W?Q. Mukhtar Cilmi
Maqaalkane wuxuu ku socda taageeryaasha ee weli wax ka sugaya cabdiraxmaan cirro amba lu riyoonaya inu yahay qof han siyaasideed leh oo madaxweyne ka noqon kara somaliland.cinwaankan aan dusha ku qorey waxuu ku salaysan yahay shakhsiyadda cabdiraxmaan cirro ee siyaasideed ka bilaw 2009 ila 2020 ee haatan.

Dadka ka xanaaqa eryga jeegaan maba oga ba in u cirro yahay xubin ka tirsan jeegaanta kuna biiray 2009 si u kaga dhex ceesho kuna musanaabiyo hanka shacabweynaha daninaya kursiga madaxnimadda. Hadaba guma ayuu noqday cirro jeegaan?….

2009 ayay siilaanyo iyo cirro wada shirey, silaanyo wuxu ka baqaniyay in riyaale loo kordhiyo 3 sanoo 2009_2012 iyadoo waliba ay jirtay durufo abaaro xoofaan waagaas oo waafaqsan dastuurka, cirro na oo dantisa ka fakarayay si u xisbiga ucid u helo amba mustaqbalka la furo xisbiyo cusub oo isago soo baxo kuna shaqeysto.waxaana laysla gartay in u buuq ka samiyo cirro barlamaanka gacana ka helo saleebaan oo gurtida jooga si riyaale lagu khasbo doorasho bela diiwaan galin ah oo siilaanyo kusoo baxo.

Markiiba u siilaanyo qabsaday xukunka waaki furay xisbiyadda si u ka takhaluso maayirda dalka haysta ee udub (jiciir iyo dhagalaab iyo ismaacil h.nuur) burburiyaana UDUB. Ciyaartaas siilaanyo iyo cirro waxa gartay oo fahmay faysal cali waraabe jodhi waakii ucid u warejiyay Jamaal cali xuseen si u badbadiyo xisbigan oo gacanta jeegaanta oo galiyo noqodana xisbiga sadexaad ee rali laga yahay.

Haduu doorashooyinkii golayaasha deegaanka ka hore faysal intaaa saminayn ucid 2012 mo noqon lahayeen xisbi jira maanta laakin wuu is dhiibay faysal !!. doorashadaas kadib 2012 maayirada dalka ceerigaabo mooyaane waxay wada noqdin jeegaan iyo waliba ay soo saarin laba xisbi mucaarid isku sheeg ah oo saaxada jaagaantu soo galisay, hadaba burburkaas udhan ee ku yimi Udub iyo siyaasadii talo wadaaga ahayd ee misaan sanayd ya ka danbeyay? Waa CABDIRAXMAAN CIRRO!…

Waayo haduu barigaas siilaanyo ka diido oo.mucaafid noqdo sida maanta ay yihiin saleebaan gal iyo baashe siilaanyo iyo jeegaantu wax kamay noqon lahayen dalkan lkn ninka ka fakaray calooshiisa wuxuu aha CIRRO.

Bal eega ila 2012 ila maanta xisbiga cirro siyaasadiisu maaha mid mucaarideed oo kolba waxay taageertaa madaxweynaha iyo siyaasada jeegaanta.cirro maaha nin han leh waa nin dantisa u shaqeya kolba iska qoslaya ! Wuxuna ku qoslaya dadka oo ka soo jeedo dhalasho ahaan ee wax muudo lkn wuxu ahaa ninkii iyago siyaasiyan tuugtay (warancade gaboose ) ragaas hankoodi burburiyay (udub iyo umadda)…waxaana u soo jeedinaya bulshada nacayb eriga jeegaan in u cabdiraxmaan ciro yahay JEEGAAN una shaqeyo.taasna iga qaata waa ninka ka soo horjeeda in doorasho deegaan iyo barlamaan la galo wayo waxa keenaysa in xisbiyo la furo khatarna ku noqonaysa laftiisa sidaas darteed jeegaantu ma ogola doorasho.

Nasteexo Hal doolar oo danbe ya u kaaga bixin waddani waayo jeegaan baad caawisay aakhirka !..hore loo yidhi …Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno…nabadee.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda Tafaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Qore Mukhtar Cilmi

Mukhtarcilmi@hotmail.com