Abwaan Yuusuf Shaacir

Maansadani waxay wax ka tilmaamaysaa aragtida calmaaniyadda oo ah in la kala saaro diinta iyo siyaasadda, amaba guud ahaanba diinta iyo nolosha; iyo aragti kale oo iyana la yidhaa Caqlaaniyadda oo aamisan in diinta laga hormariyo laguna saleeyo caqliga bani’aadamka. Haddii aynu dib u milicsano taariikhda, calmaaniyaddu waxay soo if-baxday ku sinnaan dabayaaqadii qarnigii 16aad kadib markii qaaradda Yurub ay isu kaashadeen boqortooyooyinkii iyo wadaaddadii kiniisadahu.Kuwaas oo cadaadis xoogleh saaray bulshadii ay xukumayeen.

Aqoonyahankii iyo dadwaynihii kale oo iskaashaday ayaa kacdoon kala horyimi. Dagaalo qadhaadh kadib waxaa la jabiyay boqortooyiiyinkii iyo wadaaddadii kaniisadaha. Halkaas ayay ka dhalatay figradda ku baaqaysa in la kala fogeeyo diinta iyo siyaasadda ama guud ahaanba nolosha iyo diinta. Aragtidani waxay jahawareer galisay caalamka Islaamka, waxaanay la jaan-qaadiwayday diinteena suuban.Waxaanay leedahay maansadu:

Af-iyo dhaqan baa jiree

Ekeeye haddaan la mudan

Shareeraha lagu astayn

Sarbeeb ubax looga dhigin

Xus iyo arar lagu dalayn

Ugaadhana loo qofayn

Murtida arad baa dilee

Ugbaadsiga haw daraan.

Aboodi dareen la kacay

Abwaan hore sii tilmaan

Asaayo intaanay dhicin

Astaamo jiraan gartaa

Amaano qofkii sidaw

Adduunyadu waa sabool

Abuurta nin diidanaw

Ilaah lama beenin karo

Afkaar nin ku doodayow

Aayaad culus baan arkaa

Ardaaguna waa xariir

Argeegta markaan dulsudho.

Adduunka sharbaa ku fiday

Ardaalo jinbaa u kacay

Aqoon nacabaa dhex taal

Abuurtu hankay lahayd

Jidkay ku agaasinayd

Ogaal kooduun ka dhigay

Abeeso ninkii yaqaan

Miyuu wax ku aaminaa

Awayti haddii la bido

Indhoole muxuu haggaa

Kumaa awr lagu xidhaa

Amaanku dhankee jiraa

Addoon ku badbaadayaa.

Indheer- garad waa yaqaan

Jidkii lagu oodmayee

Waxaan la ilduufi karin

Waxaan asaraarba galin

Islaamku halkuu wax dhigay

Ajana ruuxii sitaw

Waxaa lagu oon baxaa

lXareeda agtaada taal

Abeer ninka raadin jiray

Adeentida waa yaqaan

Calmaanigu waa abkee

Halkuu ku aroorayaa

Dhankuu waxka eegayaa

Markay asal sheegad tahay

Halkee odaygiisu galay

Awliyo sharbaa jirtee

Inshaaro muxuu yaqaan

Haddii xaqa lagu addimo

Intuu wax addeecayaa

Addoon ma rumaysan yahay

Haddii arrin loola tago

Anaani miyuu noqdaa

Ufiyo weedh baa jiree

Aloolka muxuu ku daday

Ugaaska ninkii ahaa

Abaanka muxuu ku falay

Anfaacigu waa xujee

Acmaasha muxuu u gaday

Afeef dhalan baa ka adag

Cadhiyo umal buu la kacay

Xantiisana waa og yahay

Wuxuu Aabaw nayidhi

Akhyaarta haddaa nacdaan

Calmaaniga eer sataan

Aqoonta raggii lahaa

Haddaa ku aleegadaan

Adduunka nimaan aqoon

Asaagii wax laqaybsanayn

Haddaa na agjoojisaan

Dharaar naga eexataan

Galool ubax laa jiree

Adaahi ku doorsataan

Amuuraha aan isgalin

Haddaa isku aabudhaan

Aftahan lagu soo hirtiyo

Ilbixi waa yaaban yahay.

Noloshu ma abaydin baa

Malcaamad nin ka soo aflaxay

Halkuu ka abbaarayaa

Iimaan nin ku doodayaa

Siduu u asiibayaa

Salaad ninka oogayee

Kitaab u adeegsadaa

Miyuu ku ammaanan yahay

Astaamaha dawladnimo

Markay waxaqoolistahay

Arkaantu miyay gashaa

Xafiis eedaan ka baxay

Muxuu ku astaysan yahay

Siyaasadu waa afkaar

Aayaadku ma soo galaan.

Haddaa ajar doonaysaan

Kitaabka abqaalaysaan

Agoon dhaxal wayday iyo

Dulmiga maa oolisaan

Aroos maa meherisaan

Axkaamtu halkay lahayd

Asluubtaan beri iqiin

Shareecadu aamusnayd

Masaajid ku urursanayd

Maxaa uga oogsateen

Habeen u abraaraysaan.

Jawaab nin ku aarsadaa

Nasteex kuma aadanee

Waxaa odaygii la yidhi

Ilaah waa laga baqaa

Aayaha waa loo tudhaa

Fircoon uubtuu ku dhacay

Ulbaa lays kaga dayaa

Naftuna edebbay rabtaa.

Habeen ashqaraarka

Ardaa lagu raagay

Haweenay akhyaara

Anfaacina keentay

Ayaa tidhi eegga

Malaa ururkiinan

Maanlaawe asqoobay

Arbaw lagu sheegye

Miyaan araggiinu

Intiisaba dhaafin.

Markii arah loo tartamay

Af iyo laba daan tasheen

Adoonba adoon wax biday

Kashana laga sii araday

Asoolka markay janteen

Naftii uskak raaciyeen

Siyaasad ku abadarmeen

Qof iyo aashii hadleen

Bulshada amar baa ku dhacay

Ugaadh didaybay noqdeen

Sibay u asqaysan yiin

Rajiyo amal baan lahayn

Ayaankuna hiilin waa

Waxay umaduhu dumaan

Akhlaaqda markay lunshaan.

Ammaantu waxay hoddaa

Nimaan runta aaminayn

Ilduufka waxaa yaqaan

Amaano qofkaan lahayn

Abaartuna waa qalbiga

Kashaa laga oon baxaa

Iimaankuna waa yiqiin.

Islaamka iyo daacaddii

Xaqii lagu uur samaa

Caqlaanigu eed ku sheeg

Daliilkana iin u yeel

Anaaniyad baa jirtee

Asxaabta badhbuu inkiray

Usuushiyo toobaddii

Ujeedda kaluu u dhigay

Aroori ninkii u baxay

Armaa axankiisu yaal

Ninkii shar aloosayaw

Aday talo kuu egtahay.

Awoodda markuu isbiday

Markuu axdar sii dhexgalay

Iblays amar baa ku dhacay

Amaarad shishaa ku taal

Wuxuu ku aroorayaa

Halkay axashiisu tiil.

Abaalka in aanu gudin

Insaan waa lagu yaqaan

Qabbaa aadmiga ku ladhan

Aabiga duul baa kulumay

Abbaartuna waa sidii

Ayaamana waan aqaan

Halkay ku idlaanayaan.

Aloog ninka daaqsadaw

Artala roobbaa ka da’ay

War baa iimay ka jira

Ogaalka intaad ogtahay

Intuu aragaagu yahay

Miyuu aashaa cilmigu

Habeen ku ekaanayaa.

Abaajiga ruux ku lumay

Xaquu ka irdhoobayaa

Runtuu ka ilmaynayaa

Wuxuu ehel moodayaa

Halkay ajashiisu tiil

Adduunka nin qooqayaw

Ayaama kalaa jiree

Amaanada haysa siin.

Awood Rabbi baan u qiray

Ergana Nabigaa ahaa

Iimaankana deeq ka wayn

Aadmigu wili muu hantiyin

Arkaantuna way caddahay

Xaqaa la ajiibayaa

Allena toobaanu idhi.

Dhammaad