Qallinkii: Mohamed Ali Yusuf Alja

Ma ihi qof caado ka dhigtay cayda iyo aflagaadada aan haadba haysan, mana ihi ganacasade ciilan oo cashuurta lagu dhibay, mana ihi muwaadin dhoohan oo aan xisaabtamin, balse waxaan ahay muwaadin qirsan cashuurtu qiimaha ay leedahay iyo laf-dhabarta ay bulshada kaga jiro, sidoo kale waxaan ahay dadka aan la yaabin dadka cashuurta bixinta diida, sababtuna waa iyaga oo og in cashuurtaasi laga soo qaado masaakiinta garab-raratada ah ay madaxda dalku ka dhistaan daaro dhaa-dheer kana wataan gawaadhi qaali ah.

Hadaba aan is waydiino waxay tahay cashuuri?

Cashuurtu waa qadar lacageed oo ay ku soo rogtay dawladi shakhsiyaadka iyo shirkadaha, si loo maal-geliyo kharashka ay ku fuliso sugidda amniga, adeegga bulshada, bixinta mushaarka shaqaalaha iyo dhisidda ama dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha.

Hadaba ma jirtaa isla xisaabtan ay dadwaynuhu ka codsanayaan dawladda inay waraysan karaan lacagtii laga qaaday meesha ay martay iyo waxay ku baxday?  Caqabadaha aan wali laga tallaabsan waxaa ka mid ah inaanay jirn dood-qaran  oo arrintaasi lagaga doodayo, laguna siinayo xog-sax ah hanaanka fulineed ee loo maro.

Dadka reer soomaaliland waa dad hayin ah oo haa mooyee aan aqoon Maya iyo inay la xisaabtamaan madaxdooda, taasina waxa ugu wacan qabiilka iyo jahliga biyo dhigtay, xitaa kooda aqoonta is bidiyaa ma leh han iyo aragti ka baxsan hanti la siiyo, ka soo qaad tusaale, dadka gaadiidka wata waxa uu wasiirka gaadiidku sheegay in Lambaraddii/taarikada baabuurta la badalayo iyadoo lacag dhan $ 110 laga qaadayo dadka, ismay waydiin sababta keentay in taariko la badalo iyo wax ku kallifaya lacagta intaasi leeg?!  Liisanka iyo wado marista waa laga qaadaa, hadana ma helaan waddo wanaagsan oo ay maraan, muddo 28 sanno ah ayay sidaasi tahay, waxa keliya ee lagu maaweeliyaa waa; dawlad curdan ah ayaan nahay iyo waan soo koraynaa, laakiinse la isma waydiiyo aqalada iyo aduunka faraha badan leh ee laga dhistay laguna dhitaystay waddanka gudihiisa iyo dibadiisa midna.

Waxa kale oo dhacday in waddo ka mid ah waddooyinka magaalada hargaysa oo ay deganyihiin dad hantiilayaal ah kuna yaalaan meherado aad u shaqeeya ay damceen inay dhistaan waddo hormari jirtay taasi oo isku darsatay dal-dalool iyo kharibnaan, dadkii intoodii bay keeneen (hadda ogow oo cashuur bay bixiyaan) dawladdii hoose ayay u tageen si ay ugu dhisto, waxayse ku kalliftay lacag aanay qaadi Karin inay la yimaadaan, waxayna doonteen ganacsade kale oo wadooyinka dhisa, oo raalli ka ah inuu intaasi ka qaado isaguna (ganacsaduhu) intiisa ku daro, hase yeeshee dawladdii hoose ayaa ka hor istaagtay in la dhiso wadadaasi!  Sababtuna waa in iyada warqad laga soo qaato lagu ogolaanayo dhisideeda oo lacagta gacanta laga soo geliyo!

Agaasimaha aad ogayd isagoo caydh ah, waxba haysan ee muddo sannad ah ku dhistay fooqu halkuu ka keentay xoolahaasi? Ma gurigii hooyadii buu ka keenay? Mise reerkooda siiyay? Saw lacagta shacabka laga qaado maaha!

Shacabka waxaan leeyahay cashuurtiina  haddaad raali ku tihiin inuu kolba kii yimaada aqalo ka dhisto si fiican u siiya oo heesaha khiyaaliga ah ee idinku boorinaya bixinta cashuurta dhagaysta oo ku dhaqma, Haddaadse dhiig iyo iimaan leedihiin la xisaabtama madaxda oo u sheega inaydaan cashuur bixinayn ilaa si daah-furan la idiinku sheego meesha ay maraan xoolaha la idinka qaadayo.

Waxaan ku soo gebo-gebaynayaa maqaalkaygan inaad aqoon u yeelataan xeerarka la idinku dhaqo (Xeer Lr.72/2016:waa xeerka Dakhliga guud iyo cashuuraha Somaliland), yeelataana kartidii iyo kasmadii aad iskaga qaban lahaydeen dhiig-miiratadan gofanaha idinku noqday ee aad ogtihiin inay ka taajireen adduunkiinii.

Qofku waa halka uu is dhigo, shacabigii dhoohanna waa la jaqi sida gofanuhuba dhiiga uga jaqo neefka, horumarn waligii gaadho maayo.

Qallinkii: Mohamed Ali Yusuf Alja

Iceland 003547667871

Moaliyusuf133@gmail.com       U Damqade Bulsho

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkani wuxuu ka turtumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.