kalshaaleCiil-tire : Tix-gabay ah oo Barroor diiq u ah Geerida Alle ha Naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.. waxaana tiriyey : Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale).
Waxaan Magaceeda u cugtay Ciil-tire, markaadse dhuuxdaan midhaha ku jira iyo hab-dhaceeda suugaaneed idinka laftiinu waad ila wadaagi kartaan u magac bixinteeda.
Waxay soo baxday 29/12/2014…. anigoo si hal-haleel ah u hollolobiyay midhahan markii ay dhegtaydu maqashaday geerida naxdinta badan, waxaa laga yaabaa inay ku jiraan ereyo badan oo Jaban, isla markaana suugaanyahanada qaar badan oo ka mid ahi ay u arkaan kuwo aan miisaan badan ku fadhiyin laakiinse anigu dareen ahaan iskumaan qancin inaan Gabyo ee waxaan jeclaystay inaan asxaabta la wadaago dareenka guud ee Baroor-diiqda…
Waxaanan ku bilaabay sidan:
Caatadda aduunkaanu jirin ruux cadadiyaaye
Hadii lagu ciseeyoo u jiro ruux cimrigii dhaafay
Udgoonoow rasuul Maxamed-baan laga carceersheene
Culimadii Asxaabtaan iyana laga carrawsheene
Ciil la hooyeyaa iyo wakhtigan ceeb ka cararyaaba
Cabdoow dheelmay Maxamedkii cududa weynaaye
Miyaan ledi callool xumo xaqaan cidi cambaareyne
Cidlo miyuu horror dugaag igu arkaan maanta
Inaan caymad baadiya ahoon cidi difaacaynin..

Kolkay taladu ciirtee sharciga laga cabsoon waayo
Kolku ciil nin noo qabay coltamo cududna uu sheegto
Isagaa cod-dheer iyo lahaa Ciirsi iyo hiile
Isagaan cabsoon jirin hadii ciidan loo diro’e
Isagaa Caroog noo ahaa lama cadaabaane
Miyaan ledi callool xumo xaqaan cidi cambaareyne
Cidlo miyuu horror dugaag igu arkaan maanta
Inaan caymad baadiya ahoon cidi difaacaynin..

Caawa iyo xalaytaa is xigay waana kala cayne
Cad-ceed iyo habeenbaa is-xiga waanaka cayne
Dharaaraha cartamayaa khalqiga caynba cayn u ahe
Camalkeeda noocaasa buu ciidan u ahaaye
Calankiyo dalkiisuu ahaa ruux cimaamadane
Caammada, saboolka, iyo intii dani culaysiisay
Isagaa u ciil-tire ahaa lama cadaabaane,
Caheey waxaan la koobayn intuu ceeb ka dhiidhiyaye
Caheey waxaan la koobayn intuu caawiyee kabaye
Caheey waxaan la koobayn intuu curiyey sooyaale
Caddad laguma koobiyo odhaah Maxamed Caynkiiye
Cisho laguma soo guurin karo camalsankiisiiye
Cil-cilowgan gees kale hadaan caynka ku iftiinsho
Qof cibaado badanbuu ahaa oo eebbe caabuda..
Carrab Dalableh kuma sahamin jirin cuud intuu rabo’e
Caasi waalid kuma sheegahayn caa’iladdu guude
Caawaba hadii iilka cullan loo cayimay maanta
Taariikhdu way caato bixin geedka ciirsamaye
Amintaanu ciidiyo dhagaxa caddaha hoos geyno
Ee ruuxda lagu soo ceshee loo camiro buugga
Allahayoow su’aalaha culus culus celin jawaabtooda
Haku dhibin casiisoow adaa caalimoo jira’e
Eebboow cidhiidhiga qabriga waasac ugu caymi
ka Xorree caddaabkiyo rabboo Naarta holaceeda
ku casuun raxmaanoow jannada midhaha ceegaaga
cal-calyada fardowsiyo, Al-rayaan ha u hirqado caanno
Caweydiisa eebbo u gogol goob nimcadu cimidho
oo caasaabadii Rasuulkiyo ka yeel culimadii diinta..
..aamin aamin aamin….