Dunida maanta waxa ay wajahaysaa iyada oo laga webinaayo yaraanshaha sii kordhaysa oo ku saabsan raashinka iyo biyaha Adduunka, taas oo mustaqbalka dhow isu beddeli karta masiibo caalami ah. Dal kasta oo aan maanta si dhab ah uga hawlgelin wax-soo-saarka cunto, kaydinta biyaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadkiisa dabiiciga ah, berri waa ay adag tahay in uu heli fursad uu kaga baxo baahiyaha nuglaansho iyo burburka dhaqaale ee ku yimaada.
Somaliland iyo Soomaaliya ma aha dalal sabool ah; waa dalal hodan ku ah dhul beereed ballaadhan, xoolo tiro badan, biyo roob iyo kuwo dhulka hoostiisa ah, bad hodan ah, macdan, shidaal, gaas iyo dad shaqayn kara oo Dhallinyaro u badan.
Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqada murugada leh ayaa ah in aynu ku dhex noolnahay waxqabsi la’aan, ku-tiirsanaan dibadeed, siyaasad wax-soo-saar oo rogantay iyo dayac badan oo khayraadka ceegaaga, taas oo keentay in cunto, shaqo iyo nolol sugan laga waayo dalkaa nimcada Alle swt ku mannaystay.
Beerihii waa la dayacay, dadaalkii iyo tamartii wax-soo-saarkana waa laga tegey, dhaqashadii xoolaha waa laga guurey oo waxa aynu eegnaa wax dibedda innooga yimaada, ayaan ku talogalkeeda lahayn berri haddii badda si xidhanto.
Cuntadii iyo khudaartii kala duwanayd ee bulshadu u basins, kolkaynu soo saari kari weyney, ay jirto in maanta si buuxda dibedda laynooga keenaa. Xoolo-dhaqatadii oo ahaa laf-dhabarta dhaqaalaha waa laga kibrey; dadkii daryeeli lahaa ayaa magaalooyinka u hadaafey xoogsi-doon, xoolihiina tuulooyinkii lagu weeteeyey ayay darxumo ugu madhanayaan, biyo, daaq iyo daryeel la’aan.
Deegaannadii waa xaalufeen, dhirtii oo dhuxul lagu dhammeeyey, nabaad-guur ba’an oo ku dhacay, dhir-jarid an xakamaysnayn, biyihii roobkuna waddo dhuxuleed bay raaceen iyagoo badaha ku shubmaya, maadaama aan la samayn biyo-xireenno, warro iyo kaydin qaran. Isla waqtigaas, khayraadkii kale ee dalka, hadday tahay macdan kala nooc ah, shidaal, gaas ama khayraadka badda waxa ay u gacan galeen oo ka faa’iideysta shisheeye, innagu a baahi iyo saboolnimo ayaynu ku noolnahay, sidii dameerkii malabku saarnaa .
Haddii xaaladdan aan si degdeg ah wax looga qaban, dad iyo duunyaba waxa wada gaadhi doonta dhibaato iyo masaa’ib, dhaqaaluhuna wuu baaba’i doonaa, marka raashinka adduunku yaraado suuq ma jiri doono, lacag waxba tari mayso, qof walibana waxa uu illaashan doonaa wixii u haysto markaa, marka biyuhuna yaraadaan, nolol ma jiri doonto, magaalo iyo miyi mid walba waa ay saamayn doonaan abaaraha iyo oodo-lululka dhaca.
Sidaas darteed, wax-soo-saarka cunto iyo kaydinta biyo ma aha arrin ikhtiyaar ah ee waa arrin badbaado qaran iyo jiritaan bulsho ah. Haddaba waxa kagama maarmaan ah in Berri dib loo soo nooleeyaa, xoolihiina dhab loo daryeelo, biyaha sidaa oo kale la kaydiyaa, khayraadka badana looga faa’iideystaa si qorshaysan iyo habab khilaaf la’.
Bulshadu waa in ay shaqada, wax-soo-saarka iyo masuuliyaddaa iyo waddaniyaddii ku noqotaa; xukuumadduna waa in ay dejisaa siyaasad cad oo qaran oo mudnaanta siinaysa beeraha iyo beerista, xoolaha iyo dhaqashadii, biyaha iyo kaydintooda iyo ka faa’iideynta khayraadka dalka, guud ahaan.
Waxa lagama maarmaan ah:
• In xukuumaddu yeelato siyaasad wax-soo-saar oo cad oo waarta, kuna maalgeliso dadweynaha beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo khayraadka kaleba.
• In riigag biyood laga qodo dhammaan gobollada, gaar ahaan kuwa dhul-beereedyada ku wacan iyo xoolo dhaqatada.
• In la hirgeliyo biyo -qabatin waaweyn, biyo-xireenno, kaydinta biyaha roobka oo biyaha badda galana lagu duwo biyo-xidheeno.
• In baayacmushtarka lagu wacyigeliyo, laguna dhiirrigeliyo geliyo in ay maalgashi ku sameeyaan beeraha, biyaha iyo warshadaha wax-soo-saarka, iyadoo dawladdu noqoto la-hawlgal ama dammaanad-qaade kaabistooda.
• In si adag loo ilaaliyo deegaanka, loona joojiyo dhuxusha iyo dhir-jaridda, lana bilaabo dib-u-dhirayn qaran iyo salad xoolaadba.
• In khayraadka dabiiciga ah si caddaalad ah loo maamulo, si qaranku uga faa’iideysto, shaqooyin loogu abuuro dhalinyarada, loona xoojiyo dhaqaalaha gudaha, Lana adkeeyo amniga iyo nabadgelyada dalka, guud ahaan.
Halna waa inaynu ogaano, Qaran ku tiirsan cunto dibedda ka timaadda iyo wax-soo-saar la’aan ma laha madax-bannaani dhab ah, waana geed-sare waab, badbaado waartana ma gaadho iyo nolol.
Calaf-la’aanteennu waa mid la beddeli karo oo maaha nasiib xun oo joogto ah, balse waa xaalad ka dhalatay go’aanno qaldan iyo hawl-gudasho la’aan. Haddii aynu maanta shaqayno, wax-soo-saarno oo khayraadkeenna si caddaalad ah u maamulno, berri waxa aynu gaadhi karnaa sharaf, isku-filnaansho iyo mustaqbal ka wanaagsan kan maanta.
Dhibaato, maanta, waxa ay ka taagan tahay cunto yaridda Adduunka ka jirta ama ku soo waajahan iyo tacab la’aanteena ayaa isu kay qaban weydey iyo ogaal la’aanta aynu ka dhoohannay isbeddelka cimilada ee laga qaylinaayo, waxyaabaha aynu isku hallaynayno ee dhulka inoo falaysa, baahida inoo kabi doonta.
Waxa kale oo aan ku dari lahaa, Adduunka lama arag dal xor ah oo Maamule gaar ah leh oo haddana isticmaalaya lacag aanu lahayn- Doolar($), tiisiina qiime aanay ku lahayn wax kala iibsigii oo xukuumad iyo shicib-ba aynu sidaa ku qanacsan nahay, shidanaaba shidan.
Gunaanad :
Isku-filnaanshaha cunto iyo biyo waa arrin badbaado qaran. Dal ku tiirsan cunto dibedda ka timaadda laguma tilmaami karo madax-bannaani dhab ah, bulsho aan wax-soo-saar lahaynna ma laha mustaqbal waara.
Qof walba ha ahaado muwaadin, ganacsade iyo dawladba ha la qaato masuuliyadda beero falashada, biyo raadinta, riigag qodista, waraha iyo dhaamamka,xoolo dhaqidda, ka faa’iideysiga khayraad baddeena iyo macdanta, nimcada dalka hoos iyo guudba fadhida, si maanta loo badbaadiyo berri iyo Mustaqbalka ee jiritaankeena nololeed Wax-soo-saarka guduhu waa furaha badbaadada dadka, dhaqaalaha iyo jiritaanka qarannimo.
Caqabadaha taagan:
• Dayaca beeraha iyo wax-
soo-saarka
• Xoolo-dhaqasho hoos u dhacday
iyo daryeel la’aan soo
waajahday.
• Biyo-kaydin la’aan iyo nabaad-
guur sababa abaaraha soo
noqnoqda, aan laga gaashaaman
• Ku-tiirsanaanta cuntada,
caanaha iyo badeecado dibedda
laga soo waarido.
• Siyaasad jiheyn ee wax-soo-saar
iyo iskaashi oo daciif ah ama aan
jirin.
• Ka faa’iideysi la’aan khayraadka
oo idil ee dalka, beero, xoolo,
kalluun iyo macdanba leh.
Xalka Lagama Maarmaanka ah:
• Soo nooleynta wax-soo-saarkii
beeraha iyo daryeelka xoolaha,
• Kaydinta biyaha (riigag, waro,
biyo-xireenno)
• Siyaasad qaran oo mudnaan
siinaysa wax-soo-saarka iyo
dardargelinta dhaqaalaha dalka.
• Maalgelin wadajir ah dawlad iyo
ganacsato oo ku wajahan
tiirarkaa kobcinta dhaqaalaha ee
sare ku xusan.
• Ilaalinta deegaanka iyo nabaad-
guurka Abaaraha sababa iyo
khayraadka badda ee shisheeyuhu
u soo tafa-xaytey.
• xoogga oo la saaro llaha
dhaqaalaha, si loo Kordhiyo isku-
filnaanshaha cuntada, biyaha iyo
khayraadka badda.
• Awoodsiinta beeralayda iyo xoolo-
dhaqatada ee tababar, farsamo
casri ah, adeegyo joogto ah iwm.
• Helitaanka suuq gudaha ah iyo
suuq-geyn wax-soo-saarka
gudaha, lagana xidho waxyaabaha
debedda, si aan niyad-jab ugu
dhicin beeraleyda.
• Maarayn hufan iyo qorshayn Qaran
oo caddaalad biyaha loo qaybsado
iyo cadiyaddaba.
• La-qabsiga isbeddelka cimilada
ee adkaysiga beeraha, xoolaha ee
abaaraha soo noqnoqda.
• Kaabeyaasha dhaqaalaha miyiga
sida waddooyin, tamarta, kaydka
iyo xarumo adeeg oo loo sameeyo.
• Sharci iyo kormeer adag oo loo
sameeyo ilaalinta khayraadka,
joojinta kalluumaysiga sharci-
darrada ah oo la abuuro ganacsato
iyagu ka faa’iideysata khayraadka
baddeena.
• Ka-qaybgalka bulshada ee
mas’uuliyad wadajir ee
horumarinta dhaqaalaha dalka,
dawlad, ganacsi iyo bulshoba.
• Dhiirrigelinta dhalinyarada ee
shaqo-abuur leh, hal-abuurnimo,
kalluumaysi, beeraha casriga
ah iyo Arrimaha iskaa wax-u-
qabsada.
• Kayd qaran oo raashin iyo biyo a leh
oo loo diyaargaroobo, si abaarta iyo
masiibooyinka looga hortago ama
loo yareeyo.
• Xog-ururin ku saabsan
dhibaatooyinka jira iyo sida ay ugu
kala baahsan yihiin dalka ee
tirakoob, saadaal iyo xog-
ogaalnimo leh iyo qorshayntooda
ku salaysan xallintooda iyo
hagaajintooda.
• in la xoojiyo wax-soo-saarka badda
oo la abuuro iskaashatooyin
kalluumaysato ah oo dhallinyarada
shaqo-abuur u samaysa.
•xukuumaddu siyaasad cad ka yeelato sidii loo hirgelin lahaa horumarinta dalka ee dhinaca wax-soo-saarka lahaa iyo khayraadka badda iyo berrigana, nidaam hufan iyo xeerar loogu samayn lahaa, ka hortaga khilaafyada iyo amniba.
Waddani dhegeyso oo dhegaha u raarici clip-kan, bal inna in aad dareen ka yeelato
Allaah Mahad Leh,
Prof. M. J. Rooble
– Mujaahidka –
The information contained in the article posted represents the views and opinions of the author and does not necessarily represent the views or opinions commentators. the article a opininian of the author don’t necessarily reflect the Editorial policy of Araweelo News Network.


