muuqaalka Cudbitaalka ceelafweyn

Degmada Ceelafeyn oo kamida degmooyinka ugu waaweyn JSL ayaa Cusbitaalkeedu xidhnaa muddo gaadhaysa 22-kii Sanadood ee u danbeeyay, iyadoo aanu jirin wax adeeg caafimaad ah oo uu fulin jiray mudadaa , marka laga reebo waraqaha dhaawac muujinta oo uu dadka ugu samayn jiray gudoomiyaha Caafimaadka Degmada Dr. Mohamed Elmi Dhuub Pharmacy-giisa .
Xidhnaanshaha Cusbitaalka Degmada Ceelafweyn, wuxuu sababay baahida adeegyada Caafimadka ee Bulshada deegaankaa, taas oo sababtay inay baahi caafimaad awgeed safaro dhaadheer ugu galaan gobolada kale ee dalka .
Horaantii sanadkan ee Bishii 4aad/2014 ayaa waxa wasaarada caafimaadku markii ugu horeysay intii Somaliland jirtay usoo dirtay Dhakhtar heer Jaamacadeed ah Cusbitaalka Degmada, wuxuuna isagoo kaashanaya aqoontiisa caafimaad , Shaqaalihii Cusbitaalka Joogay iyo gudidii Dadweynaha Ee Qaabilsanayd Hawlaha Caafimaadka ayuu ku guulaystay inu Albaabada u furo , adeeg Caafimaad oo rasmiyana kahir galiyo muddo yar gudeheed , iyo sidoo kale Gaadhi Umplance ah oo ay wasaaradu keentay, waxayna talaabadaasi noqotay mid gebi ahaanba bulshada Reer Ceelafweyn aad ugu diirsadeen inay indhaha saaraan Cusbitaalkoodii oo shaqaynaya ilaa dawladihii Dalka u kala danbeeyay .
Furitaanka Waqtigaa ee Cisbitaalka, ayaa gaadhay heer uu yeesho qaybaha Bukaan jiifka iyo bukaan socodka , Iyadoo wakhtiyada qaarkoodna ay dhacday in dadka meel la kala dhigo la waayo oo ay kala bataan sariiraha iyo Bukaanku .
Haddaba iyadoo waagaa cusubi u baryay Caafimaadka degmada ceelafweyn oo ay nasiib u heleen Dr leh Aqoontii Caafimaad ee casriga ahayd isla markaasina u heelan marwalba inuu caawiyo dadka tabaalaysan ee deg Ceelafweyn ayaa waxa dhacday, sabab aan ujeedadeeda la garanayn wasaaradu mar kaliya usoo magacawday Gabadh Cisbitalka looga soo dhigay maamulaha shaqaalaha oo magaceeda la yidhaado Ubax Caalin , taasi oo aan bahda Cafimaadka ku abtirsan, isla markaana aan meelnaba kasoo gelin , marka laga reebo inay isku reer yihiin Agaasimaha guud ee wasaaradaasi mooyaane. .
Waxa sida laga wada war qabo isla wakhtigii ay hawl gashayba bilawday inay shaqaalhii ka hawl gali jiray Cisbitalka ay iska hor keento colaad iyo nacaybna dhexdooda ka abuurto. iyadoo markaa ka dib xidhay oo furayaashii Cusbitaalka kala wareegtay wash man-kii oo ay albaabada u laabtay dhakhtarkii degmada taasina ay tahay wax la wada og yahay oo cadaan ah hadaan la is idho tirayn .
Falkii ugu danbeeyay uguna foosha xumaa wuxu ahaa todobaadkii ina dhaafay ee ku taariikhaysnaa 4-11-2014, kadib markii hakhtar wasaaradu soo usoo dirtay Cubitaalka ay is maan dhaafeen, taas oo ka dhalatay bukaan Abeeso cuntay oo iyada oo aan lagala tashan Dhakhtarka u qaabilsan Cusbitaalka daaweynta bukaanka lasiiyay dawooyin khaldan , arinytaasina aanu wakhtigii uu ogaaday gudoomiyaha Caafimaadka degmada aan dhag jalaq u siin, balse uu ku raacay khaladkii indhola’aanta ahaa, isagoo markaa ka dib qoray warqad aanu awood u lahayn oo uu shaqada kaga joojinayo Dhakhtarkii Cusbitaalka ee wasaarada caafimadku usoo igmatay inuu fuliyo hawlihii uu ku shaqada lahaa ee daaweynta iyo daryeelka bukaanka .
Arrintaa ayaa sababtay inuu gebi ahaanba albaabada u xidhmo Cusbitaalkii Degmada , kuna noqdo sidii uu ahaan jiray mudo ku siman 22 sano ka hor. Sidaa darteed waxay su’aalaha lays weydiinayaa yihiin Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo wasaaradiisu maxay kala socdaan xaalada qalafsan ee Cusbitaalka Ceelafweyn oo mar kale ku laabtay halkii uu joogay 22 sanadood ka hor, maxaase xukuumadda Madaxweyne uga meel yaal xaaladaha noocan, waa haddii Madaxweyne Siilaanyo ka warqabo xaalada dalka iyo halka ay marayaan adeegyada Caafimaad ee ay Ceelafweyn ku sugantahay.
By Maxamuud Cali Axmed