.By: Axmedyasin M. Jamac

Laba arimood ayaan jeclaystay inaan aniguna intaydii ka idhaa oo kala ah Cayaaraha gobolada Iyo qabyaalada

QABYAALADA
Waxaan arkayay video clip caruur reer Gebiley ah oo farxadii ay kooxdoodu badiyeen isleh ku damaashaada ay si qabyaaladaysan ka dhigeen.

Iyaga lama yaabin ee waxaan la yaabay dad waaweyn oo sii buunbuuniyay ama wareejinaya sidii oonay qabyaaladi jirin OO weliba og in bahasha qabyaalada CARUURTA guryaha looga soo baro sida madarasadaha quraanka looga dhigo.

MUSHKILADU MAAHA DHALINTA EE WAA WAALIDINTAA CARUURTA KU CANQIRANAYSA QABYAAADA.

Haddii la rabo in qayaalada wax laga qabto waa in caruurta laga wacyi geliyo oo la baro dhibaatada qabyaalada iyo macnaha qabiilku leeyahay

Halkan ka akhri qoraal aan
qabyaalada ka qoray
November 10, 2015 – 08:33:52
Qabyaalada Jooji Oo Dadkaaga Ka Shub Xumaanta Lagu Shubay. W/Q:Ahmed yasin Mohamed Jama

 

CAYAARAHA IYO FAAIIDOOYINKOODA
العقل السليم في الجسم
السليم
A healthy mind in a healthy body

“FAA’IIDADA UGU WEYN EE CAYAARUHU NAADIYADA, XAAFADAHA, DEGMOOYINKA, MAGAALO IYO GOBOLADU WAA IS DHEXGALKA, IS BARASHADA IYO ISU SOO DHAWAANSHAHA BULSHADA ”

Faaidooyinka KALE EE ay cayaaruhu u leeyihiin ciyaartoy oo dhan iyo cid wal oo bulshada ka mida qoraal kooban laguma soo koobi karo, balse aynu in yar ka soo qaadano

Cayaaruhu bulshada faaiidooyinkeedu kuma koobna oo kaliya in activity loo galo ama jidhka oo la dhiso, ciyaaruhu waxay qofka ka dhisaan caqliga iyo jidhkaba, researches badan oo la sameeyay waxaa lagu cadeeyay in cayaaraha dhalintu ay qayb laxaad leh ka qaadato waxbarashadooda “ Studies have shown a direct correlation or connection between physical activity and academic performance”

Cayaarahu caafimaadka qofka waxay ka qaataan kaalin laxaad leh oo aan la soo koobi karin
Cayaaruhu waxay qofka baraan Communication Skills sida group discussion iwm

Cayaaruhu waxay dhalinta bartaa go,aan qaadasho, dhiirani uu qaadan karo Decisive Action
Cayaaruhu waxay dhalinta baraan wada shaqayn iyo in ay u wada shaqayn karaan si wada jir ah ah ama Teamwork ah si looga midho dhaliyo arin

Waxay cayaaruhu dhalinta bartaa inay adkaysi wax walba u yeeshaan oo ay noqdaan adaptable ama flexible ay awoodaan inay xaalad walba iyo waqti walba xamili karaan
Cayaaruhu waxay dhalinta baraan important life skills sida ixtiraamka Iyo inaanu qofku noqon mid ficilo xunxun sameeya isla markaana goaan fiican keeni kara, waxa ay qofka bartaa Time management u sahla inuu ka faaiidaysto waqtigiisa una fududaysa in qofku hankiisa uu ku gaadho samir Iyo dulqaad

FAAIIDADA UGU WEYN EE CAYAARUHU NAADIYADA,XAAFADAHA, DEGMOOYINKA, MAGAALO IYO GOBOLADU WAA IS DHEXGALKA, IS BARASHADA IYO ISU SOO DHAWAANSHAHA BULSHADA

Hadaba, hadii la rabo in aynu mujtamac ahaan wax ka qabano qabyaalada oo ay dhab inaga tahay si dadku isugu soo dhawaadaan, waxaa muhiimadu tahay in aabo iyo hooyo waliba aynu wax ka qabano halka mushkiladu taalo(Root-cause which is the highest level cause and is the core issue ) oo ah guryaha.
Hadii guryaha si fiican looga soo ababiyo caruurta ayaa suurto gelin ama keeni karta in jiilalka soo socda ay ka badbaadaan qudhunka qabyaalada

Qabyaalada Jooji Oo Dadkaaga Ka Shub Xumaanta Lagu Shubay.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Ahmed Yasin Mohamed Jama