Araweelo News Network.

 

Horumarka laga sameeyey in la gaadho qaranimadan buuxda waxay soo martay marxalado isdabayaallay oo kor u socda illaa hadda waxa bulshada #Somaliland, dowladda iyo golayaasha qaranku uguntan yihiin geeddi socodka ilaalinta iyo horumarinta habka dowladeed iyo toosintiisa.

 

Sida qaramada dowladahaleh, weliba la ictiraafsan yahay, ayay dadka somaliland jecelyihiin,dadka kale ee caalamkana la jecelyihiin, nabadda, iskaashiga, walaaltinimada iyo horumarka waddankooda.

 

Dadka Somaliland way yaqaannaan caqabadaha haysta ee ay ka mid yihiin, khilaafaadka qabaliga ah,siyaasadda dowlad-kudhiska qabyaaladda iyo xoojinta dareenka reernimada,caddaalad darrada iyo dabacsanaanta xoojinta qaanuunka,musuq-maasuqa, gaabinta adeegyada aasaasiga ah, dhaqaala xumada iyo ictiraafla’aanta.

 

Waxayse higsanayaan Himilooyinka waaweyn ee helitaanka ictiraaf deg-deg ah, amniga oo lasii adkeeyo, qarankooda oo ay ka hirgasho dowlad-wanaag, sinnaanta muwaaddiniinta, iyadoo aan loo eegin reer, gobol, koox iyo hayb midnaba, awoodda sharciga oo loo wada hoggaansan yahay, horumarinta dhaqaalaha, aqoonta,waddooyinka, dekaddaha, caafimaadka, biyaha iyo ilaha hab nololeed ee dadku ku tiirsanyihiin oo si siman loo gaadhsiiyo.

 

Hirgelinta siyaasadda suuqa xorta ah, jebinta ascaarta, xoojinta ganacsiga gaar ahaan, ka shaqaysiinta siyaasadaha iyo shuruucda qaybta maaliyadda iyo bangiyada. In dowladdu ururinta cashuurta dadka ku waajibtay noockasta dhammaystirto, iyadoo sida ugu casrisan loo maaaraynayo.

 

In madaxweyne kastoo la doortaa uu ku kalsoonaado dadka (mid doortay iyo mid aan dooran), isla markaana ilaaliyo haybadda qaranka, dastuurka, qaanuunka, maamul wanaagga, la xisaabtanka iyo qiimaynta maamukiisa iyo howl-wadeennada u adeegaya dadka in ay yihiin kuwo u adeegaya caddaalada iyo sinnaanta muwaaddiniinta.

 

In madaxweynaha la doortaa uu dhiso xukuumad xubneheeda lagu soo xulay aqoon, waaya-aragnimo, dhowrsanaan , qaranjacayl iyo waddaniyad,oo kusifooba masuuliyad, ammaano,caddaalad iyo dhowrsanaan bulshada dhexdeeda lagu majeerto.

 

-In Xukuumaddaha lasoo doortaa lahaadaan qorshe, laxisaabinkaro, oo loo soo bandhigo Bulshadda, xagga tayaynta maamulka, maalgashiga, kobcinta dhaqaale iyo guud ahaan wanaajinta helidda adeegyada muhimka ah iyo daryeelka nolosha dadka dalkoo dhan miyi iyo magaalo.

 

Dadka reer Somaliland waxay jecelyihiin xorriyada, ixtiraamka, xidhiidhka waxdhisaya,daryeelka jaarka, soo dhaweynta martida, maalgashadayaasha, dalxiisayaasha, ajaanibka ah iyo musaafiriinta, iyo xidhiidh iyo isu socodka dowladdaha jaarka, ciddii aannay ka imanayn waxyeellaynta amniga iyo balaayo abuurka.

 

Dadka reer Somaliland lama odhankaro 100% way wada saxanyihiin waxaa kamida dadka ka shaqeeya abuurista khilaafaadka, kalashakiga,burburinta amniga,cabsigelinta muwaaddiniinta, carqaladaynta fulinta maamulka dowladda,adeegyada bulsho ama howlaha horumarineed.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By. Abdirahman Ismail Nouh