qoraalSida aynu wada ogsoonahay Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhowaan socdaal dheer ku gaallaa bixiyey bari iyo galbeedka Somaliland, kaas oo uu ugu kuur-galayay xaalada dhaqan dhaqaale ee uu dalku marayo.
Socdaalkan oo run ahaantii uu ku ammaanan yahay Madaxeynuhu waajibna ay tahay in uu ka war hayo dalka uu madaxa u yahay.
Haddaba, ujeedada aan qallinka u qaatay waxay daaran tahay tiraab ahayd Degmadda Faro-weyne ayaa ku muduharaaday mar uu madaxweynuhu socdaal ku maray, waxaan leeyahay cid kasta oo tidhi kelmadaas Alle ha ka dhaafo, waayo, Faro-weyne cid la mid ah mooyee cid uga badsatay ma jirto guushii uu gaadhay Madaxweyne Siilaanyo, horena way u ogolayd degmadu, maantana way garab taagan tahay.
Haddaba, waxa jirta in uu Madaxweynuhu uu Wasiirro magacaabo, wasiirradaas oo uu u igmado in ay fududeeyaan shaqada qaranka, isla markaana wasiir kasta waxa kale oo ku hoos jirta in uu isku xidho deegaankiisa iyo Madaxtooyada, haddaba madaxweynuhu isaga oo aad u mahadsan wuxuu noo magacaabay saami qaybsi wacan 5 wasiir.
Wasiirka Waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa waxan odhan karaa way gudatay waajibaadkeedii shaqo ee ay qaranka u haysay iyo kii deegaamada ay ka soo jeedo, iyadoo ay isku mid u yihiin dhammaan deegaanada ay ka soo jeedo.
Haddaba, madaxweyne, Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Awrka iyo ninka maxaa u dhexeeya hoggaanka ayaa u dhexeeyaa.” waxaad moodaa rag badan oo xukuumadaada ku jiraa in ay gabeen hawshii aad u igmatay, socdaalkaaganna wuxuu ahaa mid loo baahan yahay. Waayo waa imtixaan aad ku kala reebayso dhammaan wasiirrada xukuumadaada ku jira sida ay u hanteen shaqadoodii.
Waxaan hadalkayga ku soo gebo-gebaynayaa “Ciddina ma jecla tacabkeedu in uu ba’o.”

Axmed Xasan Xaashi (Axmed Tigniko)