Caddaaladii Somaliland oo Codsi Madaxweyne noqotay

Fuad Fartaag

Jamhuuriyada Somaliland waa dal dumuqraadi ah oo leh xeerar iyo shuruuc wax Kala hagga oo Ku salaysan sinaan caddaalad iyo dumuqraadiyad, siddoo kale Jamhuuriyada Somaliland waa dal 100% muslim ah oo aaminsan caddaalad, daacad iyo Sinaan Sidda diintu farayso.

Haddana Somaliland waxay leedahay xeer  dhaqameed soo jireen ah oo ku salaysan xaqsoor , Sinaan, caddaalad, daacadnimo, ood wadaag iyo wax wada lahaansho ku Qotoma hidaha iyo dhaqanka.

Haddaba Jamhuuriyada Somaliland oo ah Dal Dumuqraadiyad ,Diintii islaamka iyo dhaqan San oo soojireen ah leh oo intuba kasimanyihiin xaqsoorka iyo caddaalada iyo daacadnimada oo meel kawada taaganyiin, ayaa haddana  caddaalad darada dalka ka jirta aad Ka yaabaysaa!, waayo waxaad goor iyo ayaan aad maqlaysaa dhawaaqa kasoo yeedhaaya Muwaadiniinta cabanaysa ee goobaha fagaaraha ah iyo warbaahinta isasoo taagaaya ee codka dheer Ku tabinaaya waxa laga galaayo iyo waxa loo gaysanaayo ee leh xadgudub, caddaalad Daro, Tacadi ,xadhig, cago juglayn, afxumo, jidh dil, Boob iyo afduub.

Haddaba waxa isweydiin mudan, Ma laamaha sharci fulinta ee xukuumada  ayaan garanahayn qaabka shuruucda loo fuliyo iyo xeerarka Sidda loo adeegsado, MISE shacabkaan xaqooda garanahayn oo ciddina u sharaxin xuquuqda muwaadinku leeyey iyo hadduu qaldamo waa aadame ama eed lagu tuhmo sidduu uga dowbixilahaa isagoon waxuu xaq uleeyahay aan la duudsiin oo ah in juwan maxkamadeedka soo qabadka loosoo jarto haddii danbi cad lagu hayo, haddii danbi isaga oo faraha Kula jirana si nabadgelyo leh loo kaxeeyo isagoon jidhdil loo gaysan,haddi wax in wax laga weydiiyo loo baahdo waa in si ixtiraam Ku jirto loo wargeliyo, iyo muwaadin goobta iskeen fadlan in dhacdo waxlagaa weydiiyo ayaa loo baahanyahee, siddoo kale qofna maaha danbiile ilaa ay maxkamadi xukunto oo waxa uu xaq u leeyahay in loo SHEEGO waxa uu Ku eedaysan YAHAY ama lagu tuhunsan YAHAY, siddoo kale waxa uu xaq u leeyey in dadkiisa la wargeliyo goobta iyo cidda haysa, iyo in lala xidhiidhsiiyo garyaqaano sharciga usharaxa waxa xaqa uu u leeyahay ,haddaba iyada oo Somaliland tahay dal dumuqraadi ah Sidda dalalka Dimuqraadiga ah Kama jiraan xaqdhowr muwaadin waayo dadka yaalaa caw’da ee  catawgoodu warbaahinta soo gaadhaa waa shacabka inta ladan hubaal danyarta laba Cali isma weydiiso.

Sikastaba ha ahaatee Daah inagama saarna caddaalad darada iyo garsoorka xaqa baal Marsan ee dalka ka Jíra iyo tacadiga Muwaadiniinta lagu hayo ee intaa cabanaaya ee ciddi u joojinahay waxa aanu shaki ka jirin waxa loogaysanaayo Muwaadiniinta in xukuumadu Isla ogtahay waayo wakhti hore uu madaxweynuhu go’aan kasoo saari lahaa oo uu odhan lahaa ciddii muwaadin kula kacda Tacadi iyo sifo sharciga baal Marsan talaabo ayaa ku waajibi doonta in Laga qaado, waa haddii Madaxweynaha dalka ka maasuulka ahi uu saliim Ka YAHAY waxa dalka Ka socda ee lagula kacaayo muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland,

Waddanku sharci ayuu leeyahay lagu hago oo dumuqraadi ah, oo wuxuu leeyahay diin iyo dhaqan aan xadgudubka ogolayn ee maxaa miduun loogu xurmayn waayey oo shacabka loogu tudhi la’yahay,

Haddaba Muwaadiniintan leh ehel Kayo, asxaab iyo xigaal ayaa xaq Daro, bilaa danbi, sharci la’aan aanay waxna galabsan ayaa si afduub ah jeelka ladhigay ee mudane madaxweyne waxaanu Kaa codsanaynaa inaad noosoo dayso!!!!

Wadanka aaway shuruucdii wax Kala hagaysay haddii ruuxii laxidho sifo sharci oo loo maraa jirin oo sifo sharci oo laysku xidhaa jirin waa fawdo waxa wadanka kajiraa markaase yaa faraha baruuro Ku sita!!, waxay dimuqraadiyada ,Diinta iyo dhaqankuba kansiman yihiin in caddaalad lagu wada dhaqmo oo Sinaan laysku xaqsoor siddoo kale haddii lagugu adyadoodo in aad dulqaadatid intaad Kari karto, dabadeed inaad Ka dhiidhidid oo aad ka mudaharaadid, hadday wax Ku hagaagi waayaana xaq aad u leedahay inaad wax iska dhiciso,

Hadal iyo dhamaan waa wax laga yaqyaqsado Dal dumuqraadi sheeganaaya oo Diin iyo dhaqan leh oo caddaalad daro Ka jirto,waana wax laga xumaado shacab Tacadi xadgudub iyo caddaalad daro lagula kacaayo oo halkii ay Ka dhiidhiyi lahaayeen ee ay qasab kaga dhigi lahaayeen in sharciga dalka uyaala in uu shaqeeyo oo xaqoodana dhacsadaan  inay u calaacalaan madaxweynihii xukuumadiisu dhibta gaadhsiisay,  waana  ayaan Daro  in Caddaaladii Somaliland  Codsi Madaxweyne noqotay!!!.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Damiir laawe waa Diin laawe!

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com