tacsiIN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

TACSI MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland, Ururka suxufiyiinta ee Solja iyo Wargeyskii uu ka tirsanaa ee Saxafi.
Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Nairobi-Kenya 29/12/2014, loona geeyey xaalad caafimaad ka dib dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha dhaqaajinta iyo hirgelinta saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland, muddo dheerna waxa uu ka mid ahaa hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee Solja.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Tacsi Tiiraanyo leh Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Somaliland

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Mr. Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo xaaskiisa Sahra Yuusuf Cabdi waxay tacsi u dirayaan ehelka iyo qaraabada iyo bahweynta saxaafadda Somaliland oo ay ka tacsiyadeenayaan geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Xoghayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, laguna aasayo Hargeysa maanta.
Cabdillaahi Maxamed Ducaale waxa uu ku tilmaamay marxuumka tiir adag oo ka baxay saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland “marxuumku waxa uu ahaa nin aad u dedaal badan oo markasta saxaafadda madaxabannaan uga fikiri jiray sida waalidku ay ubadkooda uga fikiraan,” ayuu yidhi Cabdillaahi Maxamed Ducaale, isagoo marxuumka Alle uga baryay inuu naxiirtii Janno ka waraabiyo, samir iyo Iimaan saadiq ahna ka siiyo dhammaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay.
Tacsi Tiiraanyo Leh Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland

Wasiir Ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Md Cabdiwaaxid cabdiqaadir C/raxmaan ayaa suxufiyiinta Mag
aalada berbera kala qayb galay munaasabad tacsiyadeed loo qabtay xoghayihii Ururka suxufiyiinta Somaliland Marxuum Maxamed rashiid oo maanta lagu aasay Magalada hargaysa ka dib markii uu dhowaan u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay shil gaadhi oo uu ku galay wadada u dhexaysa Magaalooyinka Hargaysa iyo berbera.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Madaxa Waaxdda Xidhiidhka Dadweynaha & Saxaafadda ee ​Shirkadda Dahabshiil Hassan Mohamed Jama (Heiss), Isaga oo ku Hadalaya afka maamulka guud, dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada iyo partners’ka Shirkaddaha Dahabshiil Group, isaga oo aad uga tiraanyaysan, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo dhowaan ku geeriyooday shil baabuur. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii, bahda saxaafadda iyo dhammaan ummaddii uu ka baxayba; marxuumkana Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Tacsi La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Axmed Carwo

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta marxuum Jaamac Haybe ka tekey.

Marxuum Maxamed Rashiid waxuu ahaa nin hal-adag, hogaamiye dhiiran, nin qayb weyn ku lahaa kobcinta saxaafadda xorta ah, xili adag soo maray. Waxaan xusuustaa ololahii doorashada Madaxtooyada ee 2010 doorka uu ku lahaa taageerada xisbiga KULMIYE oo uu khatar badan soo wajahay..

Waxuu ahaa xoghayaha ururka saxaafadda SOLJA .
Maxamed Rashiid waxa uu ku geeriyooday dalka Kenya iyo magaalada Nayrobi oo uu xaalad caafimaad oo ka dhalatay shil baabuur oo ku helay dariiqa Berbera ayaamo ka hor loo qaaday.

Waxaan Ilaahay uga baryaya marxuumka inuu ku abaal mariyo dambi dhaaf iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla janatul-fardaws, ehel iyo asxaabna inaga yeelo kuwa laasima samir iyo duco. .

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.
.
Sidoo kale Tacsi taa la mid ah waxa diraya Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelo News Network Carraale Maxamuud Jaamac, hawlwadeenada shebekaddaha Araweelooyinka, waxayna ka Tacsiyaynayaan Bahda Saxaafadda Somaliland geerida naxdinta iyo murugada xanbaarsan ee ku timi Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo ahaa halyay ka baxay saxaafadda Somaliland, waxayna tacsi gaar ah u dirayaan Qoyskii Ehelkii iyo dhamaan asxaabtii uu ka baxay, waxayna Marxuumka Illaahay uga baryayaan inuu Marxuumka Jana Fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafadda, Qoyskii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxayna samir iyo Iimaan sareecana ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.