maalinta qashinka madaxweyne silaanyo
Wuxuu ahaa fikir saliim ah oo ku cusub dunida inteeda kale,kaas oo ahaa badbaado iyo guul u soo hoyatay dhamaan bulshada Somaliland, waa mid kaasoo maaxday Maskaxda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo talada dalka u haya majaraha siyaasadda.
Madaxweynuhu markuu gundhiga ugaga dhiga hawl-gacmeed hal-kudhegeedu ahaa maalinta Ollalaha Nadaafada Qashinka Qaranka jamhuuriyadda Somaliland, in lagu xuso maalinta caafimaadka aduunka ee 7/April/2015.
Haddaba Marka la barbar dhigo xuska hal-kudhega maalinta caafimaadka aduunka 7/April/2015 ee halku-dhegiisu ahaa, (From Farm to Plate, Make Food Safe’) oo macnaheedu uu yahay, Beerta Illaa iyo saxanka cuntada ka dhig amaan iyo halku-dhegeenii ahaa maalinta Ollalaha Nadaafada Qashinka Qaranka, kaasoo ahaa mid ku dhisan caqli iyo garaad siyaasaddeed, marka aynu eegno wadamada aduunka intooda badan, waa kuwo awood dhaqaale u leh habka maareynta khashinka, iyagoo u isticmaala khashinka dib u warshadeyn , isla markaana ay dib ugaga faa’ideystaan khashinkii la tuuri lahaa, taasoo ka mid ah tiir ka mid ah tiirarka kobaca kaabayaasha dhaqaalaha wadamada hore-umaray.
balse haddana kama maqna in la qaato hadba xaalada waxyeelooyinka caafimaadka bulshada ee ka jira wadamadooda, maadaama ay yihiin intooda badani kuwo ka qayb-qaata dhinaca dhaqaalaha mucaawimadda caafimaadka loogu deeqo wadamada saboolka ah ee soo koraya, waxaynu odhan karnaa xukumaddu waxay qiimeysay xaalada waxyeelooyinka caafimaad bulsheed ee ka jira Somaliland, taasoo si mug leh ay ugaga qayb-qaateen in ka badan boqolaal – kun oo ka mid Ciidamada qaranka, shaqaalaha wasaaraddaha , dowladaha hoose, shirkada maareynta Qashinka, oo ay wehelinayaan gaadiidka-qaada Qashinka oo tiro badan.
Waxaana suura galisay in lagaga ururiyo lana qaado qashin xadigiisu uu ahaa in ka badan 100 Tons oo qashin ah dhamaan magaalooyinka iyo degmooyinka dalka ay ahayd Maskax, Muruq, iyo dhaqaale, sidoo kale taas marka la barbar dhigo kharashka ku bixi lahaa halku-dhega, Beerta Illaa iyo saxanka cuntada ka dhig amaan (From Farm to Plate, Make Food Safe’) qadar lacag ah oo dhan 500$ oo dollarka mareynkanka ah in lagu qabto Xuska xaflada maalintaas oo qudha.
Tani waxay ina baraysaa ama ay ina tusinaysaa habka loo kala doorto mushkiladdaha ( Mushkilada weyn iyo Mushkilada yar) waana ta ay Somaliland halku-dhega ugaga dhigatay maalinta caafimaadka aduunka 7/April /2015 Ollolahan nadaafadeed ee qashinka lagaga nadiifinayey dhamaan dalka oo idil.
Dahab aad ku iibsato caafimaadkaaga, yaanu xanuunku kaa kharash gareynin, ee ku dadaal dhinaca nadaafada , qashinku intuu kuu jiro ayuu cudurkuna kuu jiraa, sababtoo ah sida aynu wada-ogsoonahay sababaha ugu waaweyn ee cudurada ka dhalan kara Qashinka iyo cuntadaba ay yihiin, :- Bakteeriyadda, Fayraska, Nooleyaasha, kimikooyinka (kuwa dabiiciga ah iyo kuwa sameyska ah) iyo noolaha illimaqabatiga ah.
Maxamed Faarax Qoti
Madaxa Isgaadhsiinta Dhamaan Adeegyada Caafimaadka Aassaassiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka