Maansada Abwaan Gaariye ee ay qaybtan yari ka mid tahay, ayaan is yara dul taagay ka dib tacajab ay igu samaysay intaasi yar ee aan ka soo qaatay. Ka bacdi waxay i xasuusisay aqoon iyo akhris badan oo aam hore u sameeyey oo ay mabaadi,dan kala duwan iyo cilmiyadan kala duwan midba meel ka soo gashay. “Hadaad caqli leedahay intaad cilmi baadho, car suuqa madoobi ciduu yahay soo hel” waxay igu dhalisay in aan si qoto dheer u milicsado macnaha suugaaneed, siyaasadeed, iyo cilmiyeed ee ay xambaarsan tahay. Waa tix aan u arko in ay si maldahan u taabanayso xaaladdii mugdiga ahayd ee ciligiisii, ilaa maantana iska jiri karta dhinacyo badan ee bulshadeennu ku jirto, gaar ahaan marka la eego cida hagaysa, cida go’aamada ka dambaysa, iyo sida ay u adagtahay in la fahmo cidda dhab ahaantii masuuliyadda leh. Gaariye wuxuu si suugaaneed u muujinayay in caqliga iyo cilmi baadhistu yihiin furaha lagu garto xaqiiqada, taasoo ah baaq aan u arko mid ku salaysan falsafad siyaasadeed oo aad u sarreysa, waa mabd’dii ARAGTIDA KANTIAN.
Marka aan si cilmiyeed u eego, maansadu waxay si toos ah ugu xidhan tahay mabda’a “invisible hand” ee uu Adam Smith ku sheegay dhaqaalaha, taasoo sheegaysa in danta shakhsiga ahi ay si aan toos ahayn u hagto danta guud. Laakiin Gaariye wuxuu ka digayaa in la isku halleeyo gacan aan la arki karin, taasoo aan la garanayn cida hagaysa, taasoo u eg xaalad siyaasadeed oo ay ku jiraan shabakado qarsoon, kooxo dano gaar ah leh, ama faragelin sirdoon. Wuxuu abwaanku si suugaaneed u muujinayaa in aan la aqbali karin xaalad mugdi ah oo aan la garanayn cida hagaysa, taasoo u baahan cilmi baadhis, faham qoto dheer, iyo baraarujin bulsho.
Suuqa madow ee uu Gaariye ka hadlayo ma aha oo kaliya mid dhaqaale, balse waa mid siyaasadeed, sirdoon, iyo bulsho isugu jira. Waa nidaam aan la garanayn cida ka dambaysa, halkaas oo go’aamada muhiimka ah lagu gaadho si qarsoodi ah, iyadoo aan la helin isla xisaabtan iyo hufnaan. Maansadu waxay si maldahan u tilmaamaysaa in bulshada ay ku jirto xaalad ay hagayaan gacmo aan muuqan, taasoo u eg “black hand” ama “network” qarsoon oo saamayn ku leh nolosha dadweynaha.
Waxaan u arkaa in maansadan ay si qoto dheer u taabanayso falsafadda Kantian-ka ee sheegta in caqliga iyo aqoonta ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee go’aan qaadashada saxda ah. Gaariye wuxuu gabaygiisa u adeegsaday sidii aalad uu ku muujinayo baahida loo qabo in bulshada ay ka gudubto dareenka iyo xanta, una gudubto cilmi iyo xaqiiqo raadis. Waa gabay si suugaaneed u muujinaya baahida loo qabo hufnaan, cilmi, iyo isla xisaabtan, taasoo ka hor imanaysa mabda’a “invisible hand” iyo “black hand” ee hagista qarsoon. Qoraalkan waxaan u qoray aniga oo ah Mustafe Jambiir, kana duulaya dareen suugaaneed, faham siyaasadeed, iyo aragti cilmiyeed oo aan ka dhaxlay waayo-aragnimada aan u leeyahay cilmi baadhista suuqa xorta ah ( Market Research) Haayado dhiska ( Institutional development) iyo Human Capital, fahamka qotada dheer ee aan ka haysto dhaadhaqaaqyada siyaasadedd ee gobolka. Maansada Gaariye waxay ii noqotay xasuus iyo xigmad aan u arko in ay tahay in lagu hogaamiyo baraarujinta bulsho, fahamka hoggaanka, iyo raadinta xaqiiqada. Waa gabay aan u arko in uu mudan yahay in lagu xardho dhismaha maskaxda bulshada, laguna faafiyo si ay u noqoto iftiin ka dhex iftiima mugdiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee maanta.

Author: Mustafe Jambir
Independent Researcher at Afrosoma Consulting.

The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.