobay in ay dhisto oo dhameyso wadada Berbera Corridor, taas oo la sheegay inay la daala dhacayso dhismihii wadada una muuqato in aannay marna ku dhamaystirayn Wadada waqtigii loo cayimay oo hore laba jeer dib loo sii dhigay.

Mashruuca wadada Berbera Corridor wuxuu ku bilaabmay rabitaanka dawlada Itoobiya oo rabtay inay Dekeda Berbera wax uga soo degaan maadaama aannay Dekedo lahayn. Waxaana loogu talo galay in ay noqoto wadadaasi marinka laga quudiyo Bariga Afrika.

Berbera ayaa ah  Albaabka laga galo Bariga Afrika (Gate way).Dhamaadkii sanadkii2003, Waxaa daraasad mug leh wadada ku sameeyey laba shirkadood oo kala ahaa Louis Berger iyo shirkadda Afroconsult, taas oo iyadu ka socotay dalka Itoobiya.

Markii wadada la dhagax dhigay sanadkii28/2/2019, waxay goob-joogeyaal ka ahaa dawlada imaaraadka, Itoobiya, Hayada Abu-dhabi Fund iyo shirkada qandaraaska la siiyey ee NEAL BIN HARMAL HYDROEXPERT (NBBII), Waxaana shirkadan la taliye looga dhigay shirkadda CONSER (consultant).

Shirkadan kor ku xusan ee qandaraaska qaadatay waxay bixisay qandaraasyo kale ( sub-contracts) Waxaana ay siisay shirkaddaha madaniga ah ee kala ah.
1- Dawlada Hoose ee Hargeisa oo samaysatay shirkada (MEC).

2- Shirkadda Emisoma. 3- ShirkadaAl-Nafoora.
4- Shirkadda Guri-barwaaqo and mother care.

5- ShirkadaStart General Contractors. 6- ShirkadaAlmis-Coiyo ShirkadaAmal- JV.

Kharashka ku baxaya wadada Berbera Corridor waxaa lagu qiyaasay ilaa iyo$111 Million dollar, taas oo$90 Million oo lacagtaas ah ay bixinaayo Sanduuqa Horumarinta Hayada Abu Dhabi Fund ee dawlada imaaraatiga.$21 Miliondollar waxaa bixinaaya dawlada ingiriiska, lacag dhan$30 Milion dollar waxaa bixinaya Midowga Yurub(EU), Waxaa iyaguna lacag aan yareyn oo aan la sheegin ku yaboohay in ay bixiyaan World Bank.

Dawlada Itoobiya, Somalilaan iyo imaaraatigu waxay ku heshiiyeen in layska kaashado oo la dhisoWadadaBerberaCorridoree dhererkeedu yahay937-km( Wajaale ilaa Addis Ababa) Wadadaas qaybteeda ugu dheer oo gaadhaysa696-KM, ayaa World Bank lacagtii lagu dhisayey laga sii xasiliyey laakiin maanta iyada oo ay dhamaatay 22-kii bilood ee loo qoondeeyey in ay ku dhamaato wadadu ayaa waxaa rafanaaya dhismihii wadada qaybtii Somaaliland loo qoondeeyey oo gaadhyasa ilaa iyo 241-KM (Berberailaa Wajaale),  taasoo ah waddada isku xidhaysa Berberaiyo dalka Itoobiya si maceeshada ka soo degta DekedaBerbera ay mudo kooban ugu gaadho dalka itoobiya oo aan bad iyo Dekedo midna lahayn.

Heshiiska mashruucani wuxuu ahaa in wadada loo dhiso qaabka wadooyinka waaweyn ee aduunka loo dhiso laakiin nasiib daro wuxuu ku soo ururay2-bahaad  oo balacoodu yahay 8-mitir marka laga reebo 3m ee garabyada wadada dhacaya.

Mashruucan dhismaha wadadii rajada ee BerberaCorridor wuxuu hoos uga dhacay xawaarihii uu ku socday dhismihiisu waxaana uu hada dhismihii wadadu marayaa xaalad kab-kab ah oo aad u cakiran ka dib markii 7-dii shirkadood ee ka shaqaynayay dhismaha wadada ay ku soo koobeen shirkad keliya,

6-diishirkadood ee kalena meesha ka baxeen ee joojiyeen dhismihii wadadda markay ku khasaareen ee ku jaah-wareereen maamulkii iyo maarayntii wadadaas ee ninka Carabka ahi lugta ku walaaqay.

Mashruucan waxaa la dhagax dhigay bilowgii sanadkii28/2/2019,, aas oo aan weli la dhameyn 40kii-KM ee ugu horeeyey ee dhamaan lahaa horaantii sanadkan2020. Waxaana u qorsheysnaa Mashruuca in wadadu dhamaato bisha May 2021, laakiin waxay dib ugu riixeen markii khilaaf badani yimi in ay ku dhamaan doonto bisha September 2021, umana muuqato in ay waqtigaas ay wadadu ku dhamaanayso maadaama shirkaddihii dhisaayay lagu soo koobay shirkad keliya oo la daaladhacaysa dhismaha wadadda. Waxaa iyana dhismaha wadada ku jiray ilaa iyo 7-ba biriij (bridges), kuwaas oo aan iyagana ilaa iyo hada midna la dhamayn.

Waxaa Mashruucan rafanayaa uu ummadda reer Somalilaan u cadeynayaa oo daaha uga faydayaa in danaha ka dhaxeeya Somaalilaan, imaaraatiga iyo Itoobiya aanay aheyn dano cokan oo isku dheeli tiran ee ay yihiin dano dhinac ka raran. Maadaama aduunyadu tahay tartan iyo dano isxanbaarsan ma idinla tahay shacabow in dawlada UAE iyo Shirkada DPW ay Dekeda Berbera iyo Wadadda Berbera Corridor ay waqtigii lagu heshiiyey ee loo qoondeeyey ay ku dhameyn doonaan kana dhigi doonaan dhuunta ugu weyn ee quudisa Itoobiya iyo Bariga Afrika ? Jawaabta Su’aashan waxaan u daayey shacabka sharafta mudan ee reer Somaalilaan.

Waxaan ku soo gunnaanadayaa qormadan — Shacaboow Tiraa Kaa Gedmane Wax isu gey-geyso!!

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By. Abdirahman Ismail Nouh